Wednesday, September 10, 2025

Soomaaliya iyo soo Laba kacleynta Xanuunka Covid-19 (Qeylo-dhaan)

-

Dhammaan dadka Soomaaliyeed, meel kastoo aad joogtiin waan idin salaamayaa, Salaan ka dib, dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxaa si xawli ugu soo laba kacleeeyey xanuunkii Covic-19.

Sida aad la wada socotaan Hay,adaha caafimaadka ee Soomaaliya ma heystaan qalabkii iyo tasiilaadkii kale ee aay u baahnaayeen si aay ula tacaalaan xanuunkaan saf mareenka ah. Ma jiro Isbitaal ka mid ah Isbitaalada waaweyn ee publica ah ee heysta Oxygen Plant and ama mashiinka dhaliya Oxygen.

Dadka uu soo ritay xanuunka sanadkaan, waa aay ka badan yihiin sanadkii hore, waxaana culeys uu ka jiraa Oxygen la,aan, oo waxaa la isticmaalayey Oxygen aay soo saaraan warshado gaar loo leeyahay oo iyagana wax soo saarkoodu uu yar yahay. Hadaba culeysyada jira ee u baahan in dadka Soomaaliyeed aay u istaagaan waxaa ka mid ah:

• Oxygen la,aan
• Daawo la,aan
• Personal protection la,aan
• Koronto ama Shidaalka lagu shubo matoorka oo kharash u baahan
• Shaqaale u tababaran la tacaalida xanuunkaan
• Ambulances yari….

Maxaa la qaban karaa?:

Waxaa la qaban karaa , in aan sameeyno lacag uruurin, oo aan is abaabulno meel walbo oo aan dunida ka joogno, si aan ugu helno Isbitaaladaas waxaa aay u baahan yihiin. Dhanka kale waxaa Iyana muhiim ah in dadka Soomaaliyeed ee Caafimaadka bartey, lehna cilaaqaadka aay ka caawiyaan Wasaarada Caafimaadka iyo Isbitaalada ineey qalabkaas helaan sida ugu dhaqsaha badan.

Dhanka kale waxaa muhiim ah in lasoo iibiyo Oxygen palnts iyo in aan ka sameeyno lobby wadamada dibadaha, siiba Europe, Amercia, Canada iyo Australia, in loo soo gurmado Somalia.Ganacasatada Soomaaliyeed, waxaa aan wadnaa dedaal arintaan ku saabsan, hase ahaatee waxaa loo baahan yahay dedaal xoog leh oo ballaaran….Gurmadka dhexdeena aan xoojino, ka dib dadka kale waa na caawin karaan.

Ilaaheey aduunka haka dul qaado xanuunkaan

W/Q: C/llaahi Nur Cusman
Madaxa Hormuud Salaam Foundation

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you