Thursday, July 3, 2025

Talo furan oo ku socota Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh (Qormo)

-

Hambalyo marka hore!

Marka labaad socdaalkaagii guusha waxaa la soo maray godad, dhagxo, qarshooyin iyo bohola badan!
Dalkana waa wada leenahay, wanaagiisana waa wada rabnaa, adiga ayaana [wade] noo ah, annaguna talo, tusaale iyo taageero ayaan kula garab taaganay. Sidaas darteed aan soo gudbiyo dhawr qodob oo ila haboon!

  1. Si dhaawacyadii doorashooyinka loo dhayo, waxaa ila wanaagsan:
    A. in xildhibaanadii laga soo doortay Garbahaarey oo la diiday aad la kulanto ee aad wax meel isla dhigtaan adiga oo la kaashanaya Madaxweyne Farmaajo.
  2. B. In aad la fariisato Fahad Yaasiin oo asagana xildhibaanimadiisii la diiday aad tala ka yeelataan.
  3. Midawgii Murashaxiinta waad la kulantay. Waana ku mahadsantahay. Waxaa ila wanaagsan in ay helaan tixgelin iyo la tashi ku filan, si ay garab kuugu ahaadaan.
  4. Maamul Goboleedyadii waa la kulantay waana ku mahadsantahay. Hadii ay jiraan dad kaa DUDSAN, waxaa ila haboon in aad dejiso, gaar ahaan KG & GM.
  5. Hoggaanka Ciidamada in aad dhaqsi ula kulanto oo aad ayagana dhiiri gelin u samayso, kuna si adkeyso in ay yihiin ciidan qaran ee aysan ahayn ciidan kooxeed ama ciidan qofeed. Waayo cabsi badan ayaa la geliyay.
  6. Qof aan Garsoorku soo eedayn in aan mala awaal, tuhun aan jirin iyo qof nacayb aan lagu beegsan.
    Arimaha Dibadda:
  7. PM-ka aad magacaabayso waxaa ila haboon in uu ahaado qof siyaasadda dalka, tan Geeska Africa iyo tan Adduunkaba la socda oo aan INDHA BAQAAQ ahayn. Waaya aragnima ku filana leh, oo aan ku dhex wareerayn siyaasadaha is diidan ee gudaha iyo dibadda intaba. Waana in uu ahaadaa qof aad wada shaqay kartaan oo aan laf dhuun gashay kugu naqan.

Soomaalidu waa African, waana Carab. Muuqaalka iyo degaanka waa ka African, dhaqankana Carab ayaa saamaynta ugu badan ku leh. Xariir ganacsina Carabta waa naga dhexeeyaa oo soo jireen ah.

Sidaas darteed, waa in aan xariir fiican la leenahay. Geeska Africa, gaar ahaan seddaxda dal ee Soomaalidu dadka iyo degaanka ay ku leedahay, waa: Djibouti, Ethiopia iyo Kenya. Wadamadaas waa in aan xariir sare oo wanaagsan aan la yeelanaa. Waana in aan nacaybkooda iska jirnaa, waayo, Soomaalida ayuu saamayn xun ku yeelan doonaa. Amnigeena, dhaqaaleheena, siyaasadeenana iyo sumcadeena ayuu dhaawici doonaa nacaybku.

Sidaas oo kale dalalka Gacanka Carabta iyo Masar waa in aan xariir kaa la mid ah, ama u dhow aan la yeelanaa. Gaar ahaan dalalka Sacuudiga, Qadar, UAE, Kuwait, Cumaan iyo Masar. Mana haboona in dawladi ay nagu cadaadiso ama noo meeriso in aan dawlad kale xariirka u jarno wax kasta oo dhaca. Waa in aan danaheena ilaashanaa. Waana in aan xariiradeena ku dhisnaa danaha dalkeena oo kaliya. Sida ay u kala mudanyihiin waa in xayldheersyaadha arimaha dibadda lagala tashadaa.

Mudane Madaxweyne, sida la fili karo waxaa xafiiskaaga goor dhow ku soo daadan doonaa codsiya booqashooyin ah oo aad u fara badan. La kaasho xeeldheerayaal cida lagu bilaabayo iyo sida loo kala hor marinayo.

Ugu dambayn, waxa aan labeenta Soomaaliyeed iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed u soo jeedinayaa in maamulka cusub la taageero, lalana shaqeeyo. Wixii tabasha jirana wada haboon loo maro.

Maamulkana waxa aan ka codsan laha in dadka la soo dhoweeyo, wax fiicana la maqashiiyo, oo laab furan, maskax furan iyo gacma furan lagu soo dhoweeyo.


Ololihi waa soo idlaaday. Kala abaabulkuna ha soo idlaado.
Balanteenu waa in aan danta guud u midawno!

W/Q: Xasan Xundubey Jimcaale.
18.05.2022

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

Madaxweyne ku xigeenkii Jubaland oo ku geeriyooday Nairobi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qoraal kasoo saaray

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya maantya ku geeriyooday Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere).AUN C/qaadir...

Dowladda QATAR oo u yeertay Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro iyo ujeedka socdaalkiisa

Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta gaaray dalka Qatar, halkaas oo la sheegay inay uga bilaabatay booqasho rasmi ah, kadib martiqaad ay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you