Saturday, July 12, 2025

Warbixin laga qoray Xaalad Amni oo Xildhibaanada cusub Maanta ku qabsatay Afisyoone (Qormo)

-

Goor ay barqannimadi maanta ahayd, annaga oo u soconna ka qaybgalka munaasabadda dhaarinta baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaan soo gaarnay albaabka bari oo laga galo xayndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ‘Marina Gate’.

Waxaan saaranahay gaari bas ah oo ay xildhibaanno saaran yihiin, kaas oo naga soo qaaday Akadeemiyadda Tababbarka Ciidanka Boliiska ee Janaraal Kaahiye, halkaas oo noogala soo reebay gawaaridi aan wadannay.

Sarkaal boliis ah oo kamid ah ciidamo Soomaali iyo ATMIS/AMISOM isugu jira oo galista masuul ka ahaa ayaa amray in aan baska ka soo deganno oo aan baaritaan marno. Darawalka baska waday iyo askar boliis ah oo baska la socday ayaa u sheegay in dadka baska saaran ay xildhibaanno yihiin oo marti sharafta kale baaritaanka la marsiiyo.

Wuxuu ugu jawaabay in xildhibaannada iyo marti sharafta kalaba ay qasab tahay in ay si isku mid ah baaritaanka u wada maraan!Xildhibaannada oo baaritaanka u sii dagaya ayuu Janaraal Cabdullaahi Xasan Bariise arkay, wuxuuna amray in baska la fasaxo oo aan xildhibaanno la baari karin.

Waxaa durba meel aan fogayn ka soo cararay askari ajnabi ah oo mar kale sheegay in ay qasab tahay in xildhibaanno iyo marti sharaf kalaba ay qasab tahay in ay baaritaanka wada maraan.Janaraalka oo aad caraysan, wajigiisana ay ciil iyo qiiro ka muuqdaan ayaa ku qayliyay “NO, NO, NO …. I said NO!”, darawalka baska waday oo boliis ahaana wuxuu amray in uu dhaqaajiyo.

Askarigi ajnabiga ahaa oo arrinta weli diiddan ayaa askari kale oo ajnabi ah amray in uusan qaadin bir baska ku hor go’nayd! Dood dheer kadib waxaa lagu heshiiyay in xildhibaannada oo aan baska ka degin eey lagu baaro.

Waxaa ugu sii darnayd marki aan teendhada afisyooni gaarnay oo askar Soomaali ah oo gelidda maamulaysay ay nagu amreen in aan xildhibaanno iyo marti sharaf u kala baxno. Aniga oo habdhaqanki askariga ajnabiga ahaa dib u gocanaaya, ayaan u qaatay in sababta la isku kala bixinaayo ay tahay in askarta Soomaalida ah ay rabaan in ay xidhibaannada maamuus gaar ah siiyaan.

Ha yeeshee, ujeeddadooda waxay noqotay in ay rabeen in ay xildhibaannada xaadiriyaan, kadibna si isku mid ah ayay gacanta noogu wada baareen, iyaga oo noo sii gudbiyay qayb kale oo mashiinnada wax lagu baaro ay yaalleen!Inkasta oo muuqaalka meesha yaalla uusan qurxanayn, wuxuu haddana na tusayaa heerka ay gaarsiisan tahay khatarta iyo kala aaminbaxa dalka ka jira.

Waxaan bogaadinayaa xildhibaannada oo qayb maamuuskooda kamid ah uga tanaasulay si ay dhaarta uga qaybgalaan. Waxay u muuqdeen in ay ka go’an tahay in ay daruufta adag ee dadka iyo dalka haysata ka samatabixiyaan.

Towfiiqda Alle ha waafajiyo.

May be an image of one or more people and suit

W/Q: Mustafe Maxamed Cali

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you