Friday, February 13, 2026

Warbixin Dheeraad ah & Xog Cusub oo ku saabsan Dilkii Marxuum Axmed Dowlo [Qormo]

-

Iyadoo weli ay jirto Hadalheyntii ku aadaneyd Gabood Falkii loo geystey Mawaadin Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax ( Axmed Dowlo) ka dib markii inta la diley lana Gubey. marka waxaa la sheekeystey nin Saaxiibkey ah oo ay Deris ahaayeen Axmed Dowlo waxaa uu ii sheegey in uu ahaa nin Weyn looga yaqaaney Xaafadda welina lahaa Asxaab iyo Saaxiib badan sidoo kale Axmed wuxuu nin Deeqsi ah oo hadana Kaftan badan

“Xaafadaan ayuu ku dhashey muddo dheer baan Deris ahayn waxaa uu u dhaqdhaqaaqi jirey Caruurtiisa iyo Carurta adeerkii isaga ayaan waxay Quutaan u soo dhicin jirey marka Dhacdaan Shaqasiyan aad baan uga naxay waayo Axmed Dowlo waxan kala qayb galey Guurka Sadex Haween ah oo ka soo jeeda Beelaha Shiikhaal, Sacad oo Caruur hore ugu dhaley balse kala tageen hadda waxaa uu qabey Laba Haween mid ay tahay Gaaljecel

“Axmed Markii uu wiilka adeerka u ahaa uu gabadhaan Jeclaadey wuxuu ku doodi jirey maxaad noogu diideysaan aniga ayaa soo guursadey reero idinka Laf weyn waa sida uu ku Kaftami jirey Axmed Dowlo hase yeeshee Axmed waxaa uu ka qayb galey kulamo badan oo lagu Xalinayey Guurka Ruqiyo iyo Maxamed Cabdiramaan iyadoo inta aan la diley waxaa uu u Gogol Fariistey Wiilka uu adeerka u yahay hase yeeshee waxaa uu Goob joog u ahaa Dhacdooyin Xiriir oo lagula kacay Qoyskiisa “ ayuu yiri waxaa uu sii raaciyey

“ Aabaha dhaley Gabadha iyo Odoyaal iyo ee Dhinaca kale ee Wiilka ayaa Kulan ku yeeshey Xaafadda Garasbaaley waxaana lagu Faataxeystey in Lamaabayaasha la isa siiyo maadaama ay Gabadha ku dhaaratey in hadii loo diido Jaceyleeda ay Dhimasho ka xigto ” ayuu yiri hase yeeshee Hooyada Dhashey Gabadha ayaa arrintaa ku gacansayrtey oo u Cuntami weysey, waxaana dhacay in Guriga Axmed Dowlo la soo weero Dhowr jeer, in waqti ka mid ah lagu weerarey Qarsho Gaas laga soo buuxiyey

“ Falka Axmed Dowlo marka uu dhacay waxaa dhowr maalmood Xiran Hooyada Dhashey Gabadha waxaan la waayey Cid damiinata, waxaana Maalinkii Khamiista Falka Dhacay ayaa Labada Dhinaca looga yeerey Maxkamada hase Yeeshee intii Maxkamada lagu maqnaa ayaa Koox kale Taageersan Mowqifka Hooyada waxay soo weerareen Axmed Dowlo, iyadoo inta uu socdey Weerarka Axmed Dowlo Waa iska caabiyey hase yeeshee Nabar Gaadmo ah oo lala heley ayaa sababatey in uu Dhulka ku dhaco ka dib Shiidaal lagu bilbiley oo Taraq lagu Shido” ayuu yiri Saaxiibkey oo inta raaciyey

“Inta uu socdey Dilka ayaa waxa Dhacay in Haweeney ka mid ahayd Dadkii dilka ka qayb qaatey markey aragtey in Xaalka faraha ka baxay ayey ku Dhaqaaqdey in ay wax ka damiso Dabkii lagu shidey Axmed Dowlo , waxaa markiiba goobta yimid Ciidamo Booliska oo Xirey intii Dil Wadareedkaas ka qayb qaadatey waxaana Bulshada u sheegaya in Hooyada Gabadha Dhashey maalinka uu Dilka Dhacayey ay Xiran tahay hase yeeshe Abaabulka qayb ku la lahayd waxana Kiiska u Xiran Lix Qof oo shan ka mid ah ay ahaayen Fuliyayaashii ee Labada Dhinac ee Reerka ”

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you