Thursday, July 17, 2025

Shirka Kismaayo:- Guul Imaaraat miyaa! Mise guul Soomaaliyeed? [Qormo xasaasi ah]

-

Beryahan hadal-heynta ugu badan waa Shirka Madaxda Gobalada ee ka furmay Kismaayo iyo Shirka Muqdisho ee Dastuurka oo la baajiyey! Yuu guul u yahay? Yaa ka danbeeya? Maxaa ka soo baxaya? Khatar iyo Faa’iido intee la eg ayuu Samalida u leeyahay….?.

Waxaan xasuustay sheeko na dhex-martay nin reer Waqooyi ah oo yiri ” Run isuma sheegtaan” (Siyaasiyiinta Reer Koofur run isuma sheegaan, dadkoodana run uma sheegaan, ajnabigana run uma sheegaan, lkn Reer Waqooyigu runta ayey isu sheegaan). Tusaale; Xizbul-xaakimka Somaliland ayaa damcay in uu ka takhaluso Gudoomiyihii Barlamaanka Cirro oo Mucaarad ku noqday, waxey hoos ka amreen Gudoomiye ku xigeenkii Baashe, shir ayuu qabtay, Cod Aqlabiyad ah ayuuna ku riday, lkn Guurtida ayaa soo fara-gelisay runtana u sheegtay (Waryee Baashe ma ogid mana joogin waxa laga soo maray Somaliland! kuraastana Qabiil ayaa lagu qeybsaday ee Cod iyo Axzaab laguma qeybsan ee xadkaaga ha ka bixin) markii ay tageen Prof. Samatar iyo Galeyr runta ayaa loo sheegay! Biixi iyo Cirro kala raaca ama Koofur isaga laabta!.

Shirka shalay ka furmay Kismaayo waxaa ka horeeyey Asbuuc Shirkii Abu-dhabai oo ay ku wehliyeen Madaxda shirka Kismaayo Xildhibaan Xasan Sheekh iyo Senator Cumar C/rashiid oo la filayey in ay shirkaan kasoo qeybgeli-doonaan! Lkn lama oga waxa looga reebay iyo halka ay la tegi-doonaan Qaraabkii laga soo helay Abu-dhabai!

Sanad ka hor, Bishaan oo kale waxaa isla Abu-dhabai ka dhacay shir u eg labadaan shir ee Abu-dhabai iyo Kismaayo, kana qeyb-galeen isla Madaxdaan hadda joogta markii laga reebo Xaaf iyo Waare oo soo daahay..!

Ajandaha Shirkaas wuxuu ahaa; in la rido Madaxweyne Xasan, lana dhiso Madaxweyne Cumar, Xildhibaanadana laga reebo Wadaado iyo Wadaniyiin, Qaraabna la qaato, markii la maqlay heshiiskaas waxaa kacay dadweyne ka gadooday fara-gelinta Emaraat, ilaa Safiirkii uu baqay oo uu tegay Nairobi. Asbuuc kadib M. Xasan ayaa tegay Safaarada Emaraat ee Muqdisho, wuxuuna sheegay (Emaraat waa is jecelnahay, xiriirkeynana meeshii ugu fiicneed ayuu marayaa) waa la yaabay! Waxaan wareystay in uu ii fasiro nin ka mid ahaa gacanyara-yaashii M. Xasan, wuxuu igu yiri (Carabtaas waxba ma ogee Xasan iyo Madaxda tagtay Abu-dhabai waa iska warqabaan, Qaraabkuna waa ka dhaxeeyaa! Dadkii hala reebo la yirina Qabiilkooda ayaa wata! Qaraabkiina kaalmo ayaa laga siiyey si cod looga helo) waxaan fahmay in aan run la isu sheegin!.

Sharif Xasan oo labadaan Shir Engineer ka ah wuxuu dadaal dheer ugu jiray ilaa Carte 2000, in la kala bedelo labada Kursi ee Madaxweynaha iyo Raisal-wasaaraha Fedaraalka iyo labada beelood ee kala heysta, sanad kasta Qandaraas ayuu ku bixiyaa, kumana guuleysto, runtana looma sheegi karo!.

Emaraatku Malaayiin ayey ku bixinayaan Dekedaha Berbera iyo Boosaaso! Lacag ay ku dhisaan Isbitaalka Jiingada ah ee Degmada Cabdicasiis-na ma hayaan! Malaayiin ayey ku dhisayaan Saldhiga Berbera! Lacag ay ku dhisaan Jiingada Saldhiga Xamar ee Xeradii Agoonta Melateriga-na ma hayaan! Runtana looma sheegi karo!.

Xildhibaan Xasan iyo Cumar, markii ay heysteen Kursiga + Xildhibaano ay Gacantooda ku qorteen + Qaraab iyo Hanti Qaran + Madaxdaan ku shiraysa Kismaayo + Itoobiya iyo Emaraat, xilligaas Madax lagama dhigi karin! Ee Maanta oo ay Xildhibaano kaliya yihiin ayaa Madax laga dhigi karaa..? Runtana looma sheegi karo?.

A. Madoobe Khudbadiisii Xalay ee Qiirada laheed iyo Ammaantiisii Dawlada Federaalka ma ka dhabey-doonaa? Iyada oo horey loo arkay Fashilkii shirkii Kismaayo 1 2016, lana arkay guul-daradii Xasan Sheekh iyo Dhaantadii ay u tumeen reer Jubbaland iyo reer Jig jiga, lkn Codka ay u diideen Xildhibaanadii kasoo jeeday! Runtana looma sheegi karo?.

Siyaasadii iyo Naxariistii Madaxweyne Xasan ee Madaxda Shirka Kismaayo iyo Siyaasada M. Farmaajo waa kala duwan yihiin! Isku midna kama dhigi karaan ee wada kale ma keeni karaan! Mise waxey rabaan in ay noo sheegaan (Cali waa Caydiid, Caydiid-na waa Cali)

Emaraat kii 2016, iyo Emaraatka kadib Khilaafkii Khaliijka isku Siyaasad ma aha ee runta ma la idiin sheegi karaa! Mise meeshii Macaan lagu barto Macluul ayaa lagu sugaa…???.

WQ:-Prof. Maxamed Nuur Gacal.

Wasiiru dowlihii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you