Monday, July 14, 2025

Shan Han-xiraale oo furitaankoooda looga fadhiyo C/kariin Qalbidhagax..? [Akhriso Qormo xasaasi ah]

-

“Qabashadaydii iyo jariimadaydii Xamar oo ay ashkhaas yar gaysatay ka dib dadkii Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyay ee i garab istaagay ayaan u mahadcelinayaa”, ayuu yiri Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax oo dib u helay xoriyaddiisa.

Qalbidhagax ayaa hadalkan ka sheegay ka dib kulan uu la qaatay qaar ka mid ah Soomaalida ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa u dhagtaagayay waxa uu Qalbidhagax ka dhihi doono qaabkii dawladda Soomaaliya ay u maaraysay ku wareejinta Itoobiya iyo eedaymo kulkulul oo ay dusha ka saartay.

Qalbidhagax oo taxadar badan uu ka muuqdo ayaa si kooban uga hadlay xaaladdiisa, wuxuuna aad ugu dheeraaday oo ku nuuxnuuxsaday sida umadda Soomaaliyeed ay uga dhiidhiday dhiibitaankiisa.

“Runtii waxay ahayd taariikh lama ilaawaan ah sidii dhacdadaasi ay u midaysay dadka Soomaaliyeed, waana arrin ku tusaysa in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad walaalo ah, waa hal dal, waa hal dhalasho, wa hal umad sabab ay ku kala tagi karaanna ma jirto.”

Qalbidhagax ayaa intaas ku daray in dadka Soomaaliyeed ay guulaysan doonaan, “waxay ka guulaysan doonaan rag kasta oo cadawgooda iyo xaasidkooda ah, waxay ku guulaysan doonaan Illaahay magaciisa, kartidooda iyo iimaankooda, waxay noqon doonaan umad gaadha aayahooda iyo qiyamka umadooda.

Wuxuu sheegay inuu xoojin doono sidii umadda Soomaaliyeed ”dib loogu mideyn lahaa.”

Intaasi waa qaar ka mid ah hadalkii koobnaa ee uu jeediyay Cabdikariin, haddaba waxaa jira waxyaabo badan oo la filayay oo uusan ka hadlin waxaana ka mid ah:

Soomaali Mise Itoobiyaan..?

Maadaama dawladda Soomaaliya ay sheegtay in uu Itoobiyaan yahay kama uusan hadlin in uu isagu isu arko Itoobiyaan iyo in uu isu arko muwaadin Soomaaliya u dhashay.

Yaa ka dambeeyay gacan-gelintiisa?

Waxaa kale oo Cabdikariin ka gaabsaday in uu afka ku dhufto magacyada shaqsiyaadka uu sheegay in ay dhiibitaankiisa ka dambeeyeen.

Argagixiso la cafiyey, mise xaq u dirir?

Markii dawladda Soomaaliya ay dhiibtay Qalbidhagax gollaha wasiirrada Soomaaliya oo kulan aan caadi ahayn yeeshay ayaa isku raacay in Jabhadda ONLFay argagixiso tahay, qalbidhagaxna uu waday hawlo amniga dalka iyo midka gobolkaba ka dhan ah, isla markaasna uu xiriir dhaw la lahaa “argagixisada Al Shabaab”, sida uu dhiibitaankiisa ka dib shir jaraa’id ka sheegay Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo ku magac dheer Injineer Yariisoow oo markaas ahaa wasiirka warfaafinta Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliyaha ayaase intaas ka dib meel mariyay in sidii loo maareeyay dhiibidda Qalbi dhagax ay ahayd mid khaldan, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo  kadib sheegay in ku raacsan yahay go’aanka baarlamaanka.

Dawladda Itoobiya laftirkeedana waxay markaas ONLF u aqoonsanayd argagixiso, balse gollaha wasiirrada ayaa hadda isku raacay in ururada hubaysan sida ONLF, OLF laga saaro liiska argagixisada.

Qalbidhagax waxaa looga fadhiyaa in uu ka hadlo xiriirka dhaw ee lagu eedeeyay inuu Shabaabka la lahaa marka la dhiibayay.

Mustaqbalkiisa?

Qalbidhagax wali kama uusan hadlin, tallaabada xigta ee uu qaadi doono, waxaase jira warar sheegaya in uu ku wajahan yahay magaalada Nairobi, halkaas oo uu kala tashan doono Jabhadda ONLF oo si dhaw ula socota soona dhawaysay isbadallada laxaadka leh ee ra’iisulwasaaraha cusub ee Itoobiya.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you