Sunday, February 22, 2026

Toban Su’aalood hala weydiiyo Sanbaloolshe [Akhriso Qormo xasaasi ah]

-

Waa maalin kale oo culeeskeeda wadata, siyaasadda wajiyadda badan ee Somalia hadda waxa kusoo biirtay waaxda is eedeynta, Gudigii loo xil saaray kiiska Qalbi Dhagax waxey farta ku fiiqeen taliyihii shaqada laga eryay ee Nabadsugida C/laahi Maxamed Cali Sabaloolshe.

Sanbaloolshe ma joogin fadhigii Baarlamanka ee maanta laakiin hubanti fariintu waa gaartay, talaabadda xigta ee Baarlamanka lama sheegin laakiin waxaa laga yaabaa in loo baahdo in su’aalo la weydiiyo Mr Sanbaloolshe sidoo kale waxaa dhici karta inuu isagu hadlo Baarlamaanka ka hor .

Su’aalaha ay tahay inuu ka jawaabo Sanbaloolshe waxaa ka mid ah,

1-Yaa lahaa amarkii ugu dambeeyay ee lagu dhiibay Qalbi Dhagax ?

2-Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaruhu kiiskan wax ma ka ogaayeen ?

3-Waaxda garsoorka, wasiirka cadaaladda iyo laanta socdaalka doorkooda arintaan ka waran ?

4-Ma jirtaa in la jir dilay Qalbi Dhagax dhiibista ka hor ?

5- Ethopia ma Xamar ayey ka wadatay mise waa loo geeyay ?

6-Ma jirtaa dano siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ku xeeran arintaan inta aad ogtahay ?

7-Maxaad ka aaminsan tahay ONLF ?

8- Wali Adis Abbaba ma aaday tan iyo markii la qaatay Qalbi Dhagax ?

9- Hadii aad adigu go’aanka kaligaa gaartay ma’aaminsan tahay inaad qiyaano qaran gashay hadiise madaxda sare kugu amartay wax cadeyn ah ma heysataa oo aad isku difaacdo ?

10- Waxaad aheyd taliyihii NISA , inta aad arintaan ka ogtahay maxaa daliil looga dhigay in qof muwaadin ah dal kale loo dhiibo ?

Jawaabaha Sanbaloolshe waxaa ay noqon karaan labo midkood, mid uu isagu dambiga ku qaato ama inuu qarxiyo waxyaabo qarsoon oo arintu ay dad badan lugta la gasho taas oo xaaladda sii adkeyn karta.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you