Friday, July 11, 2025

Sidee Xasan Cali Kheyre ku badbaadsan karaa xilkiisa Ra’iisal wasaarenimo..? [Akhriso 3 Qodob]

-

Siyaasadda xukuumadda Soomaaliya ayaa gaartay meel xasaasi ah, waxaan laga yaabaa inay arrintaan saameyn ku yeelato xilka uu hayo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo u muuqdo inuu yahay shaqsiga wado Ololaha ka dhanka ah Maamul Goboleedyada dalka ka jiro.

Haddaba si uu Xasan Cali Khere u badbaadsado xilkiisa iyo inuusan ku fashilmin siyaasadda Soomaaliya ee uu dhawaangalka ku yahay ayaa waxaan halkaan kusoo bandhigayaa seddex waxyaabood oo Kheyre looga baahan yahay:

1) Inuu Joojiyo Dagaalka uu kula jiro Maamul Goboleedyada:
Dagaalka ay dowladda kula jirto Maamul Goboleedyada Soomaaliya ka jiro ayaa asal ahaan kasoo bilowday fikir uu keenay Kheyre iyo awood ay dowladda u siisay inuu Kheyre sameeyo wuxuu rabo, sidaas darteed ayuuna dagaalka ku bilowday, haddaba Ra’isulwasaare Kheyre waa inuu joojiyo dagaalkaas iyadoo la tixgelinayo qodobada soo socdo:

Ra'isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

B) Dagaal kasta oo la galo marka ugu horeyso waa Khamaar, sababtoo ah wuxuu ku bilowdaa natiijo isku mid ah oo ( 50%, 50%) sidaas darteed Kheyre ma heysto damaanad 100% inuu ku guuleysan doono

T) Madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood waa kuwa kusoo gubtay siyaasada ku dhisan weerar iyo weerar celis, waxaana laga yaabaa in qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyada ay soo weeraraan xukuumadda Kheyre isla markaasna laga diyaariyo mooshin xilka looga qaadayo.

J) Madaxda Maamul Goboleedyada waxay heystaan dowladda Imaaraadka Carabta oo aysan qiimo ugu fadhin lacagta, sidaas darteed mar kasta waxaa macquul ah in lagu fakaro sidii ay Imaaraadka gacan uga geysan laheyd mooshin ka dhan ah Kheyre.

X) Haddii uu dagaalka siyaasadeed ee Kheyre sii socdo, waxaa macquul ah inay dhammaan maamul Goboleedyada u midoobaan si meesha looga saaro isaga intii uu iyaga meesha ka saari lahaa.

2) Inuu la fadhiisto Hiraab: 

Ra’isulwasaare Kheyre waxaa muuqato inuu iska indho tirayo rabitaanka iyo la shaqeynta beesha Hiraab, midaasna waxay ku noqoneysaa dhabar jab weyn, si uu xilkiisa u badbaadsado waa inuu si deg deg ah ula fadhiisto Hiraab oo ah quwadda ugu weyn ee Hawiye isla markaasna uu ka iibiyo siyaasadiisa.’ Hiraab waxaa la isku yiraahdaa (Abgaal. Habar Gidir iyo Duduble).

3) Inuu Isku shaandheyn deg deg ah ku sameeyo Golaha Wasiirada

Midda seddexaad ee uu Kheyre ku badbaadsan karo xilkiisa ayaa ah inuu isku shaandheyn deg deg ah ku sameeyo Golaha Wasiirada, maadaama beelaha qaar aysan ku faraxsaneyn shaqsiyaadka ku matalo Golaha Wasiirada, haddaba waa inuu Kheyre tallaabadaan qaado haddii kale wuxuu u nugloonaan doonaa dagaal kasta oo soo wajaho.

Ugu dambeyntii marka loo fiiriyo waqtiga yar ee uu Kheyre hayo xilkaan iyo dhibaatada uu dhexda ka galay ayaa muujineyso inuusan wax badan kala socon siyaasada Soomaaliya ee min bilow ilaa dhamaad isku xiran.

Waxaa Qoray : Maxamed Cali Faarax

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you