Thursday, July 17, 2025

Sooyaalka tallaabooyinkii u dambeeyay ee Kenya ay cadaadiska ku saareyso Dowladda Somalia [Akhriso]

-

16/02/2019
1- Dowlada Kenya ayaa dib ugu yeertay Safiirkeedii dalka Soomaaliya iyadoo sidoo kale ku amartay safiirka dowlada Soomaaliya uga wakiilka ah dalka Kenya inuu ka baxo dalka Kenya sababo ay ku sheegtay in ay qoonsatay shirki London.

18/02/2019
2- Ganacsatada Qaadka ee Kenya ayaa ku hanjabay inay joojinayaan Qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya, haddii uu sii xumaado xiriirka labada dal.

06/03/2019
3- Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqday Kenya si xal loogu helo xiriirka Diplomacy yada ee Kenya xumeysay.

19/03/2019
4- Ciidamada Kenya oo isga baxay deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo si culees amni usaarto dowladda Soomaaliya, Busaar ayaa noqoneysa Saldhiggii u danbeeyay ee Ciidanka Kenya ay baneeyaan, iyagoo hore u baneeyay Saldhigyadoodii Faxfaxdhuun, Ceel Cade iyo Baardheere.

27/03/2019
5- Ciidamada Kenya ayaa burburiyay xaruntii Shirkadda Hormuud Telecom ee Tuulada Jaldeys oo ka tirsan Degmada Afmadow taa oo ay sidoo kale uga gol leedahay muujinta caradeeda.
Ciidanka Kenya ayaa horay u burburiyey xarumo ay leedahay shirkadda hormuud oo kala ah: CaliBuley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley & Dhamase oo kawada tirsan Gobollada Jubbada Hoose & Gedo.

03/04/2019
6- Wasiirada arimaha dibadda kenya Iyo Soomaaliya oo ku kulmay nairobi ayaa ku heshiiyay sidii dib loogu soo celin lahaa Safiiradii labada dal, ugana laaban lahaayeen goobtooda shaqo.

20/04/2019——-30/04/2019
7- Taariikho kala duwan oo kubeegan 10 ka beri ee aan kor kusoo xusay dhexdooda ayey safiirada ku kala laabteen safaaradahoodi.

10/05/2019
8- Dowlada kenya ayaa amartay in 10-ka May laga bilaabo ay diyaaradaha ka baxa Muqdisho mari doonaan Garoonka Diyaaradaha Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

14/05/2019
09- Wargayska Business Daily ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray in dowladda Kenya ay lacag $3M ah ku bixisay kiiska badda halka sanadkaan ay qorsheyneeso in ay kordhiso.

18/05/2019
10- Aqoonyahanno Kenyan ah ayaa bilaabay kicinta shacabka kenya iyagoo sheegaya in kenya isku keeni karin in ay Soomaaliya dagaal lagasho maalka Iyo Qaxootiga Soomaaliyeed ay kenya ku dhaqanna lanabad galiyo taa oo umuuqata in lagu baneysanaayo maalka iyo nolosha soomaalida dagan kenya.

18/05/2019
11- Wafdi ka socda dalka Kenya ayaa tagay Hargeysa, iyagoo ka qayb-galay xuskii 18-May taa oo muujineysa nooc aqoonsi ah oo ay kenya siineyso Somaliland.

19/05/2019
12- Wafdi iyana kasocda Somaliland oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa iyana gaaray Kenya waxayna la kulmeen guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale.

20/05/2019
13- Dowlada Kenya ayaa bilowday in ay udiido dal ku galka ama Visaha On Arrival ee Garoonka looga dhufanaayay Baasaboorada ay qaataan xildhibaanada iyo wasiirada dowlada federalka iyo Maamul Goboleedyada.

20/05/2019
14-Wasiir Kuxigeenka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya iyo labo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka sare ayey kenya ku xayirtay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi.

21/05/2019
15- Ciidamada Kenya ayaa gudaha ugalay illaa shan xawaaladood oo ay kamid yihiin Dahabshiil, Amal, TAAJ iyadoo tallaabadan lala xiriirinayo amar ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya laguna baarayo Bangiyo iyo shirkado kale oo Soomaaliyeed.

FG: Qorshayaasha Dhiman oo kenya wali ku dhaqaaqin

1- Rashiid Cabdi oo horey uga tirsanaa ururka xasaradaha dunida ayaa qoraal uu bartiisa twitterka soo dhigay wuxuu ku sheegay, in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu socdaal rasmi ah ku tagi doono dalka Kenya, halka la filayo in Madaxweynaha Kenya uu isna socdaal ku yimaaddo Hargeysa inta lagu gudo jiro sannadkan.

2- Dowlada Kenya ayaa qorsheynaysa iny albaabada isugu dhufato dhowaan xerada qaxootiga caalamka ugu weyn oo ay ku nool yihiin inku dhow rubuc milyan ruux.
Sida ay daabacday wakaalada wararka AFP oo aragtay dukumiintiyada ku saabsan xirista xeradan qaxootiga oo soddon sano jirsatay ayaa sheegaya in bisha August ee sanadkan ay dooneyso dowlada Kenya inay xirto Dhadhaab,

Qore: Abdirahman Adan Osman (Kampala)


C/rahman Kampala iyo Madaxweyne Farmaajo

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you