Wednesday, February 11, 2026

Sidee Boqortooyadii Damujadiid ee 4-ta sano & 4-ta Bilood la dhisayay ugu burburtay 4 saacadood..?! [Qormo qiiro leh]

-

Waxay ahaayeen koox kasoo jeeda bulshada rayidka ah, oo dhinaca waxbarashada heer fiican ka gaartay, waxay isugu jireen macalimiin, aqoonyahano iyo saaxiibo, balse si aan la fileyn siyaasadda u soo galay.

Waxay dhiseen xisbi siyaasadeed la baxay PDP xilli aan xisbi ka jirin dalka, waxay is tuseen inay talada halka ugu sareysa tegi karaan, qorshahoodii markii hore loo arkayay inuu mustaxiil iyo riyo maalmeed yahay ayaa u toosay, wuxuuna musharaxoodii u noqday madaxweynaha Soomaaliya 10 Septembar 2012.

Isla markii ay talada la wareegeen si weyn ayaa dadku u soo dhoweeyeen, waxaana loo arkayay aqoonyahano wax weyn ka bedeli kara xaaladda murugada leh ee Villa Somalia ka taagneyd, waxaana loo dhigay xaflado soo dhoweyn iyo damaashaad isugu jira.

Waxyar kadib waxaa la dareemay inay is kooxeysanayaan taladana isku koobayaan, waa ka sii dareen oo waxaa loogu magac daray DAMUJADIID, sanad kadibna arrintiina waxay noqotay inaysan waxba dhaamin kuwii ka horeeyay…!

Hankii laga qabay waa jabay, waxayna ku mashquuleen musuq iyo lunsiga hantida umadda, heshiisyo qaraabo-kiil ah oo lagula wareegay halbowlayaashii dowladda iyo ku takrifal awooddii dalka. Qorshahooda ugu weyni waxay ka dhigeen sidii ay kursiga u heysan lahaayeen, waxayna iloobeen wixii loo doortay iyo waajibaadka loo igmaday.

Waxay gaareen heer ay hantida umadda ku maalgelinyaan in dib loo doorto, waxayna wax waliba u sameeyeen sidii ay kursiga ugu soo laaban lahaayeen. Way is ajareen, waana kedsoomeen, waxayna u qaateen inaan dadkaanu damiir ku harin oo dhaqaalihii laga qaaday iyaga lagu laaluushi karo si mar kale ay qoorta u surtaan xarigii lagu marjin lahaa….!!

Kuma quusan digniintii hore loo siiyay ee uu doorashada guddoonka Baarlamaanka ku fashilmay kabiirkoodii weynaa ee waxay is tusiyeen haddii ay Doolar kordhiyaan inay dib u hanan karaan Villa Somalia, siina wadan karaan hogaankoodii afartii sano ee keli-noolaha ahaa.

Waxaa miir ugu horeysay oo waagu ku baryay galab Arbacaad 8-dii Febraayo markii ay rumeysan waayeen halka dabeyshu u socoto.. waxay maqleen “Maxamed C/llaahi Farmaajo……Maxamed C/llaahi Farmaajo…… … Maxamed C/llaahi Farmaajo…… “. Waxaa u muuqatay inay talo faro ka baxday, sidaas ayuuna daadkii ula tegay.

Boqortooyadii Damujadiid ee 4-ta sano iyo 4-ta bilood jirtay waxay ku burburtay afar saacadood gudahood, waxaana neef weyn ka soo fuqday dhamaan shacabkii iyo masaakiintii ku hoos dhibanaa xukunkii kooxdii LAMOOD NOQONSE WEYDAY..

Waxaa ku soo xigay inuu is casilay kabiir kale oo kooxdan ka mid ahaa, madaxna ka ahaa maamulka Galmudug sabab kastaba ha ku dhacdee, taasoo soo afjartay awoodii siyaasadeed ee kooxdii Damjadiid oo dhan…. ha is weydiin wixii hanti iyo juhdi ku baxay xilkan danbe… laakiin waxa dhacay oo dhan waxaad ku ilowdaa INAY WAX KASTA U DHACEEN SI AYSAN FILEYN.

AR FARMAAJO II GEEYA…. iyo damaashaad ayaa lagu waashay ilaa dadkii la joojin waayay,… Isbedelka la doortay maaha shaqsi iyo koox lagu bedelay mid kale… ee waa mid niyad ah oo lagu doonayo in looga baxo DULMIGA Villa Somalia soo daashaday.

Madaxweynaha iminka talada qabtay iyo kooxdiisa waa inay wax ku qaataan wixii dhacay… una dhaqmaan sida loo heyso oo loo soo dhoweeyay, waana inay ogaadaan haddii ay Dulmigii hore ku socdaan inay mari doonaan jidkii kuwii ka horeeyay.. oo wax ku waano qaatay ay yar yihiin.

HADDII AAD QORMADA AKHRISAY NALA DHAGEYSO HEESTA: DULMI DOONOW DULMI DIIDAAN ARAGNEE… DULMI DIIDOW DULMI DOON HA ISKU NOQON


FAALLOOYINKA Goobjooge

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you