Monday, July 14, 2025

Uhuru oo Saldhigga ugu weyn Ciidamada Cirka Kenya ka furay Magaalada Gaarisa ee Gobolka W/Bari [Sawirro]

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa magaalada Gaarisa ee Gobolka W/Bari ee Kenya ka furay saldhig cusub oo ay yeelanayaan ciidamada Cirka ee dalkaas, iyadoo saldhig u noqon doonta guutada 6-aad ee ciidamada Kenya.

Saldhiggan ayaa noqon doona midka ugu weyn ee ciidamada cirka dalka Kenya ay leeyihiin, lagana ilaalin doono ammaanka guud ee dalka Kenya, iyadoo si casri ah loo dhisay, isla markaana qeyb ah qorshaha lagu casriyeynayo ciidamada Kenya oo la sheegay inay la tacaalayaan caddowga Gobolka ee Alshabaab.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay tahay dal nabadeed, balse aysan gacmaha ka laaban doonin kuwa dhibaatadda la damacsan.

WARARKII UGU DANBEEYAY

TOOSHKA GOOBJOOGEXOGAHA
LAGUU SOO XULAY