Tuesday, August 26, 2025

Toban Qodob oo aan Ku aqaano Gudoomiye Eng. Yariisow [Qormadii Al-cadaalla]

-

Sagaal Sano oo aan wada shaqaynaynay waxaan Ku bartay dhawr Dabci oo aan aaminsanahay in ay horseeday kaalintiisa aan marna qarsoomin.

1-Dulqaad,

Mudadaas aan kor Ku xusay oo labo jeer uu Wasiir ii noqday Gudoomiye Eng Yariisoow, inta kalana uu lataliye Dawladda, Afhayeenka Xukuumadda iyo Madaxwaynaha, Agaasimaha Barkulan iyo Xilliyo uusan shaqo haynba isugu jirtay, waxaan Ku bartay Dulqaad aanay lahayn Siyaasiyiin badan, tusaale waligeey ma arkin isaga oo mucaaradaya Dawladda markaas jirta sida Siyaasiyiinta qaar marka ay xilka waayaan u weeraraan hadba Dawladda ay Ka maqanyihiin.

2-Ma ahan Qof isla weyn.

Gudoomiye Yariisoow Mansabkasta oo uu gaaray, xil ha hayo ama yaanu hayne Sagaalka Sano ee aan aqaanay Maalin iyo Saacad midna kama arag islawaynin iyo in uu badalo habdhaqankiisa Bulshada iyo Asaxaabta midna mana jecla Qof ahaan in loo arko Qof Dadka kale Ka duwan, mararka qaarna dad ayaa Ku dhaliila sida uu ugu dhexjiro Bahdiisa.

3- Xushmad iyo Qadarin.

Waa Shaqsi aad uxushmad badan oo ay adagtahay in aad wajigiisa Ka garato habayaraatee wax Caro ah ama in aanu kugu faraxsanayn, sidaas oo kale wuxuu jecelyahay in uu qadarin umuujiyo cidkasta xitaa haddii uusan aqoonin ama isku aragti ahayn, mararbadan ayaan arkay isaga oo Guryahooda,Xafiisyada ama meelaha lagu kulmo Ku booqanaya Shaqsiyaad aan Mansab iyo Magac gaar ah lahayn halka Siyaasiyiinta badanaa ay adagtahay in aad Xafiiska xitaa aad Kula kulanto haddii aadan lahayn Darajo laguugu xisho.

4-Afgaabni iyo dhawrsanaan.

Gudoomiye Yariisoow waxaan Ku aqaanaa in uu yahay Shaqsi aad isku dhawra kana fogaada in hadal aan haboonayn uusan afkiisa Ka bixin, mana lakulmin waligeey Qof Ka cabanaya Gaf afeed uga yimid Eng Yariisoow, sidaas oo kale wuxuu aad unecebyahay in looga sheekeeyo Xumaha Dadka kale, haddii ay dhacdo in Goob uu joogo looga hadlana ugu yaraan wuu Ka gaabsadaa ama wuu Ka tagaa sida aan mararbadan Ku arkay.

5- Neceb Qabyaaladda.

Gudoomiye Yariisoow oo aan mararbadan shaqo wadaag noqonay, waxaan Ku arkay Astaamo cajiib ah, tusaale Maalin ayaa Qof Dan kalahaa isku dayay in uu Ku beer dulucsado in Qabiil dartiis loo dhibay reerkiisuna Dulmanyihiin, balse si lama filaan ah ayuu ugu jawaabay”Kartidaada wax Ku raadso Qabiil waxba kuuma tarayo” xusuustaydana waa Maalinta kali ah ee aan arkay Eng Yariisoow oo Caro Ka muuqato Qof hadlayana Ka dhexgalay hadalka, barasho cusub ayay ii ahayd, waxaan kaloo soo joogay mararbadan isagoo Ka dhaqaaqaya goobo lakeenay Sheeko Qabiil.

6-La-tashi.

Shaqsi ahaan Gudoomiye Yariisoow wuxuu aad ujecelyahay in talaabo kasta lagu qaato talo, xitaa shaqooyinka uu xaqa uleeyahay inta badan kaligiis maqaato, in uu talo kaa dhagaystana kuma xirna Xilka aad hayso, Aqoontaada iyo Macariifada idinka dhaxaysa, balse kaliya waa in aad afkaaga kala furto.

7-Go’aan-qaadasho.

inta aan Ka bartay Eng Yariisoow, waxaa jira marar uu qaato Go’aamo adag inkasta oo ay yartahay, tusaale arrimaha laxiriira Anshax xumada, Gafka iyo wixii la mid ah Uma laha Dulqaad badan waana adagtahay in uu aqbalo Qofka uu Ku barto dhaqamada nuucaas ah.

8- Rumaysnaanta Nidaamka.

Eng Cabdiraxmaan, waa Shaqsi aad ugu carbisan Nidaamka iyo Kala danbaynta, jecelna in uu Qofkasta Ku xushmeeyo tiisa, sidoo kalana aad uga danbeeya Madaxda Ka saraysa, xitaa haddii ay uga timaado wax aan Ku haboonayn.

9-Sabar.

Eng Yariisoow, waxyaabaha aan Ku xusuusto markasta waxaa Ka mid ah Sabarka Ilaah ugu deeqay, wuxuu awood uleeyahay in aan laga dareemin culayskasta oo saaran sidoo kalana Ku Sabro isbadbadalka Waqtiga, Tusaale Todobo Sano oo Ka mid ah Sagaalka Sano ee aan saaxiibka ahayn ma uusan haynin Mansab uqalma mana noqon marna mid la duulduula Duruufaha balse wuu sugaa Maalinteeda, Dadka kale xitaa wuu Ku waaniyaa in ay Sabraan oo Qori isku dhiibka Dawladnimada daganaasho Ku sugtaan.

10-Karti Shaqo.

Gudoomiye Yariisoow, waxyaabaha uu hibada u leeyahay waxaa Ka mid ah in uu shaqaynkaro Saacado badan kuna shaqaynkaro xaalado adag, Subaxdii Sideeda ilaa Habeenkii Labada wuu shaqeeyaa inta badan, si gaar ah wuxuu Xirfad badan ugu leeyahay Qoraalka, Qorshaynta, Hal-abuurka iyo xalinta Caqabadaha.

Gabangabadii, Eng Yariisoow,, Shaqsi ahaan meelo badan ayuu Ku dayasho iiga yahay, waa saaxiib aan jeclahay ina baray Wanaag badan Maalmo badanna isoo gacanqabtay, Soomaalinimo iyo Saaxiibnimo darteed.

Ugu danbayn, waxaan aaminsanahay in uu sidii uu horay uga soo dhalaalay Masuuliyaadkiisii uu uga soo dhalaalidoono Masuuliyadda cusub ee lasaaray.

Allaah hakugu asturo Xilkaaga Hana kuu sahlo, Abdirahman Omar Osman

guulaysta.

W/Q: C/axmaan Yuusuf Al-cadaalla
Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you