Monday, July 14, 2025

Soomaaliya oo ku guulaysatay Siyaasadeeda dhexdhexaadnimada ee xiisada Khaliijka [Qormo]

-

Sida aan xogta ku hayno dawladaha Sacudiga iyo imaaraadka waa xulufo hadana kala socday mudadii ugu dan beysay, waxayna isku khilaafeen xiisada ka jirta dalka Yaman, kadib markii uu imaaraatka si cad u taageeray kooxo gooni u goosad ah oo doonaya inay kala gooyaan dalka Yaman ku waas oo xarun toodu tahay magaalada Cadan.

Wuxuu sidoo kale imaaraatku ka sameeyay Cadan ciidamo toos u hoos yimaada oo qal qal geliyay dawlada uu sida wayn utaageero Sacuudiga ee uu hogaamiyo Madaxweyne HAADI. hadaba waxay keentay arintaas in Sacuudigu uu aamini waayo hab dhaqanka wiilasha reer ZAID ee xukunka dalka Imaaraatka ku tagri fala.

Khilaafka Sacuudiga iyo Imaaraatka wuxuu soo gaaray Soomaaliya, dhawaan ayay ahayd in Sacuudiga uu casuumaad gaar ah u fidiyay Madaxweyne FARMAAJO iyagoo waliba ku ixtiraamaya dhex dhexaadnimada dawlada Soomaaliya ee xiisada khaliijka, xili Imaaraatka ay dalkeeda ku shirinaysay siyaasiyiin Soomaali ah iyadoo siisay lacago yar si ay culays siyaasadeed u saaraan dawlada Soomaaliya si ay ubadasho mawqifkeeda dhex dhexaadnimada ah.

Imaaraatka waxaa ka muuqda in ay ka caroodeen hab dhaqanka iyo sida Sacuudiga u ixtiraamayo dawlada Soomaaliya, kadib markii la siiyay Xukuumadda Soomaaliya taageero dhaqaale iyo heshiisyo lagu hergelinayo mashaariic uu Sacuudiga ka hirgelinayo dalka. RW Xasan Cali Kheyre ayaa umaha celiyay Sacuudiga, taageerada ay shacabka Soomaaliyeed siiyeen ee ahayd dhaqaale gaaraya 50 milayan doolar.

Siyaasada dalka ay ku hogaaminayaan Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre ayaa umuuqata mid horumar Leh oo soo cilinaysa sharafta iyo karaamada dawladnimo. Waxay sidoo kale muujisay Soomaaliya inay wali tahay dal go’aamadiisa umadaxbanaan.

Markii ay maqleen siyaasiyiintii Imaaraatka ku shirsanaa in dhaqaale ay heshay dawlada Soomaaliya waliba iyadoo dhex dhexaad ka ah arinta Khaliijka waxay garawsadeen in ay ukala dhuuntaan dawlada Soomaaliya si hogaamiye kasta maamul goboleed uu isu bad baadiyo, iyagoo Xukuumadda usoo dirsaday wafdiyo si ay uga laabtaan go’aankii imaaraatka ay ku taageereen.

Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweyne kuxigeenka Puntand CAMEY iyadoo Xildhibaano Federaalka ah oo kasoo jeeda KGS oo ergo u ah Shariif Xasan ay kulamo la leeyihiin RW Khayre iyagoo wada aragtida Shariif Xasan in ay is badashay oo uu wax walba uga danbeynaayo dawlada Soo maaliya. Hadaba khilaafkii khaliijka ee dawladeena saamaynta ku yeeshay ayaa u muuqda inay ku adkaadeen Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre balse Imaaraatka oo uu dalaal u ahaa Cumar C/rashiid ayaan la ogeyn talaabada xigta ay qaadi doonaan.

Waxaan uga digayaa madaxda Qaranka inay ka feejignaadaan jalaafooyinka ay mar walba maleegayaan cadawga umadda Soomaaliyeed. anaga hadaanu nahay Shacabka Soomaaliyeed waan garab taagan nahay Xukuumadeena Nabad Iyo Nolol.

W/Q: Xasan Aw-Yusuf Maxamed

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you