Shir degdeg ah ayaa maanta ka dhacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlay xaaladda ammaanka iyo waxa iska bedlkay qorshaha dhismaha ciidamada dalka.
Shirkan oo lagu sheegay inuu ahaa kulanka isku-xirka dalalka Amni ahaan taageera dowladd Soomaaliya ayaa waxaa ka dhex muuqday safiirada Mareykanka, Ingiriisk, Imaaraadka.
Dhinaca Soomaaliya waxaa shirka ka dhex muuqday la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamed oo faahfaahin ka siiyay beesha caalamka xaaladda Baarlamaanka Soomaaliya iyo mooshinka ay ka keeneen Qorshaha Amni o.
Waxaa shirka guddoominayay Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating, waxaana loo qabtay welwel ku saabsan in Baarlamaanka Soomaaliya ka hor yimaado qorsha ay beesha caalamka wadato ee ammaanka Qaranka.