Saturday, January 31, 2026

Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo faahfaahin buuxda ka bixiyay Furitaanka Isbitaalka Digfeer & kharashka ku baxay

-

Wasiirka Caafimaadka dalka Turkiga Mehmet Muezzinoglu oo ka mida wafdiga madaxweynaha Turkiga ee Berito booqan doona magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyay isbitaalka dhimaha Digfeer oo hadda loo bixiyay Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan, kharashka ku baxay, shaqaalaha ka shaqeyn doona iyo qaabka loo maamuli doono.

Wakaalada Wararka oo soo xigatay wasiirka ayaa sheegay Axadda beri si rasmi ah ay u furi doonaan isbitaal tababar iyo baaris caafimaad ah, isbitaalka  oo ku fadhiya dhul gaaraya 13,500-square-mitir wuxuu yaala  200 sariirood, waxaana maalgelisay hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Turkiga (TIKA).

muezzinoglu

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa heshiis hore u saxiixday kaasoo dhigaya in isbitaalka si wadajira uga shaqeeyaan, iyadoo Wasaaradda Caafimaadka Turkiga ay bixineyso dhaqaale isbitaalku ku soco 5-sano ee ugu horeysa iyo shaqaale caafimaad oo xirfadleyaal ah, xilligaas kadibna wuxuu ku wareegi doonaa isbitaalka Soomaaliya.

Isbitaalka sida qorshuhu yahay waxaa lagu tababari doonaa 36 howlwadeeno caafimaad oo Soomaali sanadkiiba. kharashka isbitaalka ku baxaya waxaa lagu qiyaasay 135.7 Milyan oo doolar, Turkiga ayaana bixinaya 85.6 Milyan oo doolar oo ka mida lacagtaasi shanta sano ee soo socota. Shaqaalaha Isbitaalka ayaa gaaraya 52 Turki ah iyo 91 Soomaali ah oo kala qaabilsan qeybaha maamulka, Dhaqtarada, agaasime qeybeed iyo maamulayaal dhinaca dhaqaalaha ah. Halka ammaanka ay gacanta ku hayn doonaan 42 Soomaali ah iyo 5 Turki ah.

digfeer

[ot-caption title=”ISBITAALKA DIGFEER” url=”http://goobjooge.com/wp-content/uploads/2015/01/Digfeer11.jpg”]

Qeybaha isbitaalka waxay kala yihiin:

= Qeybta Caruurta

=Qeybta dhalmada

= Qeybta neurosurgery

= Qeybta plastic surgery

= Qeybta Qalliibka Guud

= Qeybta internal medicine

= Qeybta Indhaha

= Qeybta anesthesia

= Qeybta Ilkaha

001

Wuxuu kaloo isbitaalku leeyahay 12 sariirood oo xaaladda degdegga ah u qalabeysan, 14 sariirood oo loogu talo galay caruurta ku dhalatay xaaladaha halista ah, 4 qol oo qalliinka ah, qolka dhalmada iyo weliba qeybaha Raajada iyo sheybaarka.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

Saddexda Qodob ee ugu culus War-murtiyeedka Shirka Kismaayo ee Mucaaradka

Shirkii Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, looga soo horjeestay wax...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Somaliya ee Dugsiyada Sare 2024-2025 oo la shaaciyay iyo Ardayga …

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar uga dhawaaqday natiijada Imtixaankii fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee koonfurta Soomaaliya, sanad dugsiyeedka 2025/2025.Waxaa...

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

XOGAHA QARSOON

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu...

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you