Wadadii Burburkaa Muuqta Dowladnimadda Soomalia ee dhibka badan laga soo maray waxaa muuqa in la fahmi waayay faa’iida ay ummadda Soomaaliyeed u leedahay.
Dowladnimadu waxaa weeye in ummadda ugaa shaqeeyo wax walba wanaag u ah Ummadda Soomaaliyeed. Wasaaradaha iyo hay’adda waxaa howshoodu tahay in ay fuli- yaan adeegyadda daruuriga ah ee bulshadda.Howsha dowladdu waa kala qebsan tahay cid walba waxay leedahay door lagu og yahay oo qeexan.
Doorku haddii uu isku dhex yaaco waxa halkaa imaanaya dhibaato ah in muhii- maddii dowladnimo ay meesha ka baxo, dalkana ay ku soo noqoto dhibaataddii marka horeba keentay in la dhiso dowlad wada ogol ah oo ilaalisa heshiisyaddii lagu dhisay oo horseeday in la sameeyo dastuurka qabtadda oo ah aabaha iyo hooyadda nidaamka federaaliga ah ee Soomaalia ay dooratay ama ha loo dooree!Xaalku sida uu yahay cid moog ma jirto oo wax badan baa laga yiri ama laga qoray.
Khilaaf- kana ma muuqdo in looga bixi karo waddo aan aheyn in lagu soo noqdo qaanuunka iyo das- tuurka qabyadda ah haddii la rabo in aysan dowladnimaddu fashilmin. Ma muuqato, in muxaafadka iyo mucaaradka ay xalin karaan khilaafkooda, taas ayaa keentay in Beesha Caalamka oo muddo badan kharash ku bixinayay dowlad dhisida Soomaaliya ay arrinta si toos ah u soo galaan. Waayo, haddii Soomaalida kaligood la isu dayn la haa ma la is aaminyo, wadahadal warkii daa.
Maxaa dhici kara, haddii Beesha Caalamku ay dhinacyada xal ka weyso iyo isu tanaasul?Waxa ugu horeeya ee xusidda mudan waxaa waaye, marka laga dudbo in shacabka hore u dhibaateysnaa oo aan adeegyo wanaagsan ku haysan dowladnimadda Soomaaliya, haddana dhibka ugu weyn waxuu soo gaarayo ciida- madda iyo shaqaalaha dowladda oo waayi doona mushaaharaadka ay qaataan oo ka yimaad labo il.
Intiisa badan waxaa bixiya Beesha Caalamka oo kaba, intiisa yarna waxaa waaye lacagaha cashuuraha ah ee dowladda soo gala ee hadda curdunka ah.Mushaarka waxaa ay beesha caalamku u kabtaa in dowladnimadda Soomaalia ay hana qaado oo ay gaarto heer ay iswadi karto. Waxaa hadda muuqda in shaki weyn laga qabo in arrintaa sidii loo rabay oo looga heshiiyay aysan u socon, meelaha qaarna ay dib-u-dhac weyn uu yimid. Xaalka markuu sidaas yahay, waxaa la rabaa in la fahmo waxa ka dhalan kara in mushaaraad la bixin waayo.
Mucaaradka iyo muxaafadku qorsho cad kama laha xaaladaas loo jeedo in ay soo socoto, haddii ay ka leeyihiin, waxa hubaal ah inay ka heshiin lahayeen khilaafkan macnadaradda ah ee lagu duminayo dowladnimadda ee socda.Ciidamadda iyo shaqaalaha haddii ay waayaan mushaar waxay u badan tahay in howshii loo igmaday ee danta guud aheyd in ay dayacanto, qof walbana uu iska daneysto ileen mas’- uuliyado gaar ah ayaa qof walba la xiriira. Waxaa sidoo kale dayacaad aan laga sii fakarin ay ku imaaneysaa agabkii dowladdu laheyd ee lagu shaqeenayay. Ciidamadda waxaa laga yaabaa hubka iyo ra’saasta dayac in uu ku yi- maado oo amaanka awalba liitay uu sii wiiqo ama khalkhalkii sidii hore ah soonoqoto.
Shaqaalaha kale ee dowladdana waxaa dhici karta in uu nin walba meel ciirsado si uu u shaqeysto oo uu u maareeyo baahidiisa gaarka ah, haddii uu xirfad lee yahay.Dowladnimadda waxay astureysaa baahiyo badan oo gaar gaar ah, iyo mid guud. Haddii la wada ilaashan waayana, cawaaqubka wuu cad yahay oo cid walbaa aragta, haddii aan la is-moog-moogeysiineyn.
Waqtigu waa xaasid oo cidna ma sugo, haddii uu khilaafka hadda taagan aan la soo afjarin oo aan lagu xalin qaanuun iyo kala danbeyn, waxaa muuqata in xaalku uusan qurxooneyn… Dhabaha dheer ee dowladnimadda Soomaaliya la soo maryay 20kii sanno ee ugu danbeeyay ayaa waxaa cad in uu ku dhamaanay meel cid la’ ah, haddii aysan maskax fiyow la imaan dadka mas’uuliyadda iyo xilka u haya dalkan.
Darajo kasta oo uu qofku leedahay, waxaa uu wax ku yahay dowladnimadda Soomaaliya iyo heshiisyadii lagu dhisay ee uu dastuurku ugu horeeyo, haddii uu fashil yimaado waxay si toos ah iyo si dadban u saaneyneysaa cid walba ee taa si dhug leh ha loo ogaado.War iyo dhamaantii, wadadii burburkaa muuqta, ee halaga leexdo.
Xaalku sida uu yahay kuma sii socon karo. Taloxumadda waa in la xadeeyaa oo maanka lagu hayaa in dowlad-nimadu ay tahay mid u adeegta danta guud ee ummadda iyo mid gaar ee ciidamadda iyo shaqaalaha dowladda. Ogow, dhowr goor baad warbaahinta ka maqashay, yaan lagu ciyaarin ama la dumin dowladnimadda nugul ee hadda Soomaaliya si tartartiib ah uga hana qaadeysa. Haddii ayaan-daradaasi ay dhacdo oo hadda laga baaqsan karo, cid bay ugu danbeyn mas’uuliyadu raaci doontaa.

Qore: Mohamed Mohamud Cadde.
Weriye hore ee BBC iyo Aqoonyahan iyo lafegure arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.