Friday, June 27, 2025

Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada ee Kismaayo iyo shakiga laga qabo

-

Waxaa magaalada Kismaayo ka furmay shir aan caadi ahayn oo ay leeyihiin madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah federaalka. Shirkan kama qeybgalayso dowladda federaalka Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay ujeedka shirku yahay “Madmadoow ka dhashay dhanka dowladdii Federaalka ee Soomaaliya lagu turxaan bixiyo, oo laga wada hadlo inta aan gacmo kale iyo cid kale aysan arrinta gaarin, waxaana gogol fidiyay madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam, waana la isugu yimid”.

Waa madmadoowgaas uu sheegay wasiirka waxa dhaliyay shaki balaaran oo laga qabo shirkan iyo waxa kasoo bixi kara, sida uu sheegayo Xasan Xayle oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ay la weydiiyay aragtidiisa shirkan ku aaddan.

“Shirka shaki badan ayaa laga qabaa, Soomaalida oo dhan waxay u aragtaa armuu shirkan qas keenaa, oo la leeyahay dabkii holcayay armuu baansiin kusii shubaa. Dowladda lafteeda shaki badan ayay ka qabtaa,” ayuu yiri Xayle.

Waxaa gogosha dhigay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo sheegay in murankii ka dhashay moowqifka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay ka kala qaateen arrimaha khilaafka khaliijka, loo baahanyahay in laga gaaro isfaham dhab ah.

Xasan Xayle ayaa dhanka kale rajo ka muujinaya cidda shirka martigalisay “Dabeecadda maamulka Jubbaland, gaar ahaan madaxweynaha Axmed Madoobe. Dadka qaarkood waxay leeyihiin maamul goboleedyada kale wuu ka jecelyahay danaha dalka, mana la keeni doono wax sii kala burburinaya Soomaaliya. Laakiin shakiga wuxuu ka jiraa dhanka maamul goboleedyada qaarkood oo dowladda ku ah lid”.

Dowladda federaalka wali kama aysan hadlin shirka, aamusnaanteedana waxaa loo fasiranayaa diidmo, sida ay qabaan dadka siyaasadda falanqeeya.

Waxaa shirka ka qeybgalaya madaxweynaha xilkiisa lagu muran sanyahay ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dowladda ay aqbashay xil ka qaadis ay ku sameeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada maamulka Galmudug. Dowlad goboleedyada qaar ayaa ka horyimid xil ka qaadistaas.

Qaar ka mid ah waftiga Hirshabeelle oo shirka ka qeybgalayaQaar ka mid ah waftiga Hirshabeelle oo shirka ka qeybgalaya

Madaxweyne Xaaf oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa ku baaqay in arrinta Galmudug wadahadal laga xalliyo. Dowladdana wuxuu u sheegay in ay dhexdhexaad ka noqoto arrimaha taagan.

Wuxuu dhanka kale dowladda ku eedeeyay in “ciidamada federaalka ee gobollada dhexe u adeegsatay in ay isaga xiraan,” balse uu ka badbaaday, sida uu hadalka u dhigay. Dowladda federaalka ayaan arrintaa weli ka hadlin.

Khudbadihii madaxda ay ka jeediyeen furitaanka shirka waxay ahaayeen kuwa si guud ay uga hadlayeen xaaladda dalka ka taagan, waxayna sheegeen in shirka uusan ahayn mid dowladda federaalka looga soo horjeedo, balse yahay mid danta dalka looga tashanayo.

Balse xiliga uu shirka kusoo beegmay iyo sida uu yahay dareenka siyaasadeed waxaa cabiraya Xasan Xayle oo yiri: “Waxay u egtahay in dhufeys la isu galay labada dhinac oo la jabhadaynayo, waxaanna aragnaa in abaabulka xoog siyaasadeed uu meesha ka socdo.

Dowladda shaki ayay qabtaa, mana la casuumin. Hadduu shirka mid fiicanyahay waxaa dowladda la siin lahaa door ah in ay kor joogto ka noqoto”.

Qodobada la’isku hayo waxaa ka mid ah awoodaha uu dastuurka kala siinayo dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyad, waxaana xusid mudan in shir weyne ku saabsan dib u eegista dastuurka oo Muqdisho ka furmi lahaa ay diideen in ay ka qeybgalaan dowlad goboleedyada.

Sidoo kale labada guddi ee arrimaha dastuurka qaabilsan ee kan baarlamaanka iyo midka madaxa banaan ayaa sheegay in aanan lagala tashanin shirka.
Si kastaba ha ahaatee waxaa laga wardhawrayaa waxa kasoo baxa shirka Kismaayo iyo sida dowladda dhexe ay uga falceliso.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Dood ka dhalatay kulan Wasiir Jaamac la yeeshay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga

Dood culus iyo fal-celin xoog leh ayaa ka dhalatay kulan  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu maanta la yeeshay  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka...

Hoggaamiyaha Khaatumo oo farriin u diray Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, si buuxdana u taageeray Xasan Sheekh

Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo abdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa si buuxda u taageeray wax ka bedelka dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo doorashada qof iyo cod ee...

Deni iyo Axmed Madoobe oo shaaciyay inaysan metelin Dowladda Federaalka (Akhriso 5 Qodob -War-murtiyeed-)

Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubaland oo maalmahan shir uga socday magaalada Garoowe ayaa soo saaray war-murtiyeed ka kooban 11 qodob oo ay ku eedeeyeen...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo ku heshiiyay Ajande ka kooban 4 Qodob

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Mucaaradka ee uu hoggaamiyo xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa kulankoodii ugu horeeyay maanta ku gaaray is-afgarad ku...

SAWIRRO: Mucaaradka ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif oo Madaxtooyada kulan kula leh Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Muqdisho ayaa xarunta Madaxtooyada xilligan kulan kula leh Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.Xubnahan ayaa ayaa gaaray...

Wasaaradda Gaadiidka DFS oo qasab uga dhigtay dadka ku xiran inay qataan Kaarka Aqoonsiga ee NIRA

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan cusub oo dadweynaha ku xiran adeegyadeeda qasab uga dhigaya inay...

Xabbad joojin dhaqan gashay iyo Iran oo daqiiqadihii ugu danbeeyay duqeyn xoog leh la beegsaday Isra’iil

Xabbad joojintii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaka ka dhaqan gashay dalalka Iran iyo Israa'il. kadib duqeyn culus oo Iiraan ay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you