Monday, August 11, 2025

WARBIXIN ku saabsan natiijadii socdaalka Madaxweynaha Turkiga ee Muqdisho

-

Socdaalkii taariikhiga ahaa ee madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan iyo wafdigiisii ku yimaadeen Muqdisho maanta 25 Janaayo 2015 ayaa si guul ah ku soo dhamaaday, waxaana socdaalkaasi taariikhda galay uu ahaa kii labaad ee Ordogan ku yimaado Muqdisho.

001

Madaxda Soomaaliya oo aan u kala harin ayaa soo dhoweeyay wafdiga madaxweynaha Turkiga, waxaana si weyn loo adkeeyay dhinaca ammaanka. Ka sokow mashaariicda uu furay madaxweynaha Turkiga ee dhamaatay, waxaa uu bixiyay balanqaadyo kale oo horumarin ah, kuwaasoo muddo laba sanadood gudahood lagu fulinayo, balanqaayada Ordogan waxaa lagu bartay inay fulaan.

003

Haddana Goobjooge.com waxay soo koobeysaa nuxurka booqadshadii halka maalin ahayd ee madaxweynaha Turkiga ku yimid Muqdisho:

MASHAARIIC HORE

Waaa la furay mashaariic soo gabagaboobay, howlgalna noqday oo kala ah:

= Terminalka Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

= Ibsitaalka Recep Dayeb Ordogan (ex. Digfeer)

= Dayactirka Masjidka Isbaheysiga Islaamka

Waxaa kaloo socda dhismaha Safaarada cusub ee Turkiga oo sida Ordogan sheegay noqon doonta mid ka mida kuwa ugu weyn ee Afrika ku yaala, tani waxay muujineysaa in dan weyn ka leeyahay Turkigu dalka Soomaaliya. isagoo weliba dhaliilay safaaradaha magac u yaalka ah ee Konteerada laga dhigay garoonka dhexdiisa.

saxiix

MASHAARIICDA CUSUB

Dowladaha Soomaaliya waxay kala saxiixdeen  heshiisyo saddex ah oo kala ah:

=Heshiis tababar ciidan

=Heshiis wax soo saar iyo dhoofin

= Heshiiska Ganacsi iyo warshado

Inkastoo heshiisyadan aan wax badan laga ogeyn waxaa la sugi doonaa in Baarlamaanka la keeno xukuumadda cusubna lala wadaago.

Madaxweynaha Turkiga wuxuu balan qaaday mashaariicda soo socota in muddo laba sano gudahood ah ay ku fulin doonaan:

= Dhismaha 10,000 guri oo casri ah lana dejin doono dadka saboolka ah

= Mid ka mida Safaaradaha ugu weyn ee qaarada Afrika

erdogan-hassan

Guud ahaan socdaalkii madaxweyne Ordogon wuxuu ku ahaa mid guuleed oo natiijo la taaban karo ku qotomay, rajo mustaqbal horumarineedna u wada umadda Soomaaliyeed inkastoo uu Muqdisho ku kooban yahay ilaa hadda. Waxaana la oran karaa Turkigu waa dal qabtay wax muuqda oo ka duwan dhammaan dalalka kale ee sheegta inay taageeraan ama boqolaal milyan ku bixiyaan Soomaaliya haddana aan laga arkin wax la sheegi karo.

Goobjooge.com

Muqdisho

 

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you