Tuesday, July 15, 2025

Wasiir Yariisow oo dib u saxay Khaladkii uu ka baahiyay Qarixii Soope [Qormo caddeyn ah]

-

Wasaaradda warfaafinta oo soo xiganeysa Wasaaradda Amniga ee Dowladda Somalia ayaa saxday xog qaldan oo ay baahisay 14kii bishaan oo la xiriirtay Qaraxii ay dadka badan ku dhibteen ee Zoobe, labo ka mid ah shaqaalaha shirkadda Hormuud oo xogtii hore lagu sheegay iney yihiin Ragga Al Shabaab u qaabilsan Qaraxyadda ayey hadda Dowladdu ka laabatay waxeyna ku sheegtay iney ahaayeen ragii gaariga TM-ka ahaa damiintay.
Sidda aad ku arki kartaan linkiga hoose ee wakaaladda wararka Somalia ee Sonna ,sidoo kalana aad ka akhrisan kartaan warbaahinta oo dhan xiligaan , waxaa ay wasaaradda Amnigu tiri sidan hoose.

Khaladkan ayaa la sheegay inuu mas’uul ka ahaa wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo hore u baahiyay xog aan tifaftirneyn, taasoo keentay khalad xun oo dad badan shaki ka muujiyeen xogta nabadsugidda, iyadoo aanay ahayn markii ugu horeysay ee wasiir Yariiow ku fududaado baahinta warbixinno muhiim ah oo si khaldan uu u soo xigtay.

Image may contain: 5 people, people smiling, text

(Sawir malahan)- Mukhtaar Gar-dhuub oo loo yaqaanno Ceynaan ama Fanax waa madaxa Amniyaadka Al-shabaab waa ninkii dajiyey qorshaha xasuuqii Soobe, waxa uu ku sugnaa deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada Hoose waa lagu daba jiraa.

(Sawir malahan)- Cabdiweli Cabdi-qani waa madaxa Qaraxyada gobolka Benaadir ee Al-shabaab, waxa uu amarka ugu dambeeya ka qaataa Mukhtaar Gar-dhuub waa lagu daba jiraa.

Labadaan meelood ee ay ku qoran tahay sawir malahan waxaa warbixintii 14kii bishaan soo baxday loo isticmaalay sawiradda Cabdiweli Axmed Diiriye iyo Mukhtaar Maxamuud Xasan oo ka mid ah shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo lagu tilmaamay ninkii dajiyay qorshihii qaraxii Zoobe iyo wakiilka qaraxyadda Al-Shabaab, waxaa arki kartaa oo aan lifaaqa soo galiyay xogtii uu xiligaas baahiyay wasiirka warfaafinta ENG Yariisow.

Image may contain: 1 person

Cajiib, hadda wasaaradda Amnigu waxey sheegtay in labadda nin ee ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay gaariga daminteen , Cabdiwali waxaa la sheegay in damiintiisa la aamini waayay laakiin Muqtaar markii uu soo hadlay sidaas lagu fasaxay, warbixinta kuma xusna xiliga ay gaariga damiinteen.

Hadaba sidee labo nin oo xiran loogu qalday labo nin oo maqan oo hadda la yiri waa lagu dabo joogaa, magacyadda koowaad ha isaga ekadaan laakiin isku abtirisiimo ma’ahan, Ragg la aqoonsan waayay ma’ahan oo waa rag magaaladda joogay, sidee loogu kalsoonaan kara laamaha amniga Dowladda oo qalad nuucaan ah galay, sidee nin aan sawir laga heynin maalin walba loo lee yahay waa madaxa qaraxyadda Al Shabaab waana ku raad joognaa, dabagal bilaa sawir ah waa nuucee, ragaas ay Dowladdu sumcadii ka dishay oo hubsiimo la’aanteeda ay Al Shabaab uga dhigtay maxey mag dhow u lee yihiin ?

Si walbaba warbixintaan waxey niyad jab ku tahay shacab badan oo hada arkaya sida fudud ee maalin walba eeda loo saaro dad masaakiin ah xili dambiilihii uu banaanka joogo, tani waa aqoon xumo amni oo cad waana ku ceeb dadka Dowladda Amniga ku matala iney meesha sii joogaan

Nabaadiino

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you