Sunday, July 27, 2025

TAAGEERADA GALMUDUG & XASARADAHA XAMAR MAXAA KA DHEXEEYA…?

-

35 Sano kadib waxaan fursad u helay in aan Caasimada cusub ee Galmudug ee Dhusamareb uga qeyb-galo soo dhaweynta MW Farmaajo iyo Xafladii dhameystirka heshiiskii maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunnah 16 – 18 bishaan.

Nasiib daro Dhusamareb dhismooyinkii iyo adeegyadii ay uga tagtey dawladii dhex 1991 waxba laguma darin, waxeyna ku burburtay dagaaladii sokeeye ee dalka iyada oo ka muuqaal iyo adeegyo duwan Caasimadaha dawlad gobaledyada kale ayaa si hagar iyo kala har la’aan ah loogu soo dhaweeyey Madaxweynaha Qaranka, Madaxweyneyaasha Gobalada iyo Safiirada Beesha Caalamka.

Qiimeynta mudadii aan joogay ii muuqatay;

1. In reer Galmudug taageera buuxda u hayaan dawlada fedaraalka iyo Madaxdeeda kadib markii ay si aan kala har laheen ugu soo dhaweeyeen Gaalkacyo, Gelin-soor, Cadaado, Godinlabe, Dhusamareb, Guri Ceel, Balanbal, Xeraale, Cabudwaaq iyo Hobyo, waana safarkii ugu dheeraa ee Madaxweyne kusoo maro gobaladaas tan iyo 1991.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo maamulka cusub ee Galmudug ayaa balanqaaday in bilo yar gudahood lagu soo celin-doono gacanta maamulka degmooyinka bariga Galmudug oo ay weli haystaan Al-shabaab sida; Ceel-buur, Ceel-dheer, Xarar-dheere iyo Gal-hareeri, waxaana been noqotay taariikhda Galmudug ee lala xiriiriyo mucaaradka dawlada laga soo bilaabo koofiya-dhuub ilaa maanta, markii ay muujiyeen Jaceylka iyo himilada ay u qabaan dawladnimada iyo taariikhdii ay ka qaateen halgankii Xorriyada iyo dawlad-dhiska Somaliya.

2. Reer Galmudug waxaa ka muuqatay; Somali jaceyl, midnimo jaceyl iyo dawlad jaceyl kadib markii ay meel iska dhigeen Calamadii kale, kuna soo dhaweeyeen Madaxweynaha Calanka Somaliya kaliya, markii laga reebo hal calan oo gaaban oo la suray madaxtooyada Galmudug kadib maalintii Xaflada midawga labada maamul la ansixiyey.

3. Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada reer Galmudug oo ka door-biday deegaankii ay kasoo jeedeen Caasimada Muqdisho oo ay maal gashadeen madaxna ka noqdeen, halka ay Galmudug u dib dhacday Hoggaan la’aan iyo Hanti la’aan, waxaana isku raacnay ganacsato reer Galmudug ah oo Xama ku leh ilaa 10 daarood, halka Dhusamareebna aysan ku laheen Villa kaliya.

4. Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo loosoo dhaweeyey heer ka sareeya sida loosoo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxda gobalada kale taa oo ku tuseysa saameynta iyo kaalinta ay Muqdisho ku leedahay Galmudug Positive ama Negative.

5. Xildhibaanadii iyo Siyaasiyiintii reer Galmudug ee xoog u joogay Gobalka sanadkii hore ee xilligii doorashada ayaa laga waayey xilligaan Gobalka in yar mooyee! soo dhaweyntii Madaxweynaha iyo dhameystirkii midnimada. Xilli hawl looga baahnaa Gobalka, fasaxna ay ku jireen ayaa la waayey, dhaan ka dhuumad miyaa mise cid ayey ku xummeynayeen?.

Hadaba Galmudug iyo Caasimadeeda cusub waxey u baahan tahay in ay aaminaan Siyaasiyiinteeda iyo Gancsatadeedu in ay wanaag iyo horumar ku hogaami karaan, maalna gashan karaan iyo la kala reebo Siyaasada Xamar iyo Galmudug!.

W/Q: Maxamed Nuur Gacal

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you