Friday, February 20, 2026

Warbixin: 8 Arrin oo ka khaldanaa kulankii “Maqal Dadkaaga” ee Xukuumadda iyo Warbaahinta

-

Waxaa magaalada Muqdisho xalay ka dhacay  kulan loogu magac daray  “Maqal Dadkaaga” kaas oo xukuumadda Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ku sheegtay isla xisaabtan u dhaxeeya golaha wasiirrada iyo warbaahinta, marka laga soo tago qabsoomidda kulanka halkaasi kama dhicin wax isla xisaabtan ah, waxaa ay xukuumadda heshay fursad ay ku suuq-geyso fikradaheeda, warbaahintana waxaa ay meesha ka soo tagtay iyaga oo faro-maran!!

Hadaba Halkan Ka Akhriso, 8 Qalad Oo Ka Dhacay Kulanka Maqal Dadkaaga Ee Xukuumadda Iyo Saxaafadda:

1. Dhambaalka Hanti-dhowrka :  Xukuumadda Xasan Khayre waxaa ay iska soo hormarisay hanti-dhowraha qaranka si ay shacabka ugu dirto fariin ah in ay tahay xukuumad nadiif ah, isagana ma niyad-jabin oo ammaan ayuu ugu dhaqaaqay xukuumadda iyo shaqadeeda, kamana hadlin wax badan oo laga sugayey oo ah heerka musuqa dalka oo dunida kaalinta 1aad ugu jira, shaqaaleysiinta xukuumadda, hantida ma guurtada ah ee dowladda cidda ka faa’ideysta…iyo arrimo kale!  Meel xukuumad lagula xisaabtamayo in uu hanti-dhowraha yimaado waxaa ay niyadda ka jebisay weriyeyaasha, in uu xukuumadda ammaano waxaa ay so af-jartay isla xisaabtanka!!!!

2. Xukuumadda wax Cusub Ma Sheegin: Xukuumadda Ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxaa ay barnaamijka u qabatay suuq-geynteeda, inta xalay ay sheegtay waa arrimihii ay horay uga hadashay barnaamijka 100ka maalmood ee xukuumadda, qoraalkii hore ayey muuqaal u badashay.

3. Su’aalo Cusub Ayaa Ka Dhashay:  Kulanka waxaa loo qabtay in umadda looga jawaabo su’aalaha ka dhex guuxaya oo bog cusub la furo, laakin waxaa meesha ka dhashay su’aalo cusub oo ay ku jiraan, Sababta Sanbaloolshe xukuumadda u afduubay si loo ogaado halka uu jooga hoggaamiyihii ONL Qalbi-dhagax.

4. Shir Jaraa’id Ayuu Kulanka Ahaa: Saxafiyiinta meesha tagay uma muuqan qaar la xisaabtan meesha u tagay, ma aheyn dad soo akhriyay sharciyada dalka, caqabadaha hortaagan hey’adaha dowladda, baahida shacabka….waxaa ay xukuumadda weydiiyeen su’aalo iska caadi ah oo caajis ah!

5. Musuqa waa in Sharci Loo Helo: Ra’isul Wasaaraha kama jawaabin arrimaha musuqa dalka, dal la leeyahay waa midka ugu musuqa badan caalamka, hadana marka laga hadlayo arrimahaasi si guud mar loo dulmayo, isaga oo kubadda ku tuuray baarlamaanka federaalka ah iyo ansixinta sharciga la dagaalanka musuqa.

6. Adeeg Bulsho Lagama Hadlin: Ra’isul wasaaraha iyo xukuumadda waxaa ay ka hadleen siyaasadda iyo amniga, ma sheegin wax adeeg ah oo shacabka loo qaban doono, gobollada dalka wax qorshe ah oo loo hayo halkaasi laguma soo bandhigin.

7. Saxaafadda iyo Isla Xisaabtan: Ra’isul Wasaare Kheyre waxaa uu marar badan ku celiyay in Saxaafadda isla xisaabtanto, ma sheegin ujeedka uu ka leeyahay, laakin waxaa uu u muuqdey nin doonayey in xukuumadda iyo saxaafadda isku aragti noqdaan, arrintaas oo aan ku jirin horumarka dalka iyo dadka.

8. Saxafiyiin Xukuumadda La Dhacsan: Saxafiyiinta laga soo xulay warbaahinta ee goobta loo geeyay in ra’isul wasaaraha iyo xukuumaddiisa  la xisaabtamaan intooda badan waxaa ay ku faraxsanaayeen la kulanka ra’isul wasaaraha, wasiirrada iyo shakhsiyaadka goobta joogay, su’aalaha ma aheyn kuwoo isla xisaabtan ah, arrintaasi waxaa ay ka mid aheyd qaladaadkii dhacay!

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you