Tuesday, June 24, 2025

Shan waxyaabood oo laga bartay khudbaddii Madaxweyne Farmajo uu ka jeediyay xalfadii Caleema Saarkiisa

-

Madaxweyne Farmaajo ayaa loo caleema saaray xilka madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya xalfad heer sare loo soo agaasimay oo ka dhacday magaaladda Muqdisho.

Maddaxweynaha dhawaan la doortay ayaa lahaa qudbaddii ugu dambeysay ee xalfadda waxaana uu jeeddiyay qudbad inta baddan u badneyd qiirad galinta martiddii hoolka ku sugneyd.

idaa darteeda waxaan idin soo gudbin doonaa qaar kamid ah waxyaabihii laga bartay qudbaddii Madaxweyne Farmaajo, maadaama ay ahayd qudbad dhiira galin u badneyd sidoo kalena ay inta baddan Soomaalida meel kasta oo ay ku sugan yihiin ay ka dhawr sugayeen.

Waxyaabaha lagu bartay waxaa ugu horeysa

  1. Muujinta inuusan ahayn sidda ay dadka ka dhigeen

Dadka qaar ayaa marka ay arkaan qoddobkan is weydiinaya sababta uu qoraaga u qaatay cinwaanka nuucaan oo kale, balse madaxweyne Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa aysan ku filneyn waqtiga ay heeysato iyo dib usoo celinta qaranka Soomaaliya oo dib u mideysan.

“waxaan fursadda siineynaa dowladda nagu xigta, anaga oo hubna inaysan suuragal ahayn inaan wadda dhameyno dhamaan howlaha ka dhiman dowladnimadda, kaliya waxaan qaadi doonaa waddadii dowladii hore ay jeexday, waana dhameystiri doonaa waxyaabihii ay qabyeeysan dowladdii walaalkey Xasan Sheekh Maxamuud ,” ayuu Farmaajo ka sheegay xalfaddii caleema saarka.

Madaxweynaha ayaa amaan ugu quweeyay ciidanka Amisom, isagoona sheegay inay qeyb ka yihiin udub dhaxaadka jiritaanka ciidanka Soomaaliyeed, waxaana uu sidoo kale sheegay inay dhawaan soo afjari doonaan ujeeddka ugu weyn ee Amisom oo ah in la gaarsiiyo Soomaaliya oo ciidan jiritaankooda uu wanagsan yahay.

  1. Dardaaran Alshabaab

Madaxweynaha ayaa dardaaran adag u diray dhalinyarada ka tirsan alshabaab, wuxuuna uu kaga digay inaysan isku qarxin hantida shacaka, aysan hor istaagin hormarka dalka, isagoona u balan qaaday inay siinayaan shaqooyin hadii ay isa soo dhiibaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay fursad heystaan madaxda sare ee Alshabaab kuwaas oo xiriirka la leh al Qaacida iyo Isis, waxaana uu sheegay inay laftigooda heystaan fursad wanaagsan oo ay kaga mid noqon lahayeen isbadalka dalka.

  1. Iskaashiga caalamiga

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay inay soomaaliya iskaashi wanagsan la yeelan doonaa dowladdaha dariska iyo caalamka intoodda kale, si lamid ah madaxweynaha ayaa sheegay inay doonayaan in caalamka ay kala macaamilaan dhanka dhaqaalaha.

  1. Colaada Gaalkacyo

Madaxweynaha ayaa ka hadlay qiiradiisa ku aadan sido uu u doonayo in la damiyo xiisadda colaadeed ee kusoo noqnoqotay magaladda Bariga dhacda ee Galkacyo.

Wuxuu sheegay in ugu dambeyn ay meel saari doonaan labadda dhinac ee ku dagaalamaya magaaladda isagoona sheegay dhanka kale inuu furi doono gogol nabadeed oo la dhexdhigayo laba dhinac ee ku dagaalaya magaaladda Galkacyo.

Ugu dambeyn maddaxweynaha ayaa ugu baaqay madaxdii hore, shacabka, wakiiladda beesha caalamka, iyo dhamaan cid waliba oo quseeyso arinta Soomaaliya, balse waxaa uu kaga tagay qudbaddana kusoo gabagayay “Soomaaliya Ha Noolaato,”

Waxaa Qoray:
Cabdiwahaab Axmed Cali

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Iran oo weerar Gantaalo ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Dalka Qatar

Ilaalada Kacaanka Iran iyo Militariga dalkaasi ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Cudeyd ee duleedka magaalada Doha ee  dalka...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

Alshabaab oo Weerar ku qaaday aag laga difaaco Magaalada Baydhaba iyo Qasaare ka dhashay

Alshabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan aagga laga difaaco xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad...

Axmed Madoobe oo gaaray Garowe iyo Qorshaha cusub ee isaga iyo Siciid Deni ugu midoobayaan Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jubaland ee aysan aqoonsaneyn dowladda Federaalka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  saddex sano kadib maanta gaaray magaalad Garoowe, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay...

Duqeyntii labaad oo lagu qaaday Aadan-Yabaal iyo Kaydkii hubka Al-Shabaab oo la gubay

Duqeyntii labaad muddo 48 saacadood ah ayey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Beesha caalamka ku qaadeen gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Duqeynta...

Mareykanka oo Duqeyn culus ku qaaday Xarumaha Nukliyeerka IRAN, kuna biiray dagaalka Israel

Mareykanka ayaa toos ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran, kadib markii ay xalay dilli danbe Diyaaradaha dagaalka ee  xambaara bambooyinka tankooda weyn...

Ciidamada Dowladda iyo AUSSOM oo AS dib uga qabsaday degaanka Sabiid iyo Caanoole ee Sh/Hoose

Ciidamad Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamadda AUSSOM ee Uganda ayaa maanta la dib ula degaanada abiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose oo hore...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you