Tirinta Codadka Doorashadii Turkiga oo socota iyo Natiijooyinkii ugu horeeyay ee soo baxay [Kala soco halkan]

0

Waxaa iska soo daba dhacaya natiijada doorashadii Baarlamaanka iyo madaxweynaha dalka Turkiga oo maanta ka dhacday dalkaasi, iyadoo loolanka ugu weyni ka dhaxeeyo madaxweynaha talada haya iyo musharaxa mucaaradka.

Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada Turkiga ayaa muujinaya  in Recep Tayyip Erdogan uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada dalka Turkiga, iyadoo 95% markii la tiriyey codadkii la dhiibtay uu Recep Tayyip Erdogan helay codad ku dhow 53%.

Dabaaldeg ayaa ka socda magaalooyinka Turkiga iyadoo taageerayaasha Xisbiga AK ay isugu soo baxeen fagaarayaasha magaalooyinka dalkaasi, waxaana hamblayo u diray Recep Tayyip Erdogan madaxda caalamka qaarkood.


Waxaa gabagabo ku dhow tirinta codadka doorashada dalka Turkiga oo la tiriyey 85% codadkii la dhiibtay, waxaa hoggaaminaya Erdogan oo qarka us aaran guul taariikhi ah, natiijadii ugu danbeysay tahay sida soo socota:

Recep Tayyip Erdogan: 53.88%

Muharrem Ince: 30.11%

Meral Aksener: 7.5%

Selahattin Demirtas: 7.3%

Temel Karamollaoglu: 0.9%

Dogu Perincek: 0.2%

Madaxda caalamka qaarkood ayaa bilaabay inay madaxweynaha Turkiga ugu hambalyeeyaan doorashada dib loo doortay, waxaana la sugayaa natiijada rasmiga ah oo guddiga doorashada uu shaacin doono.


Waxaa hadda la tiriyay 72% codadkii la dhiibtay, waxaa hoggaaminaya Erdogan oo qarka us aaran inuu ku guuleysto, waxayna natiijadii ugu danbeysay tahay sida soo socota:

Recep Tayyip Erdogan: 55.05%

Muharrem Ince: 29.42 %

Meral Aksener: 7.4%

Selahattin Demirtas: 6.8%

Temel Karamollaoglu: 0.9%

Dogu Perincek: 0.2%


Tirinta codadka ayaa weli socota waxayna natiijada ilaa hadda la tiriyey 60% loo kala helay sida soo socota:

Recep Tayyip Erdogan: 56.2%

Muharrem Ince: 28.8%

Meral Aksener: 7.4%

Selahattin Demirtas: 6.5%

Temel Karamollaoglu: 0.9%

Dogu Perincek: 0.2%


Wararkii ugu danbeeyay tirinta codadkii doorashada Turkiga.

Waxaa la tiriyey Codad dhan 42% natiijadii waxay noqotay:

Racep Dayib Erdogan  = 56.98%

Muharrem Ince  =   28.31%

Meral Aksener: 7.4%

Selahattin Demirtas: 6.1%

Temel Karamollaoglu: 0.9%

Dogu Perincek: 0.2%


Wararkii ugu danbeeyay markii la tiriyey Codadka 27% natiijadii waxay noqotay

Racep Dayib Erdogan  = 58%

Muharrem Ince  =   27%

 


Waxaa soo gabagaboobay doorashadii Madaxtinimada iyo Baarlamaanka Turkiga, waxaan hadda socda tirinta codadka la dhiibatay, iyadoo doorashan la filayo inay noqoto mid si weyn loogu loolamo.

Natiijadii ugu horeysay ayaa muujineysa inuu ku horeeyo Madaxweynaha xilka haya ee Racep Dayib Erdogan, inkastoo codadka la tiriyey ilaa iminka ay yihiin kuwo aad u yar oo gaaraya 6% codadkii la dhiibtay:

Waxaa xilka Madaxweynaha Turkiga ku tartamaya lix musharax, halka afar musharax ay heystaan codad kala duwan madaxweyne Erdogan ayaa durba heysta 60%, iyadoo musharaxa mucaaradka ee loolanka kula jira Muharen Ince uu heysto 25%:

NATIIJADA KALA SOCO HALKAN