Monday, August 25, 2025

Wasiir Yuusuf Garaad: “Ku dayo Jaaliyadda Jubba”

-

Magaalada Jubba ee Suudaanta Koofureed oo aan u tegey shir ay ku kulmeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD ayaa waxaa ii suurta gashay markii uu shirku dhammaaday in aan booqdo Safaaradda Soomaaliya, halkaana kula kulmo howlwadeennada Safaaradda oo uu Danjire Xuseen Xaaji hormuud u yahay iyo wakiillo ka socda jaaliyadda Soomaalida Jubba.

 
Xafiiska Danjiraha

Waxaa aad ii soo jiitay, aan rabaa in aan Soomaalida la wadaago, una mahadcelinayaa jaalaiyyadda Soomaalida ee Jubba sida ay u garab istaagtay Safaaradda Soomaaliya iyo Dowladda Soomaaliyeed.

 
Gaariga cad Jaaliyadda ayaa  u iibisay Safaaradda

Jaaliyadda Soomaalida oo ay in badani yihiin dhallinyaro haddana ganacsato ah, ayaa waxay Safaaradda u iibiyeen agabka xafiisyadeeda iyo laba gaari oo midkood uu yahay Landcruiser iyo weliba adeegyo kale.

Dhallinyaradaas waddaniyiinta ahi waxay garteen in Dowladda iyo Safaaradda ay ayagu leeyihiin oo cidda ay u adeegeyso, danahoodana ay daafaceysaa ay ayaga yihiin.

Waxaa intaa dheer in Madaxda dalkaas ee aan la kulmay, waa Madaxweyne Salva Kiir iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Deng Alor Kuolay ka muuqatay sida ay ula socdaan joogitaanka, horumarka iyo heybadda jaaliyadda Soomaalida.

 
Wasiirka Arr. Dibadda Sudanta Koofureed

Madaxweynaha markii la i baray, wuxuu sheegay in uu muuqeyga ka gartay in aan Soomaali ahay.  Markiiba wuxuu daba dhigay su’aal? Ma la kulantay dadkaaga? Caawa ayaan la kumayaa ayaan ugu jawaabay.  Iyaga oo badan ayay ayay halkaan joogaan oo ka shaqeystaan, ayuu yiri.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sudanta Koofureed, isaga miis ayaan ku wada casheynay iyada oo ay na wehliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Djibouti.

Wuxuu dhammaanteen nooga sheekeeyay sida ay Soomaalidu u joogto dalka, uga shaqeysato, sharaftooda iyo sida ay u taageeraan dalkooda isaga oo tusaale u soo qaatay cayaar kubadda cagta ah oo labada dal ku dhex martay Juba, oo taagerayaasha Soomaaliya la yaabay tiradooda, sacabka iyo sawaxanka.

Wasiirka oo igu sagootiyay garoonka dayaaradaha waxaan uga mahadceliyay aqbalaadda ay Dowladdiisu joogitaanka jaaliyadda Soomaalida.

Posted by Yusuf Garaad 

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you