Thursday, June 26, 2025

Wasiir Yuusuf Garaad oo Warbixin ka Qoray socdaalkii Madaxweyne Farmaajo ee dalalka leh ciidamada AMISOM

-

Socdaal diblomaasiyadeed oo uu horseed ka yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, ayaan midkiiba habeen ku soo hoyannay saddexda caasimadood ee Uganda, Kampala; Ethiopia, Addis Ababa iyo Djibouti.

Dowladda Soomaaliyeed waxay heshay taageero xag diblomaasiyadeed iyo xag militeri si la isaga kaashado nabadeynta dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ay wehliyaan Wasiirro ay ka mid yihiin Arrimaha Dibadda iyo Gaashnaadhigga iyo Taliyayaha Militeriga Djibouti, ayaan shalay wadahadal ku yeelannay caasimadda Djibouti.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo hoggaaminayay wafdiga ayaa uga xog warramay khasaaraha culus ee naf iyo maalba leh ee shacabka Soomaaliyeed ka soo gaaray weerarkii 14-ka Oktoobar.

Waxaa kale oo Madaxweynuhu ka warbixiyay halka uu marayo dhismaha iyo isku dhafka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo awoodda ciidan ee dalku uu  maanta leeyahay.  Sidoo kale wuxuu ka warramay qorshayaasha la xiriira sidii dalka loo nabadeyn lahaa iyo kaalinta ay Ciidanka Djibouti ee walaalaha aan nahay kana tirsan AMISOM ay ka qaadan karaan marka laga daro inta ay hadda hayaan.

Is xog wareysi kaas la mid ah ayaan dorraad magaalada Addis Ababa kula yeelannay mas’uuliyiinta Ethiopia oo uu horkacayo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desaleng, oo isla markaana ah Guddoomiyaha IGAD.

Maalin ka ka horna waxaan joognay magaalada Kampala halkaas oo Madaxweyne Museveni iyo mas’uuliyiin Dowladdiisa iyo Saraakiil Sare oo militeri aan isla mowduucaas ka wadahadalnay.

Is afgarad buuxa ayaa laga gaaray iskaashiga ciidanka AMISOM iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku wajahan nabadeynta Soomaaliya.  Waxaana la isku af gartay in Wasaaradaha Difaaca iyo Talisyada ciidammadu ay ka wadashaqeeyaan meelmarinta waxyaabaha ay isku af garteen hoggaamiyayashu.

Madaxda dalalka aan booqannay waxay dhammaantood muujiyeen in ay si buuxda u garab taagan yihiin Dowladda, Ciidammada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiiru Dowlaha ahna sii hayaha Wasiirka Gaashaandhigga, Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, La Taliyaha Madaxweynaha ee Difaaca iyo La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda.

Madaxweynaha iyo wafdigiisu maanta ayay ku soo laabteen Muqdisho, halkaas oo uu Madaxweynuhu saxaafadda ugaga warramay Socdaalka Saddexda Habeen.

W/Q: Yusuf Garad [Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Hoggaamiyaha Khaatumo oo farriin u diray Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, si buuxdana u taageeray Xasan Sheekh

Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo abdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa si buuxda u taageeray wax ka bedelka dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo doorashada qof iyo cod ee...

Deni iyo Axmed Madoobe oo shaaciyay inaysan metelin Dowladda Federaalka (Akhriso 5 Qodob -War-murtiyeed-)

Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubaland oo maalmahan shir uga socday magaalada Garoowe ayaa soo saaray war-murtiyeed ka kooban 11 qodob oo ay ku eedeeyeen...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo ku heshiiyay Ajande ka kooban 4 Qodob

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Mucaaradka ee uu hoggaamiyo xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa kulankoodii ugu horeeyay maanta ku gaaray is-afgarad ku...

SAWIRRO: Mucaaradka ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif oo Madaxtooyada kulan kula leh Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Muqdisho ayaa xarunta Madaxtooyada xilligan kulan kula leh Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.Xubnahan ayaa ayaa gaaray...

Wasaaradda Gaadiidka DFS oo qasab uga dhigtay dadka ku xiran inay qataan Kaarka Aqoonsiga ee NIRA

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan cusub oo dadweynaha ku xiran adeegyadeeda qasab uga dhigaya inay...

Xabbad joojin dhaqan gashay iyo Iran oo daqiiqadihii ugu danbeeyay duqeyn xoog leh la beegsaday Isra’iil

Xabbad joojintii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaka ka dhaqan gashay dalalka Iran iyo Israa'il. kadib duqeyn culus oo Iiraan ay...

Iran oo weerar Gantaalo ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Dalka Qatar

Ilaalada Kacaanka Iran iyo Militariga dalkaasi ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Cudeyd ee duleedka magaalada Doha ee  dalka...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you