Saturday, July 19, 2025

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo maqaal ka Qoray: Muqdisho iyo Kigali – Shalay iyo Maanta

-

Muqdisho iyo Kigali – Shalay iyo Maanta

1995 Waxaan isu maray Muqdisho iyo Kigali.  Muqdisho waxay ku sugnayd xaalad aad u qallafsan.  Waxay ahayd Dowlad la’aan.  Waxay u kala qoqobnayd hoggaamiyayaal dhowr ah oo mid kastaa uu isku darsaday hub, indha’adeyg, qabiil “weyn” iyo siyaasad.

Wax kasta oo sharci darro ah waad filan kartay in lagaaga  sheekeeyo, hortaada ay ka dhacaan amaba ay adiga kugu dhacaan.  Filan waa’ ma jirin marka laga reebo sharciyad.

Nin ama ka badan qori sita oo waddada la maraya ama meel la yuurura in aad aragto la yaab ma lahayn.  Xataa baabuur xawaareynaya oo uu ku dul rakiban yahay qori lidka dayaaradaha ah asii hadda loo sito in xataa hal qof lagu dilo waxay ahayd muuqaalka joogtada ah ee magaalada.

Waddo dayactiran ma jirin.  Waddo dhinaca saxda ah keliya loo maraa ma jirin.  Waddooyinka qaarna lamaba mari karin amni darro darteed.

Dhismayaasha magaaladu waa ay burbursanaayeen siiba guryaha iyo xafiisyada dowladda iyo kuwa xaafadaha ay reer Xamarkii hore ay u yaqaanneen magaalada hoose.

Kigali 1995

Gegida dayaaradaha Kigali waxay ahayd dhismo aad u yar oo guri qof deggan yahay aad mooddo. Nin miis yar oo gaaban gadaashiisa kursi ku fadhiyay markii aan baasabboorkeyga Soomaaliga ah u dhiibay dhowr bog ayuu midba mar rogay ka dibna wuu ii soo taagay.  Wuxuu ii raaciyay – ma taqaan Raaqiya Oomaar?

Raaqiya waxay berigaas ku caan ahayd daafaca xuquuqda aadanaha siiba Soomaaliya iyo Rwanda. Waxay mar Madax ka ahayd hey’ad caalami ah oo xuquuqda aadanaha daafacda.  Ka dibna mid kale ayay iyadu wax ka sameysay Madaxna ka noqotay.

Ma hubo in Omaar iyo Omar ay isula yara ekaadeen iyo in uu Soomaalinnimada ii weydiiyay, waxaanse ugu jawaabay haa oo Raaqiya waan aqaan.  Ka dibna wuxuu ii fasaxay in aan gudaha u galo dalkiisa.

Garoonku wuxuu ahaa mid aan dayaarado badani joogin imaanna.  Dayaarad Qarammada Midoobay ay leedahay ayaan raacay.

Hoteelka aan ku degey wuxuu ahaa labadii markaas magaalada ugu “wanaagsanaa” midkood.  Xaalkiisu ma ahayn mid lagu tilmaami karo hotel caasimadeed.

Waxay magaaladu la murugeysnayd gumaadkii qorsheysnaa ee ugu yaraan 800,000 (Siddeed boqol oo kun) oo ruux lagu dilay 100 maalmood gudahood.

Meel kasta waxaa lagu iibinayay kabo aan cusbeyn oo aad u tiro badan.  Waxaa la ii sheegay in ay yihiin kabaha dadkii la dilay.

Dad ayaa muslimayay bil kasta.  Sababta waxaa la iigu sheegay in ay soo jiidatay sida ay dadkii Muslimiinta ahaa ee reer Rwanda ay u daafaceen muslimiintii ka dhashay qowmiyadda ay tooda colka ahaayeen.

Masjidkii ugu weynaa ee lagu daafacay dadka oo dakharradii weerarku ay ka muuqdaan ayaan booqday.

Dhismayaasha qaarkood weliba xafiisyo ah marka aad gasho waxaad indhahaaga iyo sankaaga si weyn ugu dareemi kartay in nafleey lagu dhex dilay.

In aad aragto askar qoryo sidata oo baareysa baabuurta waddada mareysa ma ahayn wax lala yaabo.  Maalinjoog aan u tagnay magaalada quruxda badan ee Gisenyi oo ku baal taalla harada kala qeybisa Rwanda iyo Congo ayaa habeenkii markii aan ku soo laabannay Kigali waxaan nimid magaalada oo ciidan badani uu tuban yahay waddooyinka.  Aad ayaana naloo baaray.

Waxaan ka warhelnay hoteelkii Gisenyi ee aan maalinjoogga u tagnay in la soo weeraray oo la dilay qaar ka mid ah shaqaalihii noo adeegayay.   Nasiib wanaag in aan diiday talada ay soo jeediyeen qaar ka mid ah saaxiibbada Soomaaliyeed ee igu martiqaaday goobta taas oo ahayd in aan seexanno Gisenyi weliba isla hoteelka ku ag yaallay harada.  Talo ay hore khubaro ii siisay inta aanan London ka amba bixin ayaa ahayd meel aan Kigali ahayn in aanan ku hoyan.

2017

Toddobaadkan ayaan mar kale isu maray Muqdisho iyo Kigali.  Muqdisho waxay yeelatay Dowlad.  Waxay yeelatay kala dambeyn ilaa xad ah.  Waddooyin dhowr ah ayaa la dayactiray.  Waddooyinka waaweyn badankood nal ayay leeyihiin. Dhowr dhisme oo waaweyn asaan dowladdu lahayn ayaa soo baxay.

Duq magaalo iyo ku Xigeenno ayay yeelatay, kuwaas oo magaalada oo dhan canshuur ka qaata.

Xamar aragtayaaba qori arkeysaa. Garoonka dayaaradaha, fatashka waddooyinka, xafiisyada, hoteellada, baabuurta la carareysa madaxda iyo xataa baabuur askareed oo iskood u socda intuba waxay ka mideysan yihiin AK 47 iyo ama dabajeex waxayna ka mid yihiin nolol maalmeedka Muqdisho.

AMISOM iyadu waxay sidataa qoryo kuwaas ka culus.

Dayaarado aan yareyn ayaa taga laakiin midkoodna ma sidato magaca Qaranka.

 
Hoteelka aan degey (bidix) & Xarunta Shirarka Kigali (midig)

Labada magaalaba waxay ku tallaabsadeen horumar.  Waana wax lagu farxo.  Laakiin heerka ay berigaas joogeen marka la barbardhigo midka ay maanta marayaan waxaan dareemayaa in Muqdisho laga dheereeyay.

Amniga, waddooyinka, nalalka, dhismaha, nadaafadda, dhirta iyo cagaarka iyo nidaamka gaadiidka loo kala hagayo, Kigali waxay ku tallaabsatay horumar weyn.

Ujeedid la’aanta qoryaha ayaa iyaduna ah wax aan aad uga helay Kigali gudaheeda.

Hotel ay deggan yihiin Wasiirro badan oo Afrikaan ah ayaan iridda hore ee laga soo gelo oo qiyaastii dhowr boqol oo tallaabo u jirta dhismaha hoteelka aan ku arkay askari qori sita.   Sidoo kale irirdka hore ee gegida dayaaradaha.

Laakiin xataa markii qol aad u weyn oo aan shir ku lahayn uu soo galay Madaxweyne Kagame oo maalinta inteeda badan uu nala joogay ma arag askari lebbisan iyo mid qori muuqda sita.

Hotelka aan ku degay xag dhisme iyo nadaafad wuu ka sarreeyay qaar badan oo Yurub ku yaal. Waxaan Kigali ku imid Rwandair oo ah sharikadda dayaaradaha ee Rwanda.

Hadda Madaxda Rwanda waxaa ay ka hadlayaan waa sidii qaaraddan Afrika loo horumarin lahaa.  Shirka ay marti-geliyeen wuxuu ku saabsanaa dib u habeynta Midowga Afrika taas oo uu horseed ka yahay Madaxweyne Kagame.  Waxaa la isaga yimid Afrika oo dhan – Bari, Galbeed, Woqooyi, Koofur iyo Bartamaha.

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame wuxuu yiri, Rwanda-da aad maanta aragtaa ma aha mucjiso, waa natiijada howl badan oo adag oo la qabtay.

Waxaan ku kalsoon ahay in maamulka cusub ee Gobolka Banaadir iyo caasimaddeenna Muqdisho ay wax badan oo wanaagsan soo kordhin kari doonaan mustaqbalka.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

Dagaalkii Siyaasadeed Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo gaaray Gobolka Sanaag iyo Xiisad ka taagan

Gobolka Sanaag ayaa galay xaalad cusub, iyadoo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo.Guddoomiyihii hore...

Shirkii Madaxweyne Xasan iyo Madasha Mucaaradka oo la isku mari waayay (ma burburay mise..?)

kulankii labaad shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.War kooban oo kasoo baxay...

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you