Wednesday, July 16, 2025

Shirqoolo loo maleegay Siyaasiin ah iyo Afgenbi 3-aad oo u qorsheysan Farmaajo! (Qormo)

-

1. 23-kii bishaan Maarso weeraradii iyo qaraxyadii ka dhacay Afisyoone iyo Beledweyne waxaa fududeeyay dad la yaqaano ilaa hadana wax tilaabo ah lagama qaadin, sababtoo ah waxay dowlada ku dhex heystaan xilal, xoog iyo xasaanad. Waana sababta xalay RW Rooble ugu dul ilmeeyay minbarkii uu taagnaa ee loogu tacsiyeynayay Xildhibaan Amina AUN.

2. Shalay waxaa lagu kala cararay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kadib markii la sheegay in gudaha garoonka la soo geliyay qaraxyo iyo maleeshiyaad hubeysan oo weeraro ka fulin raba garoonka iyo gudaha Xalane. Danta laga leeyahay xaga hoose ayaan ku xusi doonaa.

3. Waxaa socda qorsheyaal lagu beegsanayo RW Rooble, MW Cali Guudlaawe (oo lagu soo daray liiska dadka cadowga ku ah Villa Soomaaliya doorashadii Beledweyne ka dib), qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ee la soo doortay, Musharaxiin iyo Siyaasiin iyadoo la adeegsanayo gacmo kale oo loogu adeegayo agabka iyo shirciyada hawlwadeenada dowlada sidii maalmo kahor ka dhacday Afisyoone iyo Beledweyne. Ujeedada laga leeyahay iyadana qaybaha dambe ee qoraalkan ayaan ku sheegi doonaa.

4. Waxa jira nin siyaasi ah oo maamul goboleedyada mid ka mid ah ka soo jeeda oo la dejiyay hotel ku yaala xayndaabka garoonka Aadan Cadde. Waxaana agtiisa lagu diyaarinayaa hub aad u fara badan oo la leeyahay amniga mas’uulkaan ayaa lagu ilaalinayaa lkn ujeedadu sidaas maahan ee hubka howlgal kale ayaa loo isticmaali doonaa, ciidanka hubkaas ku howlgeli doona iyagoo dharcad ah ayaa gudaha la soo gelin rabaa maalmaha soo socda.

5. Asbuucyadii la soo dhaafay Farmaajo wuxuu ciidamada qalabka sida ka dhex waday isbedelo. Wuxuu shaqada ka fariisiyay dhamaan saraakiishii qeybta ka ahaa howlgaladii dalka lagu badbaadiyay ee Badbaado Qaran. Wuxuuna ku badalay saraakiil daacad u ah oo dhalinyaro u badan.

Saraakiishii iyo ciidamadii diiday isbedeladaas waxa laga gooyay mashaarkii iyo garaamkii ciidanka. Ulajeedka Farmaajo iyo qorsheyaasha uu maaganyahay:

1. Weeraradii 23-kii Maarso, hubka lagu aruurinayo xayndaabka garoonka Aadan Cadde iyo qaraxyada saacad walba la leeyahay garoonka ayaa la soo geliyay ujeedada laga leeyahay waa in lagu baqdin geliyo diplomaasiyiinta shisheeye ee Xalane ku sugan, si dalka ay isaga cararaan.

2. Shirqoolada ka dhanka ah Rooble, Guudlaawe, Musharaxiinta iyo Xildhibaanada ujeeddada laga leeyahay waa in dalka la geliyo qalqal amni oo suurtogal ka dhigi kara baaqashada dhaarinta Xildhibaanada ee muddeysan 14-ka Apriil iyo in gebi ahaanba la baajiyo doorashada oo dhan.

3. Labadaan qorshe marka ay dhacaan Farmaajo waxaa u qorsheysan iskuday AFGANBI 3aad oo uu ku dhawaaqi doono 12-ka Apriil oo ah Xuska Maalinta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya isagoo marmarsiiyo ka dhiganaya shirqoolada uu maleegayo iyo amni darada baahsan ee sida ulakaca ah isagu u abuuray in aysan doorasho ku qabsoomi karin.

W/Q: Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you