Monday, October 25, 2021

Wasiir Xundubey oo kashifay Xogtii uu ka hayey RW Rooble. (Dhaqaalihii laga raadiyey Imaaraadka -Qormo-)

-

- Advertisement -

Wasiirkii hore ee Amniga xukuumadda Federaalka Xasn Xunduley Jimcaale ayaa qoraalka soo socda ka qoray xogta uu ka hayey Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo xilka ka qaadaya dhowaan, wauxuuna qoraalkiisa ku bilowday

Kadib: markii aan dareemay in dawladda Soomaaliya ay dhaqaala la’aan xoogani hayso, ayaan Rooble u tegay. Waxa aan ku iri: walaalow, dhaqaala la’aantaan kuma sii jiri karnee, aan Wadamada Carabta ee afartii sano ee la soo dhaafay aan wax dhaqaala ah oo muuqda na siin, aan albaabadooda garaacno! Carabtiina waa taas heshiisay oo arimihii Gacanka Carabtu waa iska dhamaadeene, yaanan kaligeen meel cidla ah iska fadhine!

Waxa uu igu yiri: waa yahaye, ka soo shaqeey. Waxa aan go’aansaday in aan Masar ka bilaabo. Waxa aan la hadlay rag furayaasha Masar in ay haayaan aan ogaay. Arinkii Masar waa laga soo shaqeeyay. Waana lagu guuleestay. Markii uu arinkii bislaaday, asaga ayaa toos ula xariiray oo waa na dhinac maray, hawshiina waxa uu u dhiibtay DAD ay isku JUFA yihiin!Markii aan ogaaday AF-GEMBIGAAS, waan u tegay Rooble. Waxa aan ku iri: waaba arkaa dhaqankaaga, ee maxaad Masar ula tegi rabtaa?

Waxa uu ii sheegay waxyaaba yaryar oo aan i qancin! Waxa aan ku iri: walaalow, dal walba waxa uu leeyahay dad fura oo ay xantamaan, kuna kalsoonyihiin, ee maad qof iyo laba ka wadatid dadka Masar fura, arinkana horay u soo bisleeyay? Waa uu diiday. Waxa aan mar dambe xog ku helay in markii uu Masar tegay lagu yiri: waxa aad rabto ma taqaanide, marka dambe noo imaaw adiga oo yaqaana waxa aad rabto!Asaguna marna nalama wadaagin wixii uu socdaalkaas iyo kuwii kale ee faraha badnaa uu kala soo kulmay!

- Advertisement -

Imaaraadka: Markii uu fashiliyay arinkii Masar, waxa aan sii wadnay arinkii Imaaraatka, anaga oo reja ka qabna in uu is garan doono. Sidii hore oo kale waxa aan ku guulaysanay in aan xariirkii Imaaraadka soo celino. Laba jeer ayuu Rooble la kulmay Danjiraha Imaaraadka Soomaaliya u fadhiya. Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliyana waa joogtay fadhiyadaas.

Waxa aan ka codsanay Imaaraadka, in ay dhaqaale ugu deeqaan Dawladda Soomaaliya, waana ogolaadeen, wax SHURUUD ah oo ay nagu xireena ma jirin, oo aan ka ahayn in aan RAALI-GELIN ka bixino arimihii lacagta ee horay looga xayiray.

Markii hawshii leesku afgartay waxaa leesku raacay in aan anugu tago Imaaraadka oo aan gogol xaar u sii sameeyo, asaguna uu yimaado. Habeenkii talaadada ee 07/09/21, ayaan aniga iyo Rooble balanay oo uu ila dardaarmay.Hayeeshee, Rooble wuxa uu mar kale go’aansaday in uu AF-GEMBI kale sameeyo oo uu arinka u dhiibto Dad JUFADIISA ah, anigana uu DHABAR-JEBIN igu sameeyo.

Maalintii Arbacada ee 08/09/21, waa maalin kadib uun, markii uu ila dardaarmay, ayuu qaatay go’aan sharci dara ah oo uu leeyahay xiliki waa ka qaaday! Waxa aan isku dayay dhowr jeer in aan la xariiro oo aan waydiiyo sida ay wax u jiraan? Marnaba Taleefan igama qaban, ilaa haddana isma maqal, hadii laga reebo dad waxgarad ah oo uu ii soo diray oo uu ku yiri: Xundubey igala hadla ee qoraalada ha joojiyo!Intaa kadib: DADKII ay isku Jufada ahaayeen ayuu u diray Imaaraadka, si ay arinkii ula wareegaan!

Ma aqaano halka arinkaasi ku dambeeyay! Asaga – waa Rooblee – ayaa laga rabaa halka uu arinkaasi ku dambeeyay! Sida lawada ogyahayna XOGAHA socdaaladiisa oo dhan cid JUFADIISA ka baxsan lama wadaago!

Sida wax u dhaceen oo kooban waa sidaas.

Xogtuna waa HANTI dadweyne, oo lama qari karo!

- Advertisement -

W/Q: Xasan Xundubey Jimcaale
Wsiirkii Amniga ee xilka laga qaaday

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Midowga Musharixiinta oo War kasoo saaray dagaalka Guriceel (Waa in la joojiyaa ciidamada lagu daabulayo..)

Golaha Midowga Murashixiinta ayaa war kasoo saaray dagaalka ka socda magaalada Guiriceel maalintii saddexaad, iyadoo ku baaqay xabbad joojin iyo dowladda Federaalka ay joojiso...

Saddex Qodob oo sababay in Ahlu Suno laga saari waayo Dhufeysyada Guriceel (Akhriso)

Dagaal qaraar ayaa maalintii saddexaad ka socda magaalada Guriceel, iyadoo ay isugu tageen ciidamada kala duwan ee dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug. Dagaalka oo...

Hoggaamiyaha Milateriga Sudan oo ku dhawaaqay in la kala diray xukuumadii iyo Golihii hogaaminta…

Hoggaamiyaha Milatariga dalka Suudaan Abdifatah Burhan ayaa ku dhawaaqay in la kala diray Xukuumadii, Wasiiradii iyo Golihii Hoggaaminta labada dhinac, isla markaana ay xukunka...

Dagaalka Guriceel: Xeeladii Kooxda Ahlu Suna ee Shalay iyo Wejiga Cusub ee dagaalka maanta

Maalintii saddexaad waxaa magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda Federaalka/Galmudug iyo kooxda Ahlu suna, kaasoo dhaliyey qasaare baaxad...

Doorasho ‘Qof iyo Cod’ noocee ah ayaa ka dhaceysa 3 Degmo oo ka tirsan Maamulka Puntland..?

Xaqiiqada Doorashada ka socota saddexda degmo ee ka tirsan Maamulka Puntland "QOF IYO COD' Waxaa saddex degmo oo ka mida maamulka Puntland maanta ka dhacaya...

Afgembi ka socda dalka Sudan (Ra’iisal wasaarihii oo la xiray iyo ciidamo la wareegay xarumaha..)

Xaaladda dalka Suudaan ayaa saaka gashay marxalad cusub, kadib markii saaka la xiray madaxda xukuumadii rayidka ahayd ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra'iisal...

Saameynta Dagaalka Guriceel: Duqeynta Isbitaalka Istarliin iyo Dhaawacyo Isbitaal lagala baxay

Iyadoo uu habeenkii saddexaad galau dagalaka magaalada Guriceel ee Gobolka Galgadiid ayaa maatna waxaa dhacay dagaallo qaraar oo hub waaweyn iyo madaafiic la isku...

XOGAHA QARSOON

Sidee Farmaajo ula wareegay kaalintii RW Rooble ka qaadan lahaa dagaalka ka socda Galmudug?

Waxaa malaintii labad dagaal lagu hoobtay oo qasaare badan dhaliyey ka socdaa magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyadoo aanu wax kaalin ah ku lahayn...

XOG: Farmaajo oo ogolaaday Wasiirkii Amniga ee Rooble magacaabay iyo Agaasimaha NISA…

Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inay xafiiska Farmaajo gaareen Wasiirka Amniga iyo Agaasimaha NISA ee uu magacaabay Ra'iisal wasare Maxamed Xuseen Rooble. Xogta...

XOG: Puntland oo fashilisay Qorshe uu Ciidamo Beeshiisa ah ku Qortay Taliyaha Booliska

Taliye Xijaar ayaa ciidamadan ka qortay beesha uu kasoo jeedo, waxaana uu doonayey in loo tababarro ciidamada Booliska Wararka laga helayo Puntland ayaa sheegaya...

Qareen caan ah oo shaaciyay sida Somaliya iyo Kenya u kala helaan Xuduudka Badda ee ICJ sameysay

Soomaaliya waxay heshay 75% xuduudsii Badd ee la isku heystay ayuu yiri Paul Reichler oo ka mid ahaa Qareenada waaweyn ee Soomaaliya u...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you

error: Content is protected !!