Friday, July 11, 2025

Shidaalka Soomaalida iyo Khatarta Xaraashka Maanta (Aqoonyahan Qoraal digniin ka qoray..)

-

Waxa Qoray: Proff. Yahye Sh. Amir

Maanta Anniga oo xanuunsan ayaa Guriga ka baxay, waxaan mar kale la kulmay wadadii aan Magaalada ku aadi jiray oo xiran, Sabab.waxaa la sugayay in ey yimaadaan Magaalada Saddax Madaxweyne Maamul Gobaleed.

Waxaa kale oo la sugayay Laba Dayaaradood oo siday Madaxda Shirkado lala saxiixan lahaa Heshiis Shidaal waana yimaadeen. Waxaa la diyaariyay Qolkii wax lagu saxiixi lahaa. Waxaa heshiiska lala saxiixanayay shirkadaha ah Liberty iyo Coastline Exploration Petroleum oo ah Ex- SomaOil and Gas.

Shirkadihii kale ee caalamka ee waaweyna waa diideen in ey ka qeybgalaan Heshiiskaa xaraashka Shidaalka. waxaa la filayay in Shirkaddaa yar oo aan aad loo Aqoonsaneyn in uu u saxiixo Mr. Lane Franks oo ah Liberty Petroleum Corporation, Co-Founder , President & CEO. Mr. Lane waxa uu ku shaqey jiray Qalab lagu qodo Ceelasha oo Qoyskiisu ey ku lahaayeen New Mexico, USA isaga oo ahaa 16 Sanno jir iyo walaalkii ka weyn Mr. Trent Faranks oo ahaa 17 jir, kadibna u bedelay Shirkad ka shqeeyso Galbeedka iyo Bartamaha Gobalka Taxes –USA sannadkii 1980kii.

Kadibna waxa ey u sii bedeleen shirkad Gaaska ka Sahamiso Gobaladda: Oklahoma, Taxes, New Mexico, Utah, Colorado, Kentucky iyo Tennesses.Kadibna waxa ey u sii bedeleen Shirkadan Cusub ee Liberty Sannadkii 1999kii oo markaa kadib Bilaawday in ey ka shaqeyso meela ka baxsan Mareykanka Gaar ahaan Afrika oo ey ka shaqeysteen Lacag dhan $ 1.4 Billion.

Waxaa la leeyahay Maanta waxaa loo saxiixay Libertina 3 Block Shidaal, in kastoo Dib loo dhigay dhameystirka Heshiiska illaa Berri , sidda la leeyahay Madaxweyne Gobaleedkii Hirshabeele ayaan weli soo gaarin Magaalada.

Waxaa la sheegay in Shirkadda Liberty ey Bixisay Lacag dhan $ 120 Million oo ey toos ugu shubee Bangiga dhexe ee Somaliya, Taasi waa Borbogaanda saxiixa yaashu ey sameeynayaan si Dadka looga dhigu in Dowladu ey heshay lacag badan oo ey Doorasho ku gasho.

Laakin waxa Jiro Lacag yar oo Bonus ah oo siyaasiyiinta Somalida la siinayo taa oo ah Halkii Block $2 Million ilaa hadda waxaa la leeyahay 6 Block ayaa la iibiyay oo ah $ 12 Million oo kaliya oo ey qeybsanayaan Siyaasiyiinta Somalidu. Kuwaa oo ey ka mid yihiin 6da Agaasime Shidaal ee SPA-CEO oo ka kala socdo 6 Maamul oo kala ah:

1- Banadir. 2. Hirshabeele. 3. Galmudug. 4. Koofur galbeed. 5. Juba land. iyo 6. Somali land.Waxa kale oo jiro oo Xaraashka door muhim ah ku leh Sinatoor Somaliya oo ka soo Jeedo Gobalka Galmudug iyo Masuuliyiin kale oo isla Gobalka ah.

Heshiiskaan Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaan ku faraxsaneyn Bacdamaa Maamulka hadda iyo kan Mustaqbalka Shidaalkaan oo dhan Howl wadeenada ugu badan ee shirkaduhu kula heshiiyeen in ey sii wadi doonaan dhamaan howlaha Shidaalka ey badankooda qaadatay Galmudug, taa oo Banaanka dhigtay doorkii Mustaqbalkka ee Koofur galbeed iyo Gobalada Qaar .Guud ahaan Heshiiskaasi waa Sharci daro, waqtigaan la joogo ee Doorashooyin iyo Amaan daro ey ka jiraan Dalka, iyo Baarlamaankii ansixin lahaa oo aan Sharci ahaan jirin.

In kasta oo weli si cad uuna war uga soo bixin Haddana khubarada Bangiga Aduunka qaarkood ayaa qabo in aan la raacin habkii saxda ahaa iyo Procurement Law iwm, waxa ey leeyihiin waxaan hubnaa in ey Saameyn weyn oo xun ku yeela doonto Mashruucii Deyn Cafinta ee la qorsheeynayay.

Qorshaha Xaraashku waxa uu ahaa in uu bilaawdo Bisha March 2021 waqtigaa oo la filayay in Dalka ey Dowlad cusubi ka jirto, waqtigaanna eyna aheyn waqti ku haboon in la galo heshiiskaa waana taa tan keenaty in Shirkadihii waaweynaa ee Caalamku ey diidaan ka qeyb galka Heshiiskaan.

Heshiiska waxaa ku dhax jiro Shirkado Turki ah, in kasta oo eyna si weyn uga muuqan, Haddana Shirkadahaa Turkigu waxa ey dhaawici karaan Kalsoonidii Shacabka Somnalidu ku qabay Dowlada Turkiga, Laakin Shirkadaha Turkigu waxa ey qeyb ka yihiin Mashruucxa maaweelada Dadka ee Dhismaha aan la hubin ee Dekadda Hobyo.

Shirkadahaa Shidaalka waxaa laga rabaa in ey Dowladoohooda ku khasbaan in ey taageeraan Dowladda hadda jirto sidii ey u soo noqon leheyd, taa oo shaki laga qabo. Shirkadda Liberty Masuuliyeenteeda waxaa ka mid ah Labada Nin ee Walaalaha ah: Mr. Lane Franks iyo Mr. Trand Franks. Mr. John McCain. Dhinaca Maamulka waxa madax ka ah, Neale Call, waxaa caawisa Trudy Conner.

Khubarada kale ee ku howl leh wax aka mid ah: Dr. Alessio Checconi iyo Mr. Scot Fraserar . dhinaca Amnigana Mr. Phil McDonald oo talo ku bixiyay in Ceelasha Berriga aan heshiis lagu galin oo weli ey Jirto khatarta Al-Shabaab ey geysan karaan, laakin in dhinaca Badda marka hore lagu bilaabo bacdamaa ey yaraatay khatartii Burcad Badeeda oo Sannadkii 2011 aheyd 160 dhacdo, laakin Sannadkaan aheyd Hal dhacdo oo kaliya in kasta oo weli ey jiri karto khatarta Burcad badeedu waa sida uu ku talo bixiayay Mr. Phil.

Fiiri Qodobka 44aad ee Dastuurka KMG iyo Qodobka 45aad ee Dastuurka KMG Faqradiisa 2aad, taa oo Dadka ku nool Jamhuurayada Somalida oo dhan waajib uga dhigee ilaalinta Khayraadka dabiiciga ah ee Dalka.Wixii Noo dhexeeyo iyo Qabiilada aan isku qeybinay hanoo dambeeyaan ee aan ka tashanno hantida caamka ah, Diinta Islaamku ma ogolo in la dayaco Hantida Caamkaa ee Dadka Muslimiinta ah ka dhexeeyso.

Waxa Qoray: Proff. Yahye Sh. Amir

Anniga oo og Khatarta uu yeelan karo Qoraalkaan in aan qoro, Haddana ma jirto, Hayad ama cid kale oo iga Codsatay ama aan ku xumeeynayo Qoraalkaan, kumana taageerayo Mucaaradka aan ogahay in qaarkood ey sidaan sameey lahaayeen haddii ey fursadaan khaladkaa heli lahaayeen. Waa Cilmi Baaris madax banaan. Intaa ayaana kuugu soo koobay Qoraalka Maanta 4/1/2021, aan Diyaariyay oo aad dheeraa.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you