Monday, July 14, 2025

Warbixin Dheeraad ah & Xog Cusub oo ku saabsan Dilkii Marxuum Axmed Dowlo [Qormo]

-

Iyadoo weli ay jirto Hadalheyntii ku aadaneyd Gabood Falkii loo geystey Mawaadin Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax ( Axmed Dowlo) ka dib markii inta la diley lana Gubey. marka waxaa la sheekeystey nin Saaxiibkey ah oo ay Deris ahaayeen Axmed Dowlo waxaa uu ii sheegey in uu ahaa nin Weyn looga yaqaaney Xaafadda welina lahaa Asxaab iyo Saaxiib badan sidoo kale Axmed wuxuu nin Deeqsi ah oo hadana Kaftan badan

“Xaafadaan ayuu ku dhashey muddo dheer baan Deris ahayn waxaa uu u dhaqdhaqaaqi jirey Caruurtiisa iyo Carurta adeerkii isaga ayaan waxay Quutaan u soo dhicin jirey marka Dhacdaan Shaqasiyan aad baan uga naxay waayo Axmed Dowlo waxan kala qayb galey Guurka Sadex Haween ah oo ka soo jeeda Beelaha Shiikhaal, Sacad oo Caruur hore ugu dhaley balse kala tageen hadda waxaa uu qabey Laba Haween mid ay tahay Gaaljecel

“Axmed Markii uu wiilka adeerka u ahaa uu gabadhaan Jeclaadey wuxuu ku doodi jirey maxaad noogu diideysaan aniga ayaa soo guursadey reero idinka Laf weyn waa sida uu ku Kaftami jirey Axmed Dowlo hase yeeshee Axmed waxaa uu ka qayb galey kulamo badan oo lagu Xalinayey Guurka Ruqiyo iyo Maxamed Cabdiramaan iyadoo inta aan la diley waxaa uu u Gogol Fariistey Wiilka uu adeerka u yahay hase yeeshee waxaa uu Goob joog u ahaa Dhacdooyin Xiriir oo lagula kacay Qoyskiisa “ ayuu yiri waxaa uu sii raaciyey

“ Aabaha dhaley Gabadha iyo Odoyaal iyo ee Dhinaca kale ee Wiilka ayaa Kulan ku yeeshey Xaafadda Garasbaaley waxaana lagu Faataxeystey in Lamaabayaasha la isa siiyo maadaama ay Gabadha ku dhaaratey in hadii loo diido Jaceyleeda ay Dhimasho ka xigto ” ayuu yiri hase yeeshee Hooyada Dhashey Gabadha ayaa arrintaa ku gacansayrtey oo u Cuntami weysey, waxaana dhacay in Guriga Axmed Dowlo la soo weero Dhowr jeer, in waqti ka mid ah lagu weerarey Qarsho Gaas laga soo buuxiyey

“ Falka Axmed Dowlo marka uu dhacay waxaa dhowr maalmood Xiran Hooyada Dhashey Gabadha waxaan la waayey Cid damiinata, waxaana Maalinkii Khamiista Falka Dhacay ayaa Labada Dhinaca looga yeerey Maxkamada hase Yeeshee intii Maxkamada lagu maqnaa ayaa Koox kale Taageersan Mowqifka Hooyada waxay soo weerareen Axmed Dowlo, iyadoo inta uu socdey Weerarka Axmed Dowlo Waa iska caabiyey hase yeeshee Nabar Gaadmo ah oo lala heley ayaa sababatey in uu Dhulka ku dhaco ka dib Shiidaal lagu bilbiley oo Taraq lagu Shido” ayuu yiri Saaxiibkey oo inta raaciyey

“Inta uu socdey Dilka ayaa waxa Dhacay in Haweeney ka mid ahayd Dadkii dilka ka qayb qaatey markey aragtey in Xaalka faraha ka baxay ayey ku Dhaqaaqdey in ay wax ka damiso Dabkii lagu shidey Axmed Dowlo , waxaa markiiba goobta yimid Ciidamo Booliska oo Xirey intii Dil Wadareedkaas ka qayb qaadatey waxaana Bulshada u sheegaya in Hooyada Gabadha Dhashey maalinka uu Dilka Dhacayey ay Xiran tahay hase yeeshe Abaabulka qayb ku la lahayd waxana Kiiska u Xiran Lix Qof oo shan ka mid ah ay ahaayen Fuliyayaashii ee Labada Dhinac ee Reerka ”

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you