Saturday, July 26, 2025

Shakiga ku wareegsan Shirka Shidaalka ee London (Akhriso 13 Arrimood oo xasaasi ah )

-

1) Ma jiro Xisbi Mucaarad ah oo aan ka tirsanahay ama aan taageero, mana jirto cid aan ku taageerayo wax dhib u ah Dalkeeyga.

2) Shirka London ma ahan dhul lagaa qaadanayo ama laguugu heysto milkiyadiisa sida Dacwada Kenya nagala dhexeeyo, waa Deegaan milkiyadiisa laguu ogol yahay, laakin Nacfigiisa laguugu heeysato.

3) In Shidaal la soo saaro waa muhim, su’aasha ayaa ah. waa maxaay Deg degtu?, Maxaase waqtigaan loogu beegay?.

4) Ma dhameeystirno sharcigii shidaalka iyo Heyadihii shaqada ku lahaa. Somali Procurement Agency, Internal oil regulations, income tax act, Land act, Environmental Management act, Resource sharing agreement, Revenue sharing agreement, Petrol Bill, looma dirin Shirka Dadkii bartay Sharciyada Caalamiga ah ee Shidaalka iyo Dhaqaala yaqaanadii qiimeeyn lahaa isbedelka. Sharciga Shidaalka lama horgeeyn Baarlamaanada, Somali land weli si sharci ah ugama go’in Dalka. Xaq ayey wax uga leedahay Shidaalka illaa hadda, lagalamana tashan, Goballadu hab qeybsigii ma dhameystirin, laakin hadda waxaa lagu qanciyay in ey ka aamusaan, dibba haka qeyliyaane, wakiil rasmi ahna uma joogaan.

5) Marxaladii Geology-gu waa dhamaatay, hadda wax lama baarayo, waa laga soo gudbay heerkaa, waan aqaan ragga Geologystayaasha ah ee loo diray London qaar ka mid ah, Cilmiga Geology-gana aad ugu fiican.kana mid ah wafdiga, Laakin hadda doorkoodii waa laga soo gudbay, Data base kii Shidaalka waa la hayaa.

Hadda maxaan u baahanahay? Culuumta kale, waxaan aqaan dhaliyaro ku soo takhasusay, petrol management, petrol law, oo Gudaha Dalka iyo Dibadaba joogo. (Markii aad qof u direeysid heer laga soo gudbay, waa sida adiga oo dhakhtarka Xanuunada Caruurta u diro dad waayeel ah, dhakhtar waa yahay laakin shaqadiisii ma ahan).

6) Ma jiraa waddan Crisis ku jiro oo heshiis petrol lala galay? Somaliya kama jirto degenaan Siyaasadeed, iyo Nabadgalyo la isku haleeyn karo. Cudurka Siyaasadeed ayaa u baahan in la xaliyo. Ma Jirto Dowlad “Shacabku” soo doortay oo si rasmi ah u meteli karto. Kama hadleyno Aqoonsi iyo xiriir caalami ayaa nala siiyay, isma laha Labadu. Waxa laga hadlayana waa heshiis Ballaayiin Dollar ah iyo muddo gaari karto 100 Sanno in lagaa Saxiixo la rabo, Heshiisyadii Dowladihii Somalida ee dagaalada ka horeeyay ayaa 30 sanno ahaa, qaarkood.

Ogoowna: Boqortoyadii Turkigu markii ey Laciifka aheyd waxaa laga saxiixay in 100 Sanno eyna Shidaal Soo saaran Karin, wanaa lagu fuliyay,100kii Sanno waxa ey Dhanaanne Sannadka 2023.

7) Halka laga hadlayo waa Badweyn “ off shore- over 200 m. miles”, Shirkadaha halkaa wax ka qodi karo waa xaddidan yihiin, kharjkuna waa badan yahay, Shirkadaha waaweyne kama soo qayb galayaan Shirka London, waxaa ka soo qayb galaya Shirkado yar yar ama Shirkado mar dhaw la sameeyay, 90% Shirkadaha awooda u leh in ey halkaa Shidaal ka soo saaraan ma imaanayaan Shirka Londan.

8 ) Fiiri proposal-ka Shirka waxa ka qayb galayaasha marti qaaday Shirkada Spectrum, waa dhaqaala doon ee ma ahan Shirkad iyadu awoodo in ey halkaa Shidaal ka soo saarto, waxa ey helayaan % iyo dhowr Block oo la siiyo oo ka mid ah 206 da block. Waxa ey rabtaa in ey hesho shirkado offer keeda aqbalayo.

9) Is weeydii spectrum iyada ayaa bixinee, kharajka Shirka, iyada ayaa marti qaaday Dowlada Somalia iyo Shirkadaha Shidaal, iyadaa maalgashatay Shirka, iyadaa Data Base-ka sameeysatay, intaa oo dhan maxeey u smeynee? in ey dakhli hesho ee ma ahan ixsaan adiga laguu sameeynayo.

10) Spectrum Dan kama leh in Shirkadaha wax ka gadanayo ey Shidaal soo saaraan iyo in ey sii gataan Data-da ama ey si kale u isticmaalaan, iyada DATO ayaa beec u ah.

11) Shirkadaha imaanayo waa kuwa rabo in ey dib u sii iibiyaan bacdamaa iyagu eyna awood u leheeyn in ey soo saaraan Shidaal, waa iska heeysanaayaan documentiga 20 Sanno, 30 Sanno, inta ey ku heleyaan sicirka ey rabaan oo ah kharajkii uga baxay, sahamintii, laaluush iyo dulsaar muddadii ey sugayeen. Adigana waa kugu cuna qabateey karaan, ileey sooma saari kartid illaa iyaga laga gato, cid kalena ma siin kartid Adigu. Waxaaba laga yaaba in Xaalad xasilooni daro ey kuu abuuraan, ilaa sicirka ey rabaan ey Suuqa ka helayaan.

12) Dowladu waxa ey leedahay, Data ayaan tuseeynaa ka qeybgalayaasha ee ma iibineyno, haddii Sharkadu ey tiraa waan iibsaneynaa maxey leedahay Dowladu?. Yaa tusaya Datada ma Annaga mise Spectrum, iyagaa Data maalgashaday ee Somalidu ma maal gashan go’aanka iibintana malihin.

13) Fiiri OFFERKA. Contract Bonus iyo bit ayaa ku qoran. Haddii lagado all zones Dowladu waxa ey ka helee qiyaas illaa 200-300 million, waxa la rabaa in Lacagta la helo ka hor inta aan la sameeyn heyadihii Somalida ee ku shaqada lahaa Transparence-ga, Anti- corruption-ka, Gudigii iibka Qaran,Iwm, hadda ma jirto cid kula xisaabtami karto. Lacgtaa maxaa loo isticmaali karaa ????.

Talo:

 Yahya Amir
Yahya Amir

Haddii marba buuq ka yimid, waxaa ila haboon in arrintaa la joojiyo, waddadii saxda aheydna la soo mar.

( waa yaab, weli ma maqal, ilma dhicis ah, oo Hooyadii fool lagu khasbayo, iyada oo aan foolu heeyna dhinac laga qalayo, mar uun ilmaha dhiciska ah banaanka keen isaga oo meyd ah, nolol kama rabee. Ma fahmin).

FG: Arragtidaada Xur ayaad u tahay, London ma joogo, Shirkado Shidaalna weligeey uma shaqeeyn, waana khaldami karaa ee wixii ka khaldan ka sax Qoraalka .

Qore: Yahya Amir

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you