Monday, February 2, 2026

Wasiir Yuusuf Garaad oo Warbixin ka Qoray socdaalkii Madaxweyne Farmaajo ee dalalka leh ciidamada AMISOM

-

Socdaal diblomaasiyadeed oo uu horseed ka yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, ayaan midkiiba habeen ku soo hoyannay saddexda caasimadood ee Uganda, Kampala; Ethiopia, Addis Ababa iyo Djibouti.

Dowladda Soomaaliyeed waxay heshay taageero xag diblomaasiyadeed iyo xag militeri si la isaga kaashado nabadeynta dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ay wehliyaan Wasiirro ay ka mid yihiin Arrimaha Dibadda iyo Gaashnaadhigga iyo Taliyayaha Militeriga Djibouti, ayaan shalay wadahadal ku yeelannay caasimadda Djibouti.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo hoggaaminayay wafdiga ayaa uga xog warramay khasaaraha culus ee naf iyo maalba leh ee shacabka Soomaaliyeed ka soo gaaray weerarkii 14-ka Oktoobar.

Waxaa kale oo Madaxweynuhu ka warbixiyay halka uu marayo dhismaha iyo isku dhafka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo awoodda ciidan ee dalku uu  maanta leeyahay.  Sidoo kale wuxuu ka warramay qorshayaasha la xiriira sidii dalka loo nabadeyn lahaa iyo kaalinta ay Ciidanka Djibouti ee walaalaha aan nahay kana tirsan AMISOM ay ka qaadan karaan marka laga daro inta ay hadda hayaan.

Is xog wareysi kaas la mid ah ayaan dorraad magaalada Addis Ababa kula yeelannay mas’uuliyiinta Ethiopia oo uu horkacayo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desaleng, oo isla markaana ah Guddoomiyaha IGAD.

Maalin ka ka horna waxaan joognay magaalada Kampala halkaas oo Madaxweyne Museveni iyo mas’uuliyiin Dowladdiisa iyo Saraakiil Sare oo militeri aan isla mowduucaas ka wadahadalnay.

Is afgarad buuxa ayaa laga gaaray iskaashiga ciidanka AMISOM iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku wajahan nabadeynta Soomaaliya.  Waxaana la isku af gartay in Wasaaradaha Difaaca iyo Talisyada ciidammadu ay ka wadashaqeeyaan meelmarinta waxyaabaha ay isku af garteen hoggaamiyayashu.

Madaxda dalalka aan booqannay waxay dhammaantood muujiyeen in ay si buuxda u garab taagan yihiin Dowladda, Ciidammada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiiru Dowlaha ahna sii hayaha Wasiirka Gaashaandhigga, Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, La Taliyaha Madaxweynaha ee Difaaca iyo La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda.

Madaxweynaha iyo wafdigiisu maanta ayay ku soo laabteen Muqdisho, halkaas oo uu Madaxweynuhu saxaafadda ugaga warramay Socdaalka Saddexda Habeen.

W/Q: Yusuf Garad [Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you