Tuesday, June 24, 2025

Wasiir Yuusuf Garaad: “Safaaradda Soomaalida ee Riyaad waxaan kula kulmay Gabar kasoo jeedda Somaliland..”

-

Safaaradda Soomaaliya ee Riyaad

Maanta waxaan booqday Safaaradda Soomaaliya ee Riyaad, dalka Sucuudiga. Booqashada waxaa igu wehliyay Wasiirka Amniga, Maxamed Abuukar Islow, waxaana na soo dhoweeyay Danjiraha Daahir Maxamuud Geelle.

Fadhi aan la qaadannay Diblomaasiyiint, howlwadeennada iyo shaqaalaha Safaaradda waxaan uga warrannay isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay ee uu horseedka ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo barnaamijka Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxaa kale oo aan ka wadahadalnay wadashaqeynta ay Safaaraddu la leedahay caasimadda iyo sidii sare loogu qaadi lahaa.

Intaa ka dib waxaan mid mid u qaabbilay oo is xogwareysannay qaar badan oo ka mid ah diblomaasiyiinta Safaaradda.

Waxaa kale oo aan la kulmay Soomaali ay safaaraddu u fulineysay adeegyo kala duwan. Gabar ka mid ah Soomaalida ay safaaraddu u adeegeysay oo ka soo jeedda Somaliland way ila dardaarantay wayna i ehbisay. Waxay i xusuusisay in Ilaaheey hortiisa la isku xisaabin doono ayna waajib nagu tahay in aan umadda u adeegno, wax u qabanno, colaaddana ka saarno. Waxaan u ballanqaaday in aan taas ku shaqeyn doono.

Safaaradda waxaaan kala soo noqday guud ahaan cabbir wanaagsan iyo Soomaali waddaniyiin ah oo shaqo wanaagsan dalkooda u haya.

Hore waxaan u booqday Safaaradaha Soomaaliya ee Abu Dhabi iyo Nairobi.

W/Q: Yuusuf Garaad
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Iran oo weerar Gantaalo ah ku qaaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Dalka Qatar

Ilaalada Kacaanka Iran iyo Militariga dalkaasi ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Cudeyd ee duleedka magaalada Doha ee  dalka...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

Alshabaab oo Weerar ku qaaday aag laga difaaco Magaalada Baydhaba iyo Qasaare ka dhashay

Alshabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan aagga laga difaaco xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad...

Axmed Madoobe oo gaaray Garowe iyo Qorshaha cusub ee isaga iyo Siciid Deni ugu midoobayaan Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jubaland ee aysan aqoonsaneyn dowladda Federaalka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  saddex sano kadib maanta gaaray magaalad Garoowe, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay...

Duqeyntii labaad oo lagu qaaday Aadan-Yabaal iyo Kaydkii hubka Al-Shabaab oo la gubay

Duqeyntii labaad muddo 48 saacadood ah ayey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Beesha caalamka ku qaadeen gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Duqeynta...

Mareykanka oo Duqeyn culus ku qaaday Xarumaha Nukliyeerka IRAN, kuna biiray dagaalka Israel

Mareykanka ayaa toos ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran, kadib markii ay xalay dilli danbe Diyaaradaha dagaalka ee  xambaara bambooyinka tankooda weyn...

Ciidamada Dowladda iyo AUSSOM oo AS dib uga qabsaday degaanka Sabiid iyo Caanoole ee Sh/Hoose

Ciidamad Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamadda AUSSOM ee Uganda ayaa maanta la dib ula degaanada abiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose oo hore...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you