Monday, July 7, 2025

Somalia & Kenya oo Berrito isku wajahaya Hague [W/Q: Yusuf Garad]

-

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda oo ah Waax ka tirsan Qarammada Midoobay ayaa berri oo Isniin ah billaabeysa dhegeysiga dacwad dhex-taalla Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsan soohdinta Badweynta India ee labada dal ee deriska ah.

Soomaaliya ayaa dacwadda geysay Maxkamadda oo ay xaruntee
du tahay magaalada Hague ee dalka Netherlands bishii August ee sannadkii 2014.

icj-nabadKenya waxaa ay ka soo horjeeddaa dacwadda ayada oo leh doodda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya waa mid ka baxsan xeer-xeyndaabka Maxkamadda. Sidaa darteed ma ahan in ay Maxkamaddu gasho dacwaddan.
Laakiin Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa in Maxkamaddu ay go’aamiso soohdin-badeedda labada dal meesha ay noqoneyso.

Maxkamaddu waxay go’aansatay in labada dhinac ay isugu yeerto. In Kenya laga dhegeysto waxa ay ku saleyneyso diidmadeeda ay Maxkamadda uga dalbeyso in aanay dacwadda furin. Jawaab celin ayaa laga dhegeysan doonaa Dowladda Soomaaliya. Waxaa keliya oo dacwadda hadda la dhegeysanayaa ay ku saabsan tahay in ay tahay Maxkamaddu in ay gasho dacwadda oo ah doodda Soomaaliya iyo in ay go’aamiso in aanay dacwaddan geli doonin oo ah sida ay Kenya dooneyso.

Dooddu waxay u dhici doontaa sidan:

Wareegga Koowaad

Kenya waxaa la dhegeysan doonaa Berrito oo ah Isniin 19-ka September, laga billaabo saacadda Hague marka ay tahay 10:00 ilaa 13:00.

Soomaaliya waxay jawaab celineysaa Talaado 20 September laga billaabo 10:00 ilaa 13:00

Wareegga Labaad

Kenya waxay doodeysaa Arbaca 21 September saacaddu marka ay tahay galabnimada 16:30 ilaa 18:00.

Soomaaliya  waxay jawaabeysaa Jimce 23 September 10:00 ilaa 13:00.

Maalin kasta marka doodda la dhegeysto, Maxkamaddu waxay barteeda Internetka ku soo daabici doontaa doodda Maxkamadda laga soo jeediyay oo sideedii ah. Maalinta u dambeysana Maxkamaddu waxay soo saari doontaa War-Saxaafadeed.

Inkasta oo dooddani ay tahay mid Dadweynaha u furan, haddana Maxkamadda kuraasteedu waa ay kooban yihiin. Waxaa muhiimadda la siin doonaa Ergooyinka labada dal ee ay Dacwaddu u dhexeyso iyo Diplomaasiyiinta.

hague-dr-axmed-c-dahir-dr-faqi-iyo-cali-wolf
Axmed C. Dahir (Dhexda)

Soomaaliya waxaa uga qeyb gelaya Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Daahir oo horkacaya khubaro heer caalami ah oo qaanuun iyo farsamayaqaanno ku takhasusay soohdimeynta badaha oo isugu jira Soomaali iyo ajnebi iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Brussels, Diplomaasiyiin kale, saraakiil hore iyo madax iyo wakiillo ka socda laamo Dowladda ah iyo bulshada rayidka ee dalka gudhiisa iyo dibaddiisaba.

Soomaaliya iyo Kenya badda ay ku muransan yihiin waxaa la aamminsan yahay in uu ku jiro shidaal ay tahay in biyaha hoostooda laga soo saaro. Soomaaliya markii ay dacwaddan gudbisay 28 August 2014 wixii ka dambeeyay, waxaa aag badeedkaas isaga baxay sharikado shidaal baarayay oo Kenya heshiis kula jiray, marka laga reebo sharikadda ENI ee dalka Talyaaniga oo ilaa hadda ku jirta biyaha lagu muransan yahay.

Dacwada Soomaaliya oo ah qoraal dhammaystiran waxaa July 2015 Maxkamadda geeyay Xeer Ilaaliye Dr. Axmed Cali Dahir. Waxaa la sawiran (Bidix) Danjiraha Soomaaliya ee Brussels, Dr. Cali Faqi iyo Qunsulka, Cali Abuukar. Waxaan sawirkaa uga qaaday Maxkamadda horteeda, daqiiqado ka hor inta aan dacwadda la gudbin.

Soomaaliya waxaa ka go’an in ay u dooddo xuquuqdeeda iyada oo aab cidna ku xad gudbin.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waa Waax ka mid ah lixda Waaxood ee waaweyn ee ay Qarammada Midoobay ka kooban tahay. Maxkamadda Xarunteedu waa Hague, Netherlands, halka shanta Waaxood ee kale ee Qaramada Midoobay ay xaruntoodu tahay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Wakiillada Soomaaliyeed ee dacwadda goobjoogga ka ahi waxaa ay qorsheynayaan in ay Dadweynaha Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ay uga warramaan sida ay dooddu u dhacday iyo dareenkooda.

Haddii aad dooneyso macluumaad intan ka badan, fadlan halkan dhag sii oo akhri maqaal Cinwaankiisu yahay “Soomaaliya Vs Kenya” oo aan qoray July 2015 halkan ka akhriso

Posted by Yusuf Garaad 

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you