Tuesday, July 15, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qormo ka diyaariyay safiirro uu qaabilay [Akhriso]

-

Danjirayaasha Jarmalka, Talyaaniga iyo Imaaraadka

Maanta waxaan Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda midba mar shir ugula yeeshay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Carlo Campanile iyo Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho, Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Danjirayaasha waxaan kala hadlay xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya ay la leedahay Talyaaniga tan gobonimadii iyo Imaaraadka Carabta tan iyo xilligii Shiikh Zayed.

Labadan Danjire iyo Danjiraha Jarmalka u qaabbilsan Soomaaliya Jutta Frasch oo aan goobjoog ka ahaa kulan uu Ra’iisal Wasaaruhu kula yeeshay Madaxtooyada markii dambena aan qado-shaqo kula yeeshay mid ka mid ah Hoteellada Muqdisho ayaan ka wadahadalnay qodobbo dhowr ah oo waxtar u leh xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Talyaaniga, Imaaraadka Carabta iyo Jarmalka.

Qodobbada aan Saddexda Danjire kala hadlay waxaa ka mid ah isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, soo dhoweynta shacabka iyo saameeynta uu isbeddelkaasi ku yeelan karo dalka haddii uu taageero la taaban karo ka helo dalalka aan saaxiibka nahay.

Waxaan xusay in Dowladda cusub ay ka go’an tahay in ay la dagaasho  musuqmaasuqa, taas oo faa’iidooyikeeda kale ka sokow, aan rajeyneyno in ay dhiirri geliso in dalalka aan saaxiibka nahay sida Jarmalka, Talyaaniga iyo Xubnaha Midowga Yurub iyo Imaaraadka Carabtu ay sii kordhiyaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya.

Waxaan xusay in maaddaama ay dhallinyaradu tahay tirada ugu badan ee bulshadeenna ay lagama maarmaan tahay shaqo abuur ka sokow in aan damacsan nahay in aan kor u qaadno tirada fursadaha deeqaha waxbarasho ee ay u tartami karaan.  Danjiryaashu si guud ayay u soo dhoweeyeen codsigaas.

Tababbarka Howlwadeennada Wasaaradda ayaa ahayd mowduuc aan kala hadlay Danjirayaashu in ay Macaahiddoodu Diblomaasiyaddu ay tababbarro u fidiyaan shaqaalaha Wasaaradda.

Qodob kale oo Danjirayaasha aan la socodsiiyay ayaaa ahaa in aan xoojineyno Waaxda Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda si ay Danjirayaasha Ajnebiga ah iyo wufuudda ugu fududeyso xiriirkooda laamaha Dowladda iyo dalka oo dhan.

Kulammada ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibadda, Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska iyo Agaasimayaasha Yurub iyo Dalalka Carabta.

Saddexda Danjire waxaan mid kasta ka wadahadalnay xiriirka labadeenna dal.

Talyaaniga

Danjire Campanile waxaan uga mahadcelin iskaashiga ay Dowladda Talyaanigu la leedahay Soomaaliya. Waxaan ka wadahadalnay deeqaha Talyaanigu bixiyo ee soo mara Qarammada Midoobay iyo doorka ay Dowladda Soomaaliya ku lahaan karto hagiddooda iyo qiimeyntooda.

Waxaan ka wadahadalnay qabaqanqaabada Booqasho uu Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegi doono dalka Talyaaniga mustaqbalka dhow.

Waxaan xusuusiyay Danjiraha Talyaaniga sida ay Soomaaliya uga faa’iideysatay mshaariicda uu Talyaanigu ka fuliyay Soomaaliya oo ay ka mid tahay waddada isku xirta Boosaaso iyo Garoowe. Waxaanna Danjiraha u sheegay in maaddaama ay Soomaaliya ka soo kabaneyso colaad ay hadda baahi weyn u qabto mashaariic horumarineed.

Waxaa uu Danjiruhu si kaftan ah wax iiga weydiiyay in uu maqlay in aan Talyaaniga wax ku bartay waxaanna uga warramay waxbarashadii aan ku qaatay magaalada Sienna ee dalka Talyaaniga.  Waxaan u sheegay in aan Dowladda Talyaaniga abaal uga hayo deeqda waxbarasho ee ay aniga iyo kumanyaal Soomaali ah u fidisay taas oo aan xusay in aan maanta aad ugu baahi qabno.

Imaaraadka Carabta – UAE

Danjire Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi waxaan uga mahadceliyay sidii wacnayd ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo aan ka mid ahaa loogu soo dhoweeyay Abu Dhabi, fadhiyadii aan la yeelannay Madaxda dalka iyo ballanqaadkii waxqabad ee ay sameeyeen.

Waxaan si gaar ah uga mahadceliyay Barnaamijka deeq ururinta ee Jimcihii ka dhacay Imaaraadka Carabta ee dalka oo dhan looga ururiyay deeq samafal ah oo loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu asiibtay.

Danjiraha waxaan isla qirnay in ay Dowladda Soomaaliya tahay Dowladda Sharciga ah ee dalka oo dhan matasha isla markaasna ay iyadu tahay iridda sharciga ah ee laga soo galo dalka. Waxaan intaa u raaciyay in Dowladdu ay soo dhoweyneyso horumarinta gobol kasta oo dalka ka mid ah, welibana ay u fududeyneyso Dowladdii dalka ka fulineysa mashruuc horumarineed, iyada oo la dhowrayo Madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya isla markaasna laga fogaanayo fal kasta oo taa wax u dhimi kara.

Jarmalka

Danjiraha Jarmalka uga wakiilka ah Soomaaliya, Jutta Frasch, ayaan ka qeyb galay kulan uu Ra’iisal Wasaaruhu kula yeeshay Xafiiskiisa.  Ka dibna waxaan la qaatay qado-shaqo.

Danjiraha waxaan isla soo qaadnay sidii aan u xoojin lahayn xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jarmalka isla markaasna aan isu weydaarsan lahayn booqashooyin Madax Sare oo labada dhinac ah.

Qadada waxaan uga dul sheekeysannay xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Caalamka iyo sida aan u aragno in dalalka aan jaarka nahay uu isku xiran yahay amnigeenna iyo horumarkeennu.

Posted by Yusuf Garaad

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo...

Faahfaahin: Qarax lagu khaarijiyay Sarkaal Ciidan oo ka dhacay Afgooye iyo Alshabaab oo sheegatay

Qarax miino oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,...

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Mareykanka ugu hanjabay inay Ciidamadooda kala baxayaan Somaliya

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Musaveni ayaa ku hanjabay inay Uganda ciidamadeeda kala...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

Alshabaab oo la wareegtay degmada Moqokori iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay Bariga gobolka. kadib weerraro dhowr jiho ah oo Alshabaab...

Faahfaah: Qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori iyo Hoggaamiye lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegatay Alshabaab. Qaraxa ayaa loo...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you