Sunday, July 6, 2025

Ujeedada fog iyo Danta ay Ethiopia ka leedahay inay Safiiro Somali ah usoo dirto Somaliya (Qormo Culus)

-

Sida uu qabo Dastuurkii Somalida ee 1962 Qodobada la xiriiro Jinsiyadda Somalida iyo Sharci Number 28 soona baxay 22 Dec. 1962dii Qodobka1aad & 2aad. si kooban, waxa uu qabaa in Muwaadin kasta oo Somaliya oo degan Qeyb ka mid ah 5tii Somali ee gumeysigu noo qeybiyay.

Jamhuuriyada Somalidu waxey u aqoonsan tahay Muwaadin Somaliyeed. Xattaa Sharciga Canada ee Waaxda Socdaalka iyaga oo tixgalinayo Dastuurkii 1962, waxa uu qorayaa in Somliga u dhashay Somali ee ka yimid Dalka Ethiopia iyo kan Somaliya ka yimid, Kuligood loo aqoonsado in ey yihiin Somali Asal ah.

Ethiopia 20kii Sanno ee u dambeeysay waxa ey Safiir u soo magacaabeysay Muwaadiniin Somali ah si ey Danjirayaal uga noqdaan Somaliya. Danta laga leeyahay waa in la muujiyo in Somalida Dowlad Deeganka Somalia ee Gacanta Ethiopia weli ku jiro ey yihiin Dad Ethiopian ah, kuna matali karo Somaliya gudaheed, Hore arrintaan looma ogoleeyn, waxaa ey Dowladu xaq u leedahay in ey tiraa: Maya soo bedela.

Qof Somalinimo aan u aqoonsanahay isla Dalkiisii Somaliya Safiir ugama noqon karo Dal kale. (wadamada qaar Safiir Sharafeed ayeey ku heshiin karaan in uu ku matalo isla wadankii u dhashay, Laakin tan Dastuurkeena ayaa Diidayo) Danta Ethiopia waa in Mustaqbalka Fog ey ku doodi karaan, Adinkaabaa Somalida ku nool Ethiopia u aqoonsaday in eynan Somali eheyn, uuna Ethiopian yahay. waxaad na jabiseen Dastiurkiinii 1962 ee sheegashada deegaankaa, Markaad ogolaateen in Somaligani uu Ethiopia metelo, uuna yahay Ethiopian.

Ma Diidani in Ethiopia ey Qof Somali ah Safiir ka dhigato, Laakin iney Somaliya u soo dirto (Timir lafbaa ku jirto ). Ka fikir:

1. Ujeedada wakhtiga fog iyo Danta ey Ethiopia ka leedahay Safiiradaan.
2. in aad jabisay Qodob Dastuuri ah Adiga oo aan weli Bedelin Dastuurkii 1962dii.welina Dastuurkaasi waa marjac, wixii laga waayo Sharciyada noo degan in isaga dib loogu noqdo, welina lama bedelin Qodobkaa.
3. Waxaad Shaki galisay Mustaqbalka Somalida ku nool Ethiopia, Haddii ey rabaan in ey Somaliya ku biiraan ama ey iskood gooni ugu istaagaan, hadba sidii ey Dantooda u arkaan. waxaadna cadeeysay in ey yihiin Ethiopian Asal ah.

Yaan laguugu gaadin Qoraal Diblomaasiyadeed ee iska hubi, Warqadaha Aqoonsiga ee Safiirada aad ka gudoomeysid iyo Qofka aad ka gudoomeeysid oo Sharciguna kuu ogolyahay: Haa ama Maya in aad tiraa.

Qore: Prof. Yahya Amir

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

Dhalinyarro careysan oo bannaanbax Careysaan ka dhigay magaalada Muqdisho iyo Rasaas loo adeegsaday

Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada dhugdhugleyda ee loo yaqan Fekon-ta ee aya maanta bannaabax careysan ka dhigay caasimadda Muqdisho, iyagoo xirtay Isgoyska muhiimka ah ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Calan-saarkii iyo xuskii ugu weynaa u sameeyay 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay iyo maanta si aan hore loo arag u xusay munaasabadda xoriyadda gobollada Koonfureed iyo midowgii...

Ra’iisal wasaaraha Qatar oo qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo dowladda Qatar oo xaqiijisay Qaranimada Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa xafiiskiisa magaalada Doha ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). War...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka cusub ee ‘New Mogadishu International Airport’

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas'uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you