Sunday, July 27, 2025

Wasiir Yuusuf Garaad oo Jawaab Qiiro iyo Soo-jiidasho leh ka qoray Xilka laga qaaday [Akhriso]

-

Jawaabta Xil-ka-Qaadisteyda

Haddii aad qormadaan u akhrineyso in aad ka hesho war dowladda ama madaxda Qaranka dhaawaca fadlan halkan ku jooji.

Maaddaama aad akhriska sii wadday waxaan u arkaa in aad dooneyso in aad dareenkeyga ogaatid. Maanta oo ah Khamiis, taariikhdu ay tahay 4-ta January sannadka 2018, aan xalay aniga iyo Wasiiru Dowluhu ku daahnay howl uu Ra’iisal Wasaaruhu ii xil saaray in aan maanta soo hor dhigo Golaha Wasiirrada,  ayaa qof saaka iga soo wacay dalka Mareykanku uu ii sheegay in xilka la iga qaaday.

Kadibna waxaan telefoon u diray oo aan ka hubsaday Wasiirka Warfaafinta oo aan weydiiyay in warkaas idaacadda Qaranka laga sii daayay.  Wuuna ii xaqiijiyay.  Ra’iisal Wasaaraha inkata oo aan wacay iima suurta gelin in aan wadahadalno marka aan daabacayo sadarradan.

Waan xusuustaa in hadda ka hor uu Madaxweynuhu igu yiri afar sano waan isla dhammeysaneynaa.  Niyad wanaag ayaan uga arkay laakiin kama rumeysan. Umana heysan in uu damcay in aanuu run ii sheegin.  Laakiin waxaan ogaa in ay u badan tahay in aanay suurta gal noqon.

Ugu horreyn, si buuxda ayaan u aqbalay xil ka qaadista.

Marka xiga, Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, waxaan uga mahadcelinayaa in aniga oo aan midkoodna weydiisan ay bishii March 2017 Soomaali oo dhan ay aniga iga soo xuleen, kadibna ay ii magacaabeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalkeyga, markaas oo aan noqday Wasiir Arrimo Dibadeed oo aan dalka dibaddiisa looga yeerin ee isaga oo caasimadda jooga oo Dowladda u shaqeeya la magacaabo.

Waa qaddarin, mudnaan, sharaf iyo  aamminaad aad u weyn.  Waan ka mahadcelinayaa. Waxaa kale oo aan uga mahadcelinayaa wada shaqeynta iyo qaddarinta aan ka helay xilligii aan xilka hayay.

Inkasta oo aan ahaa nin ay Soomaali badani taqaan, aan ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Qarammada Midoobay ee New York, haddana Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha midkoodna 2017 ka hor ma aynaan wada shaqeyn.  Xiriir dhowna ma aynaan lahayn.  Sidaa darteed saaxiibbada kalsooni ay ku qabaan aqoonteyda, khibraddeyda iyo daacadnimadeyda dartood ka dhaadhiciyay in ay aniga ii xushaan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyagana waan u mahadcelinayaa.  Xataa waxaan u mahadcelinayaa kuwa laga yaabo in aanay raalli ka ahayn in la i magacaabo, karayna in ay is hor taagaan magacaabisteyda laakiin aan sidaas sameyn.

Mahad weyn waxaan u jeedinayaa Baarlamaanka Soomaaliya ee ansixiyay magacaabista Golaha Wasiirrada aan ka midka ahaa.  Waxaa kale oo aan Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiyadooda Arrimaha Dibadda uga mahadcelinayaa wadashaqeynta iyo xisaabtanka wanaagsan ee is qaddarintu ay ku dheehan tahay ee ay ila yeesheen intii aan xilka hayay.  Guddoomiyayaasha labada aqal oo ah laba mas’uul oo aan xushmad badan u hayo ugana dambeeyo waayo aragnimadooda waxaan iyagana uga mahadcelinayaa taageerada ay ii muujiyeen si aan xilkeyga u guto.

Waxaanan illoobi karin, Danjirayaasha, diblomaasiyiinta iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee sida hagar la’aanta ah u gudanaya waajibaadka Qaran ee saaran.  Waa ciidan Soomaaliyeed oo filiqsan dalka Dibaddiisa iyo gudihiisa oo aan qoryo iyo rasaas ku hubeysneyn ee qalinkooda, aqoontooda iyo niyaddooda birta ah ku daafacaya danaha dadka iyo dalka inta bandanna aan helin qaddarinta ay Qaranka ka mudan yihiin.

Wasiiru Dowlaha Cabdulqaadir Axmed Kheyr iyo Wasiir ku xigeenka Mahad labadaba waxaan uga mahadcelinayaa wadashaqeynta wanaagsan ee kalsoonida, xushmadda iyo qaddarinta iyo nadiifnimada ku dhisan.

Waxaan u mahadcelinayaa oo kale Golaha Wasiirrada oo dhammaantood ay naga dhaxeyso wadashaqeyn iyo is qaddarin.

Ma illoobi karo, dhallinyarada naftood hurayaasha ah ee ka tirsan ciidammada Qaranka oo maalin iyo habeen, soo jeed iyo aniga oo hurda amnigeyga ka mas’uulka ahaa.  Waxaan xusuustaa markii ay runtu timid ee qarax culus lala beegsaday meel aan ka fogeyn Wasaaradda Arrimaha Dibadda 14-kii Oktoobar, in iyada oo mid wiilasha ka mid ahi uu qaraxa ku dhintay, anigana uu firir yari i soo gaaray oo dhiigeygu baxayo, baabuurna aanuu dhaqaaqi karin,  in ay  ka shaqeeyeen in aniga iyo laba Wasiir oo marti ii ahaa ay lug nooga saaraan Wasaaradda.

Inta aan xusay oo dhan, oo uu Madaxweynuhu ugu horreeyay, uguna dambeeyeen ciidanka i ilaalinayay, midkoodna dhaliil la’aan ma aha.  Waxaanse aamminsan ahay in ay isku waajib iyo ujeeddo yihiin.  Taas oo ah in inta tabartood iyo garaadkooda ah ay ka shaqeynayaa in uu Soomaali kastaa nabad iyo sharaf haysto, nolol wanaagsanna uu ku nollaado.

Ilaaheey waxaan ka baryayaa in uu ujeeddadaas nagu wada guuleeyo.  Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta badanna waxaan ka codsanayaa in ay Madaxda, shaqaalaha Dowladda iyo ciidanka ay gacan ku siiyaan u adeegidda Qaranka.

Waxaan ku faraxsan ahay in aanan dheg u dhigin madaxda iyo dadka damcay in ay igu qalqaaliyaan in aan ku milmo arrimo aan mar iyo laba keliya hayan oo Dowladda iyo qabiil ka dhexeeyay oo aanan labada dhan midkoodna aanan raalli ka ahayn sida ay wax ku wadaan, aniguna aan Soomaalinnimadeyda, sumcaddeyda iyo aakhiradeyda dartood aan uga dhowrsaday marka laga reebo in aan talo ka bixiyay aan la iga dhegeysan laakiin mararka qaar ay aakhirku dani tiri.

Waxaan u mahadcelinayaa Soomaalida inta aan xilka hayay in dhiirri gelisay iyo kuwa talooyinka wanaagsan i siiyay.

Waxaanan aqoon si aan ugu mahadceliyo dadka Soomaaliyeed ee qaddarin Qarankooda loo hayo darteed la igu sharfay caasimadaha adduunka iyo fagaarayaasha diblomaasiyadeed ee caalamiga ah.

Waxaan dar Allah, cafis ka dalbayaa qof kasta oo waajib iga saarnaa oo aan ka gaabiyay.

Waxaan cafiyay cid kasta oo intii aan xilka hayay danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed awgood ama xataa in ay xil noo dhex ah iga riixato darteed ii xamatay ama ii cambaareysay.

Waxaan Mahadda ugu ballaaran u jeedinayaa xaaskeyga Yasmin, oo dal jacayl  igu garab istaagtay iyo dulqaadka iyo samirka ay ii muujisay si aan dalka ugu adeego iyada oo xaaladda dhaqaale iyo midda amniba ay adag yihiin.

Waxay u dul qaadatay in magaalada ay deggan tahay aan afar jeer ka beddesho dayaarad aniga oo aan soo dhaafin airporka.

Ugu dambeyntii waxaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha kula dardaarmayaa in si ay siyaasaddeenna dibaddu ay u caga dhigato ay xaqiijiyaan in aan lagu fududaan beddelaadda Wasiirka cusub ee ay u magacaabeen Wasaaradda, isaga iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaraddana lagu xurmeeyo howshooda.

W/Q: Yuusuf Garaad Cumar Axmeed

Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you