Thursday, December 12, 2019
More

    Soomaaliya Dherigii labada dhinac ka gubtay: Argagixinta Dhibayaasha Argagixisada (Qormo)

    Soomaaliya Dharigii labada dhinac ka gubtay: Argagaxinta Shacab Argagaxisada Dhibane u ah

    Soomaaliya waxay dhibane u yihiin argagaxiso gudaheeda ka jirto iyo beesha caalamka oo dhibaato joogto ah ku heyso hormarka nololeed ee dalkan taagta daran sameyn lahaa waxayna beesha caalamka Soomaaliya gudaheeda kaga dhawaaqeen Dagaal Argagaxisada loogu jiro laakiin shacabka dhibaatadiisa dib ugu soo laabaneyso.

    Ad

    Dagaalka Argagaxisada ka dhanka ah ee beesha caalamka Soomaaliya ka wado wuxuu galaaftay nolosha Soomaali badan oo aan wax dambi ah galin.

    Argagaxisada waxay shacabka ka dhigtaan gabaad, wey dilaan sidoo kalena il dhaqaale ayay ka dhigtan si la mid ah beesha caalamka ee Dagaal Argagaxisada kula jirto dhibaatada ay shacabka Soomaalida ah u geestaan ma yaro ayagoo ujeedkooda yahay inay argagaxisada bartilmaamed ka dhigtaan ayay naf iyo maalba cagta mariyaan, cidna ma weydiiso waxayna u arkaan shacabkaas inay yihiin kuwo argagaxisada garab siiyaan.

    Sidaa darteed bulshada Soomaaliyeed waa dhari labada dhinac ka gubtay Argagaxisada uma axsaan falaan sidoo kalena kuwa dhahaan Argagaxisada ayaan dagaal kula jirnaa iyagana naftooda iyo maalkooda shacabka Soomaalida qiimo uma lahan waana sababta ugu weyn shacabka Soomaalida noloshooda u maareysan la’yihiin.

    Weerarkii 9/11 iyo Burburintii Al Barakaat:

    Shirkaddii xaawaladda ahayd Al Barakaat  waxaa la sameeyay markii Dowladdii Dhexe burburtay sanadii 1991 kadib markii diyaasbaro dalka ka carartay  walaac badan ka muujiyeen kuna adkaatay sidii eheladooda lacag ugu diri lahaayeen ee dalka ku sugnaa.

    Mudo labo bilood gudaheeda Al Barakaat waxaa u suura gashay in dhammaan Gobolada Koonfurta Soomaaliya xarumo ka sameysato si hufnaan ku dheehana qoysaska  lacagta ay usoo diraan eheladooda dibada ku sugan ku helaan.

    Laakiin qaraxyadii 11 September 2001 dhaceyn wax walbo ayay badaleen waxayna madaxda Mareykanka la yaabeyn qoladii weerarka kusoo qaaday si ay dhaqaale ahaan isugu filnaayeen dhaq dhaqaaq kala duwana u sameeyeen xiligaas waxayna baadi goob u galeyn cid walbo oo Al-Qaacida dhaqaale ahaan si hoose iyo si sare u siisay.

    Qolooyinka baarista Mareykanka u qaabilsan oo horeyba ula dhacsaneyn hanaanka Al-Barakaat u shaqeyso  oo lacagaha USA looga diro una gaarto UAE oo xaruntooda dhexe ku taalay ayaa baaritaanka sare usii qaadeyn.

    Cadaadis siyaasadeysan ee dhanka Aqalka cad kaga yimid qolyihii baarista wadeyn ayaa ku qasbay inay baarista soo idleeyaan kuna dhawaaqaan in Al Barakaat ay ahayd shirkad Al-Qaacidda dhaqaale ahaan taageerto sidoo kalena aas aasaha Al- Barakat lagu tilmaamo inuu Osama Bin Laden saaxiib la ahaa.

    Xafiiskii Al-Barakat waa lagu duulay waana la dhacay waxaana la fariisiyay ra’sumaalkii ay shirkadaan laheyd sidoo kalena aas aasaha shirkadda waxaa lagu daray liiska kuwa aan sameyn karin duulimaadyada caalamiga ah.

    Sanado kadib guddoonkii qaabilsanaa baaritaanka weerarkii 9/11 ayaa ku dhawaaqay in Al Barakaat aysan wax qalad ah galin sidoo kalena aysan wax xiriir ah Al-Qaacidda la laheyn. Laakiin nasiib daro ra’sumaalkii Al Barakat laga fariisiyay iyo dhacii loo geystay cidna si sharci ah ma aysan uga hadlin sidoo kalena aas aasaheeda ilaa sanadii 2016 looma ogoleyn inuu duulimaad caalami ah sameeyo.

    Al-Barakaat burburkii loo geystay ee marmarsiiyaha beenta ah hugsanaa wuxuu noqday hnanaan ay Beesha Caalamka Arrimaha Soomaaliya u wajahaan: Qofkaan waa Dambiile sidii la rabo halaga yeelo ilaa laga cadeynayo inuusan wax Dambi ah galin!

    Qaladkii Laga Fahmay Maxkamadihii Iyo Soo Shaac Bixidii Al Shabaab:

    Mareykanka markii labaad oo ay Soomaaliya dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan aafeeyeen waxay dhacday sanadii 2006 kadib markii Midowgii Maxkamadihii Islaamiga ahaa Muqdisho ka xureeyeen hoggaamiyo kooxeedyadii gacanta ku heyn jiray, waxay Mareykanka la yaabeyn awoodda maxkamadaha iyo sida ay Koonfurta Soomaaliya u qabsadeyn ayadoo meesha ka saareen awoodii hoggaamiye kooxeedyadii.

    Sidaa darteed Mareykanka iyo Itoobiya waxay bilaabeyn inay adduunka ka gadaan in Maxkamadaha ay xiriir la leeyihiin Al-Qaacidda, waxaana dhacday in ciidamada Itoobiya gudaha usoo galeen Soomaaliya ayadoo Mareykanka dhaqaale ahaan iyo military ahaan taageerayo waxayna qabsadeyn Muqdisho  sidoo kalena Maxkamidihii meesha ayaa laga saaray awoodii ay lahaayeen.

    Balse iska caabinta iyo madax adeegga ay la imaadeyn qaar ka mid ah dhalinyarada maxkamadihii waxay sababtay garab cusub inuu soo baxo oo ah Al-Shabaab kaasi oo qasaaro ku sababay Itoobiyaanka madaama dagaalka uu waji kale yeeshay.

    Waxaa dhacday in Mareykanka uu kala dilay maxkamadihii wuxuuna sameeyay in kuwa qunyar socodka ah ee midowgii maxaakiimta ka tirsanaa Muqdisho loogu yeeray ugu dambeyntiina dalka Madaxweyne waxaa ka noqday mid ka mid ah kuwii uu Mareykanka ugu yeeray Muslimiinta Qunyar socodka ah.

    Dhinaca kalena Mareykanka wuxuu Al-Shabaab ku daray liiska argagaxisada caalamiga ah kuna tilmaamay Muslimiin Xagjiriin ah oo aan wax wada hadal ah lala gali karin.

    Dhuun Qabashadii Xawaaladaha Iyo Halis hor Leh:

    Qeybta lacag bixinta Mareykanka ayaa gabi ahaanba dhuunta qabteyn Soomaalidii reer Ameerika ee shacabka Soomaaliyeed lacagaha xawaaladaha ugu soo diri jireyn. Kadib markii Al-Barakaat meesha ka baxday xawaaladaha shaqeynayeen waxaa la sheegay in $1.5 billion lacago ah gudaha Soomaaliya usoo direen.

    Xawaaladaha waxaa laga diiwaan galiyay bangiyada Mareykanka oo ay lacagta dhigtaan kadibna UAE ayaa loo soo diri jiray sidaas ayay gudaha Soomaaliya kusoo gaartaa. Laakiin dagaalka beesha caalamka ku heyso argagaxisada waxaa dhacday in qasnajiga Mareykanka ku wargaliyay bangiyada halista kaga imaan karto in la marsiiyo lacagaha Soomaaliya loo diraayo oo aan aqoonsi iyo dabagal laheyn.

    Sidaa darteed inta badan bangiyada gudaha Mareykanka ku yaalo waxay gabi ahaanba joojiyeen adeegii ay xawaaladaha u qaban jireen. Waxaana dhacday in xawaalado badan lacagahooda boorso ku qaadaan oo ay sidaas UAE ku geeyaan ayagoo halis aad u weyn la kulmi kareen dhanka amaan ahaan.

    Waa gardaro lagu qaaday xawaaladaha Soomaalida ee gudaha Soomaaliya lacago usoo diraan ayadoon wax caddeyn ah loo heynin inay argagaxisada xiriir la leeyihiin.

    Curyaaminta Shirkadaha madaxa soo qaadayo ee gudaha soomaaliya ka hawl galaan:

    Dhibaatada lagu hayo dadka Soomaaliyeed inay nolol maalmeedkooda hormariyaan dibadaha kaliya kuma ekeyn ee xitaa waa la cuuryaamiyaa shirkadaha u istaagaan caawinta dadkooda ee gudaha Soomaaliya ka hawl galaan.

    Hagar daamintaan waxaa ku xeel dheer Kooxda dabagalka Soomaaliya iyo Eriteria qaabilsan ee UN-ka hoos imaado  Monitoring Group for Somalia and Eritrea (SEMG).

    Hay’adan waxay marar badan soo saartay warbixino ay ku dhaawaceyso kuna cuna qabateeneyso shaqsiyaad iyo shirkado Soomaali ah. Tusaale ahaan SEMG waxay soo saareen 2006 in Maxkamadihii Islaamiga ah gudaha Lubnan u direyn ciidan Xisbulaah ka garab dagaalamo waxayna ahayd warbixin been ah oo aan waxba ka jirin.

    Sidoo kale SEMG waxay eedeyn usoo jeedisay sidoo kalena ay hay’adaha Qaramada mIdoobey ku dacweysay shacqsiyaad iyo shirkado Soomaali ganacsado ah oo diideyn inay warbixin ka siiyaan qandaraasyada UN-ka siiyaan, waxayna SEMG soo saartay warbixin been ah in raashiinka ay WFP deeq ahaan Soomaaliya u keento suuqa maddow lagu kala iibsado waxayna midaas sababtay in WFP qandaraasyada kala laabato ganacsatadii Soomaalida ahayd ayadoo warbixin been ah la adeegsanayo.

    SEMG kaliya Soomaaliya dhibaato kuma heyso sidoo kale labo la taliye oo Bangiga Aduunka ka tirsan ayaa soo saareyn warbixin ah in Soomaaliya halis dhaqaale oo weyn ku jirto adeegsiga dhanka lacagaha mashiinka la isugu diro ama hawo ahaan la isugu diro sidoo kalena macaamiil badan hantidooda halis ku jirto halka xaqiiqada ay tahay shirkadaha adeega lacagaha hawada loo adeegsado hayaan kaash ku filan oo magdhow ahaan 100% macaamiisha Soomaaliyeed u balan qaadayo in hantidooda marnaba lumeyn.

    Ugu dambeyntii SEMG iyo hay’adaha kale ee Soomaaliya dhibaatada ku hayaan waxay u badaleyn dhibaatada mid siyaasadeysan waxaana midaas caddeyn u ah ciidamada Kenya  inay bur buriyeen sidoo kalena rakaateeyaan qaar ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ugu weyn Koonfurta Soomaaliya.

    Kenya arinkaan wey beenisay, laakiin shaqaalahooda dhanka ammaanka ayaa xaqiijiyeen bur burka ay u geysteen shirkadaha isgaarsiinta. Kenya si awood ku dheyhan waxay ku bur buriyeen 11 xarumood ama Tower sanadii 2011 marka ay Soomaaliya ciidankooda xoog kusoo galeyn. Sidoo kalena 7 xarumood ayay bur buriyeen 2018 halka labo xarumo is gaarsiin ay bur buriyeen 2019.

    Si kasto ay Kenya u beeniso burburinta ay isgaariinta Soomaaliya ku heyso haddana waxaa la yaab ah in saraakiisha dhanka ammaanka Kenya qaabilsan ay xaqiiyeen inay burburiyeen xarumaha shirkadda Hormuud iyo qalabkooda  ayagoo uga fal celinayaan aar gudasho ahaan in Al-Shabaab ay burburisay xarumo ay leedahay SAFARICOM oo ah shirkad isgaarsiin oo Kenya gudaheeda ka shaqeyso.

    Markii saraakiisha Kenya la weydiiyay waxa iska galay weerarka Al Shabaab gudaha Kenya ka geysatay iyo burburinta xarumaha Hormuud waxay madaxda Kenya ku jawaabeyn “Dhamaantood waa Soomaali isku mid ayey noo yihiin!”

    Soomaaliya waa diidan tahay inay is dhiibto dhibaato walbo oo lagu haayo:

    20-sano ka hor dadka aqoonyahanada Soomaalida ah waxay Soomaaliya u heysteen dal dadkiisa aysan hooy heysan madaama ay u nugul yihiin dhibaato walbo dowlad la’aanta dhacday awgeed.

    Dhibaato kasto oo lasoo arkay Soomaaliya uma hakaneyso waxayna la imaadeyn hal abuur ganacsi iyo aragti dhaqaale oo ka dhigay kuwa ku adkeysan karo  dhibaato walba.

    Midda ugu cajiibka badan ee ah tusaale iftiimayo ayaa ah sida Soomaaliya dhanka Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada hormartay kaga gaartay guul ayadoo Afrika badankeeda shirkado ajaanib ah dhanka isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada u maamulaan.

    Bal qiyaas Soomaaliya ganacsi ahaan iyo hormarka isgaarsiinta/tiknoolajiyada ka gaari laheyd haddii aysan jiri laheyn dhibaatada joogtada ah ee ku saleysan Argagaxisada gudaha ka jirto, fashilka dhanka hoggaanka dalka iyo Reer Galbeedka dagaalka ay argagaxisada kula jiraan oo ay shacabka Soomaalida naftooda iyo maalkooda ku aafeeyaan.

    Abdi Ismail Samatar

    AUTHOR Abdi Ismail Samatar

    Abdi Ismail Samatar is Professor of Geography at the University of Minnesota & Research Fellow at the University of Pretoria. His latest book is “Africa’s First Democrats.

    Waxaa lagu daabcay:  trtworld.com

    Waxaa soo turjumay: Cabaas Cali Xasan

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    131,665FansLike
    1,344FollowersFollow
    3,604FollowersFollow
    131,665FansLike
    1,344FollowersFollow
    3,604FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!