Monday, July 14, 2025

Shan arrimood oo degdeg looga sugayo Madaxweyne Farmaajo inuu degdeg ah wax uga qabto

-

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa horyaallo arrimo badan oo ay ka mid yihiim amniga, musuqa, dowlad wanaagga, iyo abaaraha hadda Soomaaliya saameeyay.

Hadaba haddii aan ku bilowno:

Dowladda cusub:

Madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullahi Farmaaji, shaqadiisa ugu horeysay ayaa ah inuu soo magacaabo Ra’iisl wasaare asigoo raacaya nidaamka 4.5 oo ah sida qabaa’ilada Soomaaliya ay wax ku qeybsadaan.

Ra’iisul wasaarahaas ayaa magacaabi doono gole wasiiro oo ka dib baarlamaanka ay ansixindoonaan. Halkaas ayeyna shaqada uga billaabaneysaa.

Farmaajo wuxuu ballan qaaday inuu soo dhisayo xukuumad fulisa barnaamijkiisa siyaasadeed ee ku saleysan “Nabad iyo Nolol”.

Macluusha:

Sida hay’adaha gargaarka ay sheegeen, Soomaaliya waxaa ka jirto cunno yari daran, deegaano badanna waxaa saameeyay abaarta.

Malaayiin qof ayaa macluul qarka u saaran, ka dib saameynta abaartaha. Waxa ugu badan ee dadka ay u baahan yihiin waxaa ka mid ah biyo, cunto iyo daawo.

Roobabkii deyrta ayaanan si wanaagsan uga di’in Soomaaliya, taas oo sii xumeysay xaaladda macluusha iyo gaajada oo si ba’an u saameysay caruurta.

Hadaba waxaa madaxweynaha cusub laga sugayaa sidii gurmad degdeg ah loogu fidin lahaa dadka ay abaarta ku hayso qeybo kala duwan oo Soomaaliya ah.

Xilliguu uu ololaha ku jiray Farmaajo wuxuu sheegay in “Nolosha Soomaalida ay aad u liidato”.

“Waxaa nalagu tilmaamaa wadanka ugu faqrisan. Waana wadanka ugu qanisan marka la fiiriyo khayraadka dabiiciga ah”. ayuu yiri.

Musuqmaasuqa:

Musuqa wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ragaadiyay Soomaaliya, sida lagu xusay warbixin dhowaantan uu soo saaray urur ka shaqeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

Warbixintaas ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu musuqa badan dunida.

Waxaa sidoo kale jiray eedo la xiriira in doorashada Soomaaliya ka dhacday ay musuq iyo wax isdabamarin hareysay.

Hannaanka doorashada ayaa la sheegay inuu musuq hareeyay

Balse, Farmaajo ayaa ballan qaaday inuu wax ka qabanayo musuqmaasuqa, xilligii uu ku jiray ololaha doorashada.

Wuxuu dalalka deriska la ah Soomaaliya ku eedeeyay inay faraha kula jireen hannaanka doorashada.

“Dalkaan beec ma’ahan, dadkiisuna beec ma’ahan”, ayuu yiri Farmaajo xilligii uu baarlamaanka la hadlaayay, doorashada ka hor.

Wuxuu hadalkaasi ula jeeday in doorashada la musuqayo, dowlado kalena ay ka dambeeyeen.

Xilligii uu ra’iisul wasaaraha ahaa ayaa wuxuu sheegay inuu is bedel ku sameeyay qeybaha dhaqaalaha, uuna mushaar u qoray shaqaalaha dowladda iyo xildhibaanada.

Amniga

Sugidda amniga waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee madaxweynaha cusub uu wajahayo.

Dowladda waxay dagaal kula jirtaa Al-shabaab oo deegaano badan ka maamula Soomaaliya. Dhowaanahan ayey sidoo kale Shabaabka qabsadeen magaalooyiin hor leh oo ciidamada Itoobiya ay baneeyeen.

Farmaajo ayaa u arka in ay jiraan caqabado hor taagan in amniga dalka la sugo.

“Mushaarka ciidamada waa inaan loo arag hadiyad ee loo arkaan xaq ay leeyihiin. Waddo la xiraayo ma jirayso. Markaan Shabaab ka adkaano ayaan baabuurta ku raaxeysaneynaa.” ayuu yiri xilli uu baarlamaanka la hadlaayay ka hor doorashadii maanta.

”Dalka wuxuu ku jiraa xaalad dagaal, laakiin ma moodid in dowladda ay dagaal ku jirto. Dagaalka wuxuu ka socdaa oo keliya hal dhinac. Shabaab baa wax weerarta, dowladdana waxay haysaa oo keliya tacsi iyo cambaareyn.”

Wuxuu sheegay in ciidamada ay daryeel heli doonaan si ay amniga wax uga qabtaan

Wuxuu wacad ku maray, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, in dagaalka uu noqdo laba geesood. ”Waan isu tageynaa, hadey nabad qaataanna way fiican tahay, hadey diidaanna, shacabka, xildhibaanada, dowladda, kulli waan dagaal galeynaa”.

Wuxuu sheegay in ciidamada Soomaaliya ay u baahan yihiin daryeel si ay u ”dagaallamaan una hantaan amniga dalka”.

Aaminidda dowladda

Shacabka Soomaalida ayaa la sheegaa inaysan aaminsaneyn dowladihii dalka soomaray. Sidoo kale maamul goboleedyada qaar ayaan dowladda heshiis fiican la ahayn.

Waxaa dowladihii horey u soo maray Soomaaliya lagu eedeeyay musuqmaasuq, iyo inay shaqada dowladda ku koobeen dadka ayaga u dhow.

Hadaba siduu wax uga qaban doonaa Farmaajo arrimahaasi: Wuxuu yiri “Siyaasaddu waa xal raadin ee khiyaano maahan, siyaasadu been ma’aha, siyaasadu ballan ka bax ma’aha. Aduunkana kama jirto, diinta islaamkana ma qabto inaad qof been u sheegto, ceeb weye.”

Wuxuu intaa raaciyay “Barnaamijkeyga siyaasadeed oo aan hal ku dhig uga dhigay Nabad iyo Nolo, Soomaali intaas bey u baahantahay. Nabad ayaan u baahannahay, dad walaalo ah oo isku mid ah baannahay”.

Sidoo kale, Waxaa la sheegaa inay jirto is fahan la’aan dhextaalla shacabka iyo ciidamada, balse Farmaajo wuxuu sheegay: “Ciidamada waxaan siineynaa tababar wadaniyad ah. Waxaan siineynaa tababar ah wadaninimada iyo arrinta ay u dhimanayaan waxa ay tahay”.

BBC

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you