Monday, June 23, 2025

Waxa iiga baxay warkii oday Farmaajo!: Nin la soo qasbay oo dhibban (Qormo Faaqidaad ah)

-

- Advertisement -

Qabkii iyo gobonimadii fagaarayaasha caalamiga in la soo celiyey ayuu noo sheegey! Balse wuxuu is-hilmaansiiyey in aag dagaal uu ka furey madaxtooyada qaranka looga talinayey oo uu qabtii soo celiyey!?Midnimada dadka iyo in laga fogaado isqabqabsi ayuu umadda ku wacdiyey ayadoo asaga iyo Raysulwasaarihii la og-yahay in aysan xataa salaanta iska qaadin.

La dirirka Musuqmaasuq iyo daahfurnaan dhaqaale ayaa ka mid ahayd fariintiisa, balse waxaa laga wada warqabaa meesha uu gaarsiiyey boobka iyo musuqa ka dhexjira hey’adaha Dawladda iyo doorashadaba, bal dib ugu laabo hantidhowrka qaranka warbixinadiisa!

Wuxuu sheegey in ciidamadii uu dhisay oo ay argagixisada la diriraan, AMISOM-na ay kala wareegi doonaan amniga dalka ayadoo la og-yahay in uu fasaxay in Shabaab canshuurta ka qaadato dekedda Muqdisho iyo hey’ado kale oo badan, ciidamadii qarankana uu sabab u noqday in ay aag isku galaan madaxtooyada dhexdeeda, AMISOM-na inta aan bixideeda laga hadlin maantay looga baahan yahay in ay madaxtooyada amnigeeda sii heyso, kalana dhexgasho ciidamada uu colaadda ka dhex-dhaliyey!?

Arrimaha doorashada wuxuu inkiray guddiyadii doorashada qabashadeeda loo igmaday iyo Raysulwasaarihii uu xilka doorashada ku wareejiyey 1-dii May 2021 barlamaanka hortiisa, wuxuuna xusay madaxda dawlad goboleedyadu in ay boobsiiyaan doorashada!? Haddii odayga hadaladiisii hore oo dhan uusan ka dhabayn, sidee lagu aaminayaa kuwiisa cusub ee marin-habaabinta u badan, midda kale sow ma oga in aan mar kale dadka la indha-sarcaadin karin.

- Advertisement -

Odayga xalay wuxuu u ekaa nin la soo qasbay oo dhibban, nin hadalkiisa ay soo qoreen kuwo caalam kale ku nool, nin ay la taliyaal u yihiin kuwo god iyo haadaan ka sii tuuraya, nin u afduuban kuwo aan ka naxayn oo ka faa’idaysanaya go’doonka siyaasadeed ee ay galiyeen!Duqa haloo gurmado haddii tolnimo jirto!

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Axmed Madoobe oo gaaray Garowe iyo Qorshaha cusub ee isaga iyo Siciid Deni ugu midoobayaan Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jubaland ee aysan aqoonsaneyn dowladda Federaalka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  saddex sano kadib maanta gaaray magaalad Garoowe, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay...

Duqeyntii labaad oo lagu qaaday Aadan-Yabaal iyo Kaydkii hubka Al-Shabaab oo la gubay

Duqeyntii labaad muddo 48 saacadood ah ayey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Beesha caalamka ku qaadeen gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Duqeynta...

Mareykanka oo Duqeyn culus ku qaaday Xarumaha Nukliyeerka IRAN, kuna biiray dagaalka Israel

Mareykanka ayaa toos ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran, kadib markii ay xalay dilli danbe Diyaaradaha dagaalka ee  xambaara bambooyinka tankooda weyn...

Ciidamada Dowladda iyo AUSSOM oo AS dib uga qabsaday degaanka Sabiid iyo Caanoole ee Sh/Hoose

Ciidamad Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamadda AUSSOM ee Uganda ayaa maanta la dib ula degaanada abiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose oo hore...

Sanbaloolshe oo dib ugu soo laabtay Xildhibaannada Golaha Shacabka (Maxaa ka dhacay Jowhar?)

Agaasimihii xilka laga qaaday ee hay’adda NISA Cabdullahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa mar kale maanta dib u soo ceshaday helay kursigiisi xildhibaannimo, kadib doorasho si...

Akhriso: Labada Qodob ee Shirkii Wadatashiga Qaran ku taageeray Qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh

Waxaa Maqribnimadii caawa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka wadatashiga qaran ee madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqay ee socday, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed.Shirka...

20 ka mida Taliyeyaashii Sare ee Ciidamada Iran oo lagu dilay Weerarka Israel ku qaaday

Israa’iil ayaa waaberigii hore ee Jimcihii weerar culus ku qaaday dalka Iran, gaar ahaan goobaha nukliyeerka iyo saldhigyada milatari dalkaasi”Weerarkan oo lama filaan ahaa,...

XOGAHA QARSOON

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

Siciid Dani iyo Axmed Madoobe oo is-afgarad ku gaaray dalka Imaaraadka Carabta, kuna soo jeeda…

Wararka laga helayo Dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ay is afgarad ku...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you