Shariif Xasan oo xilka ka qaaday Wasiir ka hor yimid oo hore isu casilay (Akhri Wareegtada)

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xilkii ka qaaday wasiir ka mida Golihiisa Wasiirada.

Shir ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ayaa la shaaciyay in xilkii laga qaaday Wasiirka Diinta iyo Awqaafka Koonfur Galbeed Axmed Macalin Barre iyadoo lagu eedeeyay inuu isaga xilkii ka tegay.

Wasiirkan oo ugu dhawaaqay inuu is casilay, dhinaca kalena ah xildhibaan ayaa ka mida xildhibaano wada olole mooshin xilka looga qaadayo Shariif Xasan Madaxweyne, isagoo sheegay inuu Shariif Xasan sharci darro ku heysto Koonfur Galbeed, isla markaana maamulkaasi ka dhigay mid hal qof ku daneysto.

Mooshinka lagu doonayo in xilka looga qaado Shariif Xasan ayuu wasiirka xilka laga qaaday dhowaan sheegay inay xildhibaanada saxiixay gaarayaan 97, isla markaana ay dhowaan u yeeri doonaan Shariifka.

Goobjooge.com