Monday, July 14, 2025

Sidee Boqortooyadii Damujadiid ee 4-ta sano & 4-ta Bilood la dhisayay ugu burburtay 4 saacadood..?! [Qormo qiiro leh]

-

Waxay ahaayeen koox kasoo jeeda bulshada rayidka ah, oo dhinaca waxbarashada heer fiican ka gaartay, waxay isugu jireen macalimiin, aqoonyahano iyo saaxiibo, balse si aan la fileyn siyaasadda u soo galay.

Waxay dhiseen xisbi siyaasadeed la baxay PDP xilli aan xisbi ka jirin dalka, waxay is tuseen inay talada halka ugu sareysa tegi karaan, qorshahoodii markii hore loo arkayay inuu mustaxiil iyo riyo maalmeed yahay ayaa u toosay, wuxuuna musharaxoodii u noqday madaxweynaha Soomaaliya 10 Septembar 2012.

Isla markii ay talada la wareegeen si weyn ayaa dadku u soo dhoweeyeen, waxaana loo arkayay aqoonyahano wax weyn ka bedeli kara xaaladda murugada leh ee Villa Somalia ka taagneyd, waxaana loo dhigay xaflado soo dhoweyn iyo damaashaad isugu jira.

Waxyar kadib waxaa la dareemay inay is kooxeysanayaan taladana isku koobayaan, waa ka sii dareen oo waxaa loogu magac daray DAMUJADIID, sanad kadibna arrintiina waxay noqotay inaysan waxba dhaamin kuwii ka horeeyay…!

Hankii laga qabay waa jabay, waxayna ku mashquuleen musuq iyo lunsiga hantida umadda, heshiisyo qaraabo-kiil ah oo lagula wareegay halbowlayaashii dowladda iyo ku takrifal awooddii dalka. Qorshahooda ugu weyni waxay ka dhigeen sidii ay kursiga u heysan lahaayeen, waxayna iloobeen wixii loo doortay iyo waajibaadka loo igmaday.

Waxay gaareen heer ay hantida umadda ku maalgelinyaan in dib loo doorto, waxayna wax waliba u sameeyeen sidii ay kursiga ugu soo laaban lahaayeen. Way is ajareen, waana kedsoomeen, waxayna u qaateen inaan dadkaanu damiir ku harin oo dhaqaalihii laga qaaday iyaga lagu laaluushi karo si mar kale ay qoorta u surtaan xarigii lagu marjin lahaa….!!

Kuma quusan digniintii hore loo siiyay ee uu doorashada guddoonka Baarlamaanka ku fashilmay kabiirkoodii weynaa ee waxay is tusiyeen haddii ay Doolar kordhiyaan inay dib u hanan karaan Villa Somalia, siina wadan karaan hogaankoodii afartii sano ee keli-noolaha ahaa.

Waxaa miir ugu horeysay oo waagu ku baryay galab Arbacaad 8-dii Febraayo markii ay rumeysan waayeen halka dabeyshu u socoto.. waxay maqleen “Maxamed C/llaahi Farmaajo……Maxamed C/llaahi Farmaajo…… … Maxamed C/llaahi Farmaajo…… “. Waxaa u muuqatay inay talo faro ka baxday, sidaas ayuuna daadkii ula tegay.

Boqortooyadii Damujadiid ee 4-ta sano iyo 4-ta bilood jirtay waxay ku burburtay afar saacadood gudahood, waxaana neef weyn ka soo fuqday dhamaan shacabkii iyo masaakiintii ku hoos dhibanaa xukunkii kooxdii LAMOOD NOQONSE WEYDAY..

Waxaa ku soo xigay inuu is casilay kabiir kale oo kooxdan ka mid ahaa, madaxna ka ahaa maamulka Galmudug sabab kastaba ha ku dhacdee, taasoo soo afjartay awoodii siyaasadeed ee kooxdii Damjadiid oo dhan…. ha is weydiin wixii hanti iyo juhdi ku baxay xilkan danbe… laakiin waxa dhacay oo dhan waxaad ku ilowdaa INAY WAX KASTA U DHACEEN SI AYSAN FILEYN.

AR FARMAAJO II GEEYA…. iyo damaashaad ayaa lagu waashay ilaa dadkii la joojin waayay,… Isbedelka la doortay maaha shaqsi iyo koox lagu bedelay mid kale… ee waa mid niyad ah oo lagu doonayo in looga baxo DULMIGA Villa Somalia soo daashaday.

Madaxweynaha iminka talada qabtay iyo kooxdiisa waa inay wax ku qaataan wixii dhacay… una dhaqmaan sida loo heyso oo loo soo dhoweeyay, waana inay ogaadaan haddii ay Dulmigii hore ku socdaan inay mari doonaan jidkii kuwii ka horeeyay.. oo wax ku waano qaatay ay yar yihiin.

HADDII AAD QORMADA AKHRISAY NALA DHAGEYSO HEESTA: DULMI DOONOW DULMI DIIDAAN ARAGNEE… DULMI DIIDOW DULMI DOON HA ISKU NOQON


FAALLOOYINKA Goobjooge

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you