Thursday, June 26, 2025

SHIRKA KISMAAYO SIDAN KAMAAN SUGEYNIN! [Qormo dhab ka hadal ah]

-

Shirka Kismayo ee maamulka goboleedyada, ma sidaan mooday waxa ka soo bixi karay mise sida ay wax noqdeen uu shirku ku soo gabagaboobay:

Waxaan mooday in looga hadli doono dib-u-dhiska gobollada ay kuwa meesha ku shiray sheegtaan inay iyagu ka wakiil yihiin. Waxaase ka soo baxay wax caksi ku ah fekerka aan qabay.

Dawladda Federaalka ayey ku heystaan maamulka dalka waxayna u muuqanayaan dawla-dawla ka dhex dhisan ”State within State”. Taas waxay gebi ahaanba ka soo horjeeda rajadi ummaddu ka qabtay dib-u-soo celinta karaamada ummadda walaalaha ah.

Shirka kuwa ka qayb galay kuma jiro midkooda oo kalsooni buuxda ka heysta umadda gay sheegtaan inay iyagu wakiil ka yihiin mana soo kormeeri karaan xaaladaha ay ku nool yihiin dadka ay afduubka ku heystaan. Ma sugi karaan amaanka dadkooda. Kuma jiro mid heysta kalsoonida shacabka ku dhaqan gobollada.

Waxaa taas laga garan kara dareenka shacabka isugu jiro odayaasha dhaqanka sida Isimada, culimada diinta, bulshada madaniga (civil society), siyaasiyiinta heer federaal iyo heer gobol oo qaybahaas dhamaan waxay ka qaylinayaan maamul-xumida ay gobollada ku wadaan. Waxay cadeysteen si aan xishood lahayn inay gobollada u heystaan mididin ay ku qaraabtaan oo ay danahooda ugu foof tagaan.

Bacdama ay jiraan wakiilo ay ku leeyihiin Xukuumada Dhexe iyo Barlamaanka Federaalka labadiisa aqal – kan sare iyo kan hoose, kuwa Kismaayo ku shiray haddii ay jiraan waxay tabanayaan waxay codkooda u soo marin waayeen tabashadooda haddiiba ay wax macuul ah jiraan. Waxaa la mooda inay fulinayaan awaamiirta gumeysiga soo faray inay ka dhex qunsadaan gobollada.

Waxaa habooneyd inay waqti ku bixiyaan dib-u-dhiska iyo kabashada dalka sidii dib loogu kicin laha mashariicda horumarinta ee jubbooyinka ee burburay sida tusaale: Biyo xireenka Fanoole, Mugambe Irrigation project, Warshada Hilibka ee Kismaayo, Warshada Caaga iyo Kartoonka ee Jilib, mashruuca horumarinta dooxada Jubba oo isugu jiray beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga.

Waxaa laga rabay inay ka wada hadlaan horumarinta wax soo saarka ee Shabeelayaasha ee leh beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga sida Warshadda Sonkorta ee Jowhar, SNAI Biyaasa, Warshada suufka iyo dharka ee Balcad, warshada biyaha Salus ee Baraawe, Warshadda kabaha derey, Mashuurca Bariiska ee Baaraweyne iyo kuwo kale.

Koonfur Galbeed waxaa laga rabay in shirka ka soo jeediyaan sidii dib loogu dhisi lahaa mashruuca tijaabada Beeraha ee Boonkay, horumarinta wax soo saarka dalagga beeraha, dayactirka wadada bacaadku gooyay ee agagaarka shalaamboot iyo Marko, dib-u-furista Dekedda Marka, Warshadii qudaarta ee ITOP ee Afgooye.

Shirka Kismayo waxaa laga rabay in lagaga wada hadlo ka hortagga aafgooyinka dabiiciga sida fatahadaha soo noqnoqda ee Webiga Shabeelle. Wakiilka Puntaland waxaa looga baahna inuu shirka ka soo jeediyo kheyraadka macadanta, xoolaha, kalluumeysiga, mashruuca Timirta ee Bari yo beeraha, dhowrista taariikhda qadiimka ee Bandar Qaasim oo la rabay in Hay’adda UNESCO ay ku darto diiwaanka lagu ilaaliyo laguna keydiyo taariikhaha hore ee addunyada ”National Heritage”. Bosaaso oo taarikh hore loo yiqiin Bandar Qaasim hadda burbur ayaa ku soo socdo agagaarka Dekedda iyo tayeynta iyo horumarinta awooda aadanaha (human resource).

Shirka Kismaayo jidka toosan waa hareer maray waxaana taas hore u saadaaliyay Mudane Cbdixakiim Xaaji Cumar Camey Madaxweyne-ku-xogeenka Puntland oo talo ku soo jeediyay in shirkaas la baajiyo amase si toos ah xukuumada dhexe shir caasimada ay kula yeeshaan.

Prof. AbdiWeli Mohamed Cali Gaas, Shariif Hassan Sheikh Aden, Ahmed Mohamed Islaam, Ahmed Ducaale Ghelle Xaaf iyo Maxamed Abdi Waare ummadda Soomaalida oo dhibka ka soo daashay fadlan dhib kale oo hor leh ha u celina haddii aadnan u shaqeyn karina.

Allow Soomaali adiga u maqan!

W/Q: C/qaadir Maxamud Walaayo

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo ku heshiiyay Ajande ka kooban 4 Qodob

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Mucaaradka ee uu hoggaamiyo xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa kulankoodii ugu horeeyay maanta ku gaaray is-afgarad ku...

SAWIRRO: Mucaaradka ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif oo Madaxtooyada kulan kula leh Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Muqdisho ayaa xarunta Madaxtooyada xilligan kulan kula leh Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.Xubnahan ayaa ayaa gaaray...

Wasaaradda Gaadiidka DFS oo qasab uga dhigtay dadka ku xiran inay qataan Kaarka Aqoonsiga ee NIRA

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan cusub oo dadweynaha ku xiran adeegyadeeda qasab uga dhigaya inay...

Xabbad joojin dhaqan gashay iyo Iran oo daqiiqadihii ugu danbeeyay duqeyn xoog leh la beegsaday Isra’iil

Xabbad joojintii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaka ka dhaqan gashay dalalka Iran iyo Israa'il. kadib duqeyn culus oo Iiraan ay...

Iran oo weerar Gantaalo ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Dalka Qatar

Ilaalada Kacaanka Iran iyo Militariga dalkaasi ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Cudeyd ee duleedka magaalada Doha ee  dalka...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

Alshabaab oo Weerar ku qaaday aag laga difaaco Magaalada Baydhaba iyo Qasaare ka dhashay

Alshabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan aagga laga difaaco xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you