Monday, August 4, 2025

Taageeray Tuk Tuk [W/Q: Yusuf Garad]

-

Tuk Tuk, Saddex-Lugooleey, Bajaaj, Bajaay iyo Rickshow midka aad doonto ugu yeer. Waa Taksi riqiis ah oo caasimado badan laga adeegsado. Mana ahan wax ceeb ama khatar wada.

Muqdisho waxaa laga adeegsan jiray kala-roorkii ka hor. Waxaa iigu dambeysay waddada isku xirta Ansalooti iyo Ceel Gaab oo aniga oo yar oo hooyadeey gacanta i hayso aan raaci jirnay. Waxaan u maleynayaa ilaa siddetamaadkii in ay soo gaartay oo ay ka shaqeyneysay.

Dib waxaa Muqdisho ugu soo celiyay Duqii hore ee Magaalada, Maxamuud Axmed Tazan. Maalintii uu Guriga hooyooyinka ku soo bandhigay shanti Tuk Tuk ee u horreeyay waxaa raacay Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Madax la socotay, sida uu Tarzan ii sheegay.

Bajaaj ama Tuk Tuk waxay hadda sahashay isu socodka magaalada Muqdisho siiba dadka danyarta ah. Waxayna magaalada ku soo celisay dareen caadinnimo oo ah in aad arkeyso in magaaladu ay kala socoto.

Waxaa kale oo ay Bajaaj shaqo u abuurtay kuwa soo dejiya, kuwa iibsada, darawaliinta ugu shaqeya, wiilasha dhaqa, garaashyada lagu dayactiro, kuwa canshuurta ka qaada iyo qaar kale oo badan.

Waa gadiid u saaxiib ah degaanka oo aan gubin shidaal culus iyo mid badan toona oo markaa aan uumi sun ah hawada ku sii deyn. Taas oo u dan ah tayada hawada aan ku neefsanno.
Xataa waxaa jira dad macaammil la leh oo lacag ugu tuura mobile-ka si ay ugu soo adeegaan oo gurigooda ayaga oo aan ka bixin ay Bajaaj ugu keento adeeggooda.

Sawirku waa New Delhi caasimadda dalka India oo ka mid ah dalalka dunida ugu dhaqaalaha badan. Waa maalin ay wadayaasha Tuk Tuk ay shaqa-ka-fariisi sameeyeen.

Isma diidayaan horumarka iyo TukTuk. Ismana diidayaan bajaaj iyo bilicda caasimaddu.

Muwaaddinka ay taagtiisu tahay Tuk Tuk weliba kiro ah iyo midka kolonyo baabuur dhagax ah oo aan xabbaddu karin lagu gelbinayo, kan baaskiilka fuushan iyo midka lugeynaya intuba waa isku xuquuq waddadana wey u siman yihiin.

Dhammaanteen aan is-xaqdhowrnaa.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you