Wednesday, June 25, 2025

Wasiir Yariisow oo Albaabada u furay in la xaaqo Agaasimeyaasha ku daxaleystay Wasaaraddaha [Qormo]

-

Agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha waa mashiinka dhaqaajiya howsha wasaaradaha sidaa darteed qofka howshaas loo Xil saarayo waa in uu noqdaa mid AQOON, WAAYO ARAGNIMO, KARTI, DULQAAD iyo DAACADNIMO isku darsaday.

Waxaa nasiib daro weyn noqotay in agaasimayaasha guud iyo agaasimayaal waaxeedyo aan ehel u aheyn howsha wasaaradaha kuna caan baxay Musuq maasuq, Jaahilnimo iyo qabyaalad mudo dheer afduub ku heystaan howlaha kala duwan ee wasaaradaha taas oo horseeday dib u dhac iyo bur but ku dul habsaday wasaaradihii dalka.

Agaasimayaasha guud qaarkood oo xilka soo hayay tan iyo dowladii Cabdulaahi Yuusuf ayaa awood u yeeshay in ay hagaannwasiir kasta oo cusub oo lagu soo qoro wasaarado, sidoo kale amaanka wasaarada waxa ay gacanta I galiyeen maleeshiyo beeleedyo iyaga ka amar qaata taas oo wasaarada ka dhigtay meel iyaga u xureysan, waxaana la yaab leh in Hal qof isku heysto labada jago ee kala ah agaasimaha guud iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaarada iyadoo aqoon yahano badan ay shaqo la’aan darbiyada la fadhiyaan.

Talaabada bilowga ah ee uu qaaday wasiirka warfaafinta Eng. Yariisow ee uu ku xaaqay agaasimihii guud iyo qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada waa mid geesimo ku dhisan oo wasaarada warfaafinta u horseedeysa in ay howsheeda dib u habeen iyo labo kacleyn lagu sameeyo.

Eng. Yariisow waxaa la gudboon in uu ruug cadaayada saxaafada ee banaanka laga joojiyay howsha iyo talada wasaarada uu soo dhaweysto taladana la wadaago hadiise uu kuraasta kusoo fariisiyo rag la mid ah kuwa uu xilka ka qaaday xaaladiisu waxa ay noqoneysaa JUG JUG MEESHAADA JOOG.

Dhamaan wasiirada cusub waxaa la gudboon in ku daydaan Eng. Yariisow una istaagaan ka dhabeynta dhaartii ay mareen xilalkana ka xayuubiyaan Agaasimayaasha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha ee ku daxaleystay xilka ayaan u qalmin oo ay musuq maasuq iyo ku takri fal awoodeed kusii dareen, waxaana gaba gabadii leeyahay wasiirka warfaafinta Eng. Yariisow waa geesi albaabka u furay in la xaaqo agaasimayaasha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha ee ku daxaleystay wasaaradaha bur burka iyo dib u dhacana sababta u noqday.

Qalinkii Qoraa Sare.
Muse Mohamed Osman
[email protected]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Wasaaradda Gaadiidka DFS oo qasab uga dhigtay dadka ku xiran inay qataan Kaarka Aqoonsiga ee NIRA

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan cusub oo dadweynaha ku xiran adeegyadeeda qasab uga dhigaya inay...

Xabbad joojin dhaqan gashay iyo Iran oo daqiiqadihii ugu danbeeyay duqeyn xoog leh la beegsaday Isra’iil

Xabbad joojintii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaka ka dhaqan gashay dalalka Iran iyo Israa'il. kadib duqeyn culus oo Iiraan ay...

Iran oo weerar Gantaalo ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Dalka Qatar

Ilaalada Kacaanka Iran iyo Militariga dalkaasi ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Cudeyd ee duleedka magaalada Doha ee  dalka...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

Alshabaab oo Weerar ku qaaday aag laga difaaco Magaalada Baydhaba iyo Qasaare ka dhashay

Alshabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan aagga laga difaaco xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad...

Axmed Madoobe oo gaaray Garowe iyo Qorshaha cusub ee isaga iyo Siciid Deni ugu midoobayaan Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jubaland ee aysan aqoonsaneyn dowladda Federaalka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  saddex sano kadib maanta gaaray magaalad Garoowe, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay...

Duqeyntii labaad oo lagu qaaday Aadan-Yabaal iyo Kaydkii hubka Al-Shabaab oo la gubay

Duqeyntii labaad muddo 48 saacadood ah ayey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Beesha caalamka ku qaadeen gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Duqeynta...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you