Monday, August 25, 2025

Soomaaliya: Maxaa Looga Hadli La’yahay Mareykanka iyo Duqeynta Rayidka?!

-

Dhacdadii Bariire Jimcihii ka dhacday,  dadka Soomaaliyeed waxaa ay hadal-hayaan ciidamada dowladda ahaa ee rayidka dilay, waxaaba la iloobey in ay Mareykanka ku lug lahaayeen dhacdadan, Mareykanka bishan keliya ku dhawaad 10 duqeyn ayey  ka geystay Koonfurta Soomaaliya, qaar weeraradaasi ka mid ah waxaa ku dhintay dad rayid ah, laakin lalama xisaabtano!!

Ciidamada Mareykanka waxaa ay sheegteen  isla bishan gudaheeda  in Milatarigoodu ay Jilib ku dileen 7 Al-shabaab ah, hase ahaatee warar madax bannaan oo degaanadaas laga helayo ayaa sheegaya in weerarkan oo ay geysatay dayuurad Drones ah lagu dilay qoys ka koobnaa todobo ruux, oo weliba ay ku jireen haween iyo caruur…arrinta layaab leh, ma jirto labo ka wada hadashay.

Mareykanka xataa waxaa ay ciidan ka dileen dowladda, bishii September ee sanadkii tagay, duqeyntii diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Mudug waxaa ku dhimatay 10 askari oo ka mid ahaa ciidamada dowladda.

Duqeyn kasta ee uu Mareykanka ka geysto gudaha Soomaaliya waxaa la arkaa labo war Saxaafadeed oo kala duwan, mid dowladda federaalka ah iyo mid Mareykanka ah, Soomaalida waxaa ay sheegaan in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu amray weerarka la qaadey halka US AFRICOM ay daabaco in ay ogolaashiyaha ka heystaan madaxweyne Trump qoraal uu soo saaray March sanadkan “This strike was conducted within the parameters of the proposal approved by the President in March 2017, which allows the U.S. Department of  Defense to conduct lethal action against al-Shabaab within a geographically-defined area of active hostilities in support of partner force in Somalia”.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Ambassador Axmed Ciise Cawad oo mar sii horeysay aan weydiinay in Villa Somalia ogtahay duqeymaha Mareykanka geystaan iyo in kale? Siduu rabo ayuu ka sameeyaa kuma dhihin anigu….laakin wey duqeeyaan baan ku dhahay, sidaa ayuu iigu jawaabay!!

Mareykanka horay 1993-dii waxaa ay rayid badan ku dileen gudaha caasimadda Muqdisho, dadkaas waxaa ay ugu yimaadeen in ay ka caawiyaan macluusha heysatay, laakin xabad ayey ugu badaleen, dhibaatadaasi illaa hadda magdhaw lagama bixin, cid hadashana ma jirto, 24 sano kadib weli rayid ayey dilayaan, Taariikhda hore dowlad  kama jirin dalka  laakin hadda oo ay dowlad ka jirto, marka ay  Mareykanka rayid dilaan, isla markaana aan lala xisaabtamin waa nasiib darro iyo tabar darro dowladda federaalka ah.

Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka:

Soomaaliya waxaa ay xiriir la laheyd Mareykanka illaa xoriyaddii 1960-kii, Safiirradii soo maray waxaa ay kala ahaayeen: Cumar Macalin, Qeybe, Yusuf Azhari, Cabdulahi Adow, Kimiko, Cabdulahi Cadow, Maxamed Xaaji Nuur, Cabdikarim, Cumar Cabdirashid iyo Axmed Ciise Cawad.

Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa uu marayaa wejigii 4-aad, dowladihii rayidka ahaa ee 1969-kii ka horeeyay waxaa uu Mareykanka la lahaa xiriir aad u fiican, laakin waxaa ay wax walbo is badaleen markii uu Maxamed Siyaad xukunka qabsaday isagoo xiriir la lahaa bariga iyo midowga Soviet, dagaalkii 77 kadib waxaa dib u soo noqday xiriirka labada dhinac hadana waxaa uu xumaaday markii uu Caydiid ka dilay 18 askari October 1993-dii isla markaana uu fashilmay qorshihii uu Mareykanka horkacayey ee rajo soo celinta, hadana waxaa ay markii ugu horeysay Mareykanka Soomaaliya aqoonsadeen 2013-kii oo ah xiliga dowladdii Xasan Sheekh.

Mareykanka qaabab kala duwan ayey Soomaaliya u taageeraan, qaar waxaa ay soo mariyaan hey’adaha UN-ka, qaar waxaa ay soo mariyaan hey’adahooda, taakuleyn banii’aadamnimo, kuwa hor u marineed, waxaa ay qabaa USAID, AMISOM lacag ayey siiyaan, waxaa kaloo jirta lacag ay toos u siiyaan dowladda ama xitaa tababaro iyo arrimo kale oo ay naga caawiyaan.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you