Wasiirka Maaliyadda oo shaaciyay inay Laba-laab korortay lacagta kasoo xaroota Dekadda Muqdisho

0

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in dadaal ay gashay xukuumadda oo lagula dagaalamay musuqa ay suuragashay in la kordhiyo dakhliga.

Wasiirka C/raxmaan Ducaale Bayle oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa shaaciyay in dakhliga kasoo xerooda Dekadda Muqdisho oo markii hore ahaa $150,000 maalintii hadda uu gaaray $300,000, taasina ay ku timid kormeero joogto ah iyo isbedello lagu sameeyay waaxda canshuuraha.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay la dagaalameyso musuqa ayna qaaday tallaabooyin waaweyn oo muddo 60 maalmood gudahood ah suurageliyay in la gaaro kororsiimo dakhli oo laba-laab ah.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in diideen lacagaha in lagu bixiyo si kaash ah, isla markaana ay soo rogeen qaabab lagu ilaalinayo habsami u bixinta canshuuraha.

Goobjooge