Tuesday, January 13, 2026

Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur oo farriin culus u diray Madaxweyne Farmaajo [Mas’uuliyadaada qaado]

-

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ahaa wasiiradii dowladii KMG ahayd, soona noqday musharax madaxweyne ayaa farriin culus u diray hoggaana dowladda Federaalka.

C/raxmaan C/shakuur oo ka mida siyaasiyiinta qunyar socodka ah oo sida dadban u tilmaama gaabiska ka jira hoggaanka dowladda uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markan u muuqda inuu si toos ah xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta dusha u saarayo hogaanka dowladda Federaalka, isagoo aan sax iyo khalad midna ku tilmaamin tallaabooyinka dastuurka kasoo horjeeda ee ay qaadeen madaxda maamul Goboleedayda Soomaaliya.

FARRIINTA HOOS AK AKHRISO

Labadii bilood ee ina dhaaftay ugu yaraan
6 xero ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayey Alshabaab weerareen, askartii ku laayeen, hubkiina ka furteen, kuwaasoo ku yalaay Buulaguduud, Beledxaawo, Bariire, Ceelwaaq, Kalabayrka iyo Yeed. Ilaa iyo hada wax war ah lagama maqal Dawlada.
Shalay waxaa baaqday shirkii Dastuurka oo ay qaadaceen Gudiga Madaxabanaan ee dib u eegista Dastuurka iyo Gudigii kor joogtaynta u qaabilsan dib u eegista Dastuurka labada Gole ee Baarlamaanka iyo Aqalka Sare. Waxaa sidoo kale qaadacay Dawlad Goboleedyadii.
Waxaa mushaar la’aan ka mudaaharaaday macalimiintii Jaamacada Ummada. Waxaan weli la xalin oo Baarlamaanka gudi u saaray dhiibistii Qalbidhagax iyo falceliskii dadwaynaha ee arrinka ka dhashay.
Waxaa muuqata in Dawlad goboleedyadii iyo Dawlada Federaalka ah ku kala aragti duwan yihiin arrimaha Amniga, Siyaasada iyo dhaqaalahaba. Waxaana daliil u ah arrinka Khaliijka, sharcinimada Madaxeyne Xaaf, daabacada shilinka Soomaaliga ah iyo meelmarinta Hindisaha Heshiiska Amniga Qaran ee shirkii London lagu soo saxiixay.
Waxaa lagu wadaa in beri shir ay Dawlada ka maqan tahay Kismaayo uga furmaya madaxda Dawlad Goboleedyada oo ka walwalsan xiriirka sii xumaanaya ee iyaga Dawalda Federaalka u ah u dhexeeya. Beesha Caalamka ayaa sidoo kale aad uga walaacsan arrimaha Amniga iyo siyaasada ee sii murgaya.
Waxaa taagan mushkilo dhab iyo crisis baaxad leh. Dawlada kama dhuuman karto arrinkaan iskama dhega tiri karto, eedana uma saarin karto cid kale. Kismaayo waa fursadii xaalada lagu dejin lahaa ama geyn karta meel aan laga soo qaban karin ee waa in dawladu masuuliyada qaadataa, gaar ahaan hogaanka la doortay.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you