Sunday, February 1, 2026

Shirka Kismaayo: Kulan ka jawaabaya Qorshihii Qeybi oo Xukun [Qormo]

-

Waxaa magaalada Kismaayo ka furmaya shir Ajandihiisa lagu sheegay “Wadatashiga Maamul-gobolleedyada” gogoshaas oo uu dhigay Madaxwaynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Tan iyo intii uu ku dhawaaqay gogoshaas Axmed Madoobe, waxaa aad isu soo taraysay caqabado siyaasadeed iyo jahwareer ka dhashay nuxurka kasoo baxaya shirka Kismaayo.

Tusaale ahaan, shirka Kismaayo wuxuu mugdi wayn galiyay wadashaqayntii Maamullada iyo DF, si gaar ah wuxuu daqaro siyaasadeed uga abuuray maamullada Puntland iyo Jubaland.

Dhinaca kale – Waxaa jira in Madaxwayne Axmed Madoobe ay xafiiskiisa soo gaareen warqado la xiriira in uu joojiyo shirka, kuwaasi oo ka socda dowladaha gobolka ee ciidamadu ka joogaan deegaannada Jubaland, dhammaanba tillaabooyinkaasi waxay noqdeen kuwo cabsi wayn ku abuuray Axmed Madoobe, waxaana uu waajahay walwal xiririira in ay saamayso dabaysha ka curatay Hirshabeelle iyo Galmudug.

Waayo cidda riixaysa in uu qabsoomo Shirka Kismaayo? Sida aan ku helayno warar lagu kalsoonyahay, waxaa jira dhowr jiho oo dhiirigalinayo in uu qabsoomo shirka Kismaayo, waxaana jihooyinkaasi ka mid ah.

1- Dowladda Imaaraadka oo rabta in ay wiiqdo awooda dowladda dhexe, si ay ugu suurto-gasho qorshaheeda “Qaybi oo xukun”

2- Shariif Xassan oo xilligaan waajahaya culaysyo siyaasadeed oo kaga furan gudaha Koonfur-galbeed, taa badalkeedana taageero ka raadsanaya Madaxda Maamullada kale.

3- Axmed Madoobe Iyo C/wali Gaas oo xilligaan aad uga shakisan DF, kuwaasi oo Shariif Xassan uu ka dhaadhiciyay in weerar lagu yahay Nidaamka Federaalka, haddii isaga la tuurana aysan ka dambaynayna

4- Xaaf oo aaminsan in aad loogu hiiliyay marba haddii isagoo matalaya Galmudug uu kursigaaa kaga qayb-galo shirka Kismaayo, sidaas awgeed-na naf iyo maalba u huray in uu qabsoomo shirkaasi.

Si kasta oo ay xaalku ahaadaba, shirka Kismaayo ayaa Soomaalidu u aragtaa mid lagu hagal-daacinayo wadajirka Soomaaliya.

W/Q: Maxamed Cabdullahi Maxamed

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you