Saturday, July 19, 2025

SIDEE CUMAR C/RASHIID ISAGA CASILAY XILKII RA’IISAL WASARAHA SEPTEMBER 2010? (XUSUUS)

-

Waxaa  (Talaada, Sept 21, 2010) Xarunta Madaxtooyada isku casiley Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke  kadib markii uu si rasmi ah uu Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif u gudbiyey Warqadii Istiqaalada oo uu kaga tageyo Xilkii Raiisul Wasaaraha ee Dowladda Federaalka, waxaana markii uu is Casilayey Rasul Wsaare Cumar Cabdirashiid Garab taagnaa Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.

QADO AY YEESHEEN SHEEKH SHARIIF (MADAXWEYNE) SHARIIF XASAN (GUDDOOMIYE BAARLAMAAN) IYO CUMAR C/RASHIID (OO XILKA RA'IISAL WASAARE ISKA CASILAYA)
QADO AY YEESHEEN SHEEKH SHARIIF (MADAXWEYNE) SHARIIF XASAN (GUDDOOMIYE BAARLAMAAN) IYO CUMAR C/RASHIID (OO XILKA RA’IISAL WASAARE ISKA CASILAYA)

Kulan ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ayna ku wada Sugnaayeen Saddex Masuul ee ugu sareeysa Dowladda Federaalka ayaa waxaa halkaa hadalo kooban ka jeediyey Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo sheegey in sababaha uu isku casiley ay tahay markii uu sii xoogeystey Khilaafkii u dhaxeeyey isaga iyo Madaxeyne Shiikh Shariif isla markaana uu gaarey meeshii ugu sarreysey,  wuxuu kaloo uu sheegey intii uu Raiisul Wasaaraha uu ka ahaa Dowladdii lagu soo dhisey Jabuuti uu wax weyn ay qabatey Dowladiisa balse ay u saamixiweysey in ay howshoodii ay dhameystiranto sababo ammaan oo ka jirey dalka.

[blockquote style=”4″]“Waxaan isku casiley in aan badbaadiyo Dowladda Federaalka waayo haddii sii socon lahaa khilaafkeenna waxaa dhici lahayd in beesha Caalmka naga duub duubato oo faraha naga  qaado” ayuu yiri Cumar Cabdirshiid oo ugu baaqay Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif in deg deg u Magacaabo Raiisul wasaare [/blockquote]

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha oo muddo soo jiitamayey ayaa iscasilaadda waxaa kaloo soo dhaweeyey Madaxweynaha DFKMG Shiikh Sharriif oo sheegey in Talaabada uu qaadey Cumar Cabdirashiid ay tahay talaabi Taariikhi ah  oo geesinimo leh wuxuu kaloo uu sheegey Madaxweyne Shiikh Shariif in Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid uu qabtey Howl aad u balaaran islamarkaana uu si daacad ah ugu soo baxay Xilkiisa wuxuu kaloo uu sheegey Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo magacaab doono Raiisul Wasaare Cusub oo ka soo dhalaala Xilkiisa si waqtiga yar ee u harey Dowlada uu wax ka qabto arrimaha Ammaanka , Dhaqaalaha iyo Bulshada

Qaar ka mid ah Xildhibaanada  ayaa si weyn u soo dhaweeyey is Casilaada uu xilkii iska casiley Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyaga oo ku tilmaamey mid soo afjartey khilaafkii u dhaxeeyey Madaxweynaha DFKMG  Shiikh Shariif waxayna ka codsadeen Madaxweyne Shariif in soo magacaabo Raiisul wasaare samatabixya Dalka soomaaliya oo ay sheegeen in sii galayo mar xalad aad u adag.

Dhanka kale hay’adda wararka AP waxay sheegtay in Muqdisho la isla dhex marayey in lacag la siiyey Sharmaarke si si tartiib ah isu casilo. “labada nin (Cumar iyo Sh. Shariif) waxay u muuqdeen kuwo aad u farsaxan. Sidaas in ay u muuqdaan kama aanan fileyn. Waxaa jira qorshe qarsoon oo ay heshiis ku yihiin,” sidaas waxaa yiri Mowliid Macaane, oo ahaa xildhibaan (Allaha u naxariisto), oo ka hadlayey arrinta la isla dhex marayo Muqdisho oo ay in Cumar C/rashiid Sharmaarke lacag la siiyey si uu isagoo aamusan isaga tago. Sidaas waxaa qortay hay’adda wararka ee AP.

 

[blockquote style=”3″]Waxaa xusid mudan in Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke uu maanta ku sugan yahay isla meeshii uu isku casilay 4 sanadood ka hor isagoo qirsan inuu waxba qaban waayay, isagoo doonaya inuu qabto isla jagadii uu ka tegay oo markan ka culeys, shaqo iyo dhibaato badan tii uu ka tegay, meesha kuma jirto haddii loo shaqeynayo. Waxaan qormadan u soo qaadanay xusuus ahaan si aanu dib ugu jaleecno taariikhda dhow ee qalinkeedu qoyan yahay inkastoo Soomaalidu aanay waayaha iyo taariikhda waxba ku qaadan[/blockquote]

Xigasho: Somalitalk

 

[ad name=”HTML”]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you