Monday, August 25, 2025

Wasiir Yuusuf Garaad oo Qormo ku difaacay maamuuskii Madaxweyne Farmaajo ee Kenya [Akhriso]

-

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal ku difaacay maamuuskii madaxweynaha Soomaaliya loogu sameeyay dalka Kenya xilligii uu ka qeyb galay calaama-saarkii Uhuru Kenyatta.

Yuusuf Garaad oo u jawaabay kooxo mucaarad ah oo baraha bulshada ku faafiyey in madaxweyne Farmaajo laga weeciyay  halkii loogu talogalay madaxda ayaa qoraalkiisa cinwaan uga dhigay:

Maamuuskii Mdaxweynaha ee Kasarani wuu Buuxay

Saaxiibbo badan ayaa qaarna toos ii soo weydiiyay sababta ay ku dhacday qaarna ay saxaafadda bulshada uga hadleen in badan.

Waa habmaamuuska Qaran ee Kenya sida uu ula dhaqmay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, markii uu ka qeyb galay munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Kenya, Uhuru Kenyatta.

Video ayaa la shaaciyay u muuqda in Madaxweynaha laga weeciyay roogga cas ee Madaxda qaarkeed ay marayeen marka ay ka soo degaan baabuurka.

Goobta waan fadhiyay oo Madaxweynaha waan la socday.   Inta uu Madaxweynayaasha kale ku salaamayay qol iyaga u gaar ah ayaan ka hormaray oo aan goobta fadhiga u gudbay.

Waxaan rabaa in aan kula wadaago in Habmaamuuska munaasabadda oo ay agaasimeysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya wuxuu ahaa mid qaddarinta uu mudan yahay siisay Madaxweynaha Soomaaliya.

Video-ga la soo saaray saxaafadda bulshadu ma ahan mid dhammaystiran oo sawir buuxa ka bixinaya goobta iyo sida ay wax u dheceen.

Waxaa yaallay kuraas si siman u safan oo isbarbar yaalla oo Madaxweyne kasta mid loogu talo galay.  Kuraasta waxaa hor yaallay masraxa laga hadlayo.

Waxaa ku yaalla laba irdood oo midina ay ku beegan tahay kuraasta dhanka midig, midda kalena kuraasta dhanka bidix.  Labada irdoodba waxaa kugu soo hagayay oo hor fidsan roog cas.  Labadaas roog ee cas cas oo barbarrada ah marka ay kuraasta ka sii fogaadaan oo ay gaaraan meesha baabuurta looga soo degayo ayaa iyaga waxaa isku xirayay roog midab kale leh oo la barbarra ah kuraasta, laakiin ka fog.

Roogga cas ee midigta ayuu hadda ku tegayaa kursigiisa

Madaxweynaheenna waxaa baabuurku ku dejiyay roogga ku beegan iridda bidixda ah.  Markii uu soo degay waxaa gacanqaadday Wasiirka Arrimaha Dibadda, Amina Mohamed.

Ka dibna, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya, Danjire Monica Juma, ayaa u horkacday dhanka midig oo geysay roogga case ee ku beegan iridda midig taas oo ah midda ku aaddan kuraasta Madaxweynaha iyo Marwada Koowaad ee Soomaaliya loogu talo galay.  Halkaas ayay dhib la’aan u fariisteen iyaga oo aan Madaxda kale soo hor marin.

Dowladda Soomaaliya waa ay ku qanacsan tahay habmaamuuska Madaxweynaha loo agaasimay.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee su’aalaha ka keenay vido-ga aan dhammaystirnayn waa ay ku mahadsan yihiin feejignaanta iyo sida ay u qaddarinayaan sharafta Madaxweynaha iyo kan Qaranka Soomaaliyeed ee uu huwan yahay.

Ugu dambeyn, dalkeenna waxaa horyaalla arrimo aad uga culus roog cas.  Waxaan rajeynayaa in sharfta iyo karaamada Qaranka Soomaaliyeed aan annagu kor u qaadno, kana dhowrno waxyaabaha dhaawici kara.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you