Monday, June 5, 2023

Waxa iiga baxay warkii oday Farmaajo!: Nin la soo qasbay oo dhibban (Qormo Faaqidaad ah)

-

- Advertisement -

Qabkii iyo gobonimadii fagaarayaasha caalamiga in la soo celiyey ayuu noo sheegey! Balse wuxuu is-hilmaansiiyey in aag dagaal uu ka furey madaxtooyada qaranka looga talinayey oo uu qabtii soo celiyey!?Midnimada dadka iyo in laga fogaado isqabqabsi ayuu umadda ku wacdiyey ayadoo asaga iyo Raysulwasaarihii la og-yahay in aysan xataa salaanta iska qaadin.

La dirirka Musuqmaasuq iyo daahfurnaan dhaqaale ayaa ka mid ahayd fariintiisa, balse waxaa laga wada warqabaa meesha uu gaarsiiyey boobka iyo musuqa ka dhexjira hey’adaha Dawladda iyo doorashadaba, bal dib ugu laabo hantidhowrka qaranka warbixinadiisa!

Wuxuu sheegey in ciidamadii uu dhisay oo ay argagixisada la diriraan, AMISOM-na ay kala wareegi doonaan amniga dalka ayadoo la og-yahay in uu fasaxay in Shabaab canshuurta ka qaadato dekedda Muqdisho iyo hey’ado kale oo badan, ciidamadii qarankana uu sabab u noqday in ay aag isku galaan madaxtooyada dhexdeeda, AMISOM-na inta aan bixideeda laga hadlin maantay looga baahan yahay in ay madaxtooyada amnigeeda sii heyso, kalana dhexgasho ciidamada uu colaadda ka dhex-dhaliyey!?

Arrimaha doorashada wuxuu inkiray guddiyadii doorashada qabashadeeda loo igmaday iyo Raysulwasaarihii uu xilka doorashada ku wareejiyey 1-dii May 2021 barlamaanka hortiisa, wuxuuna xusay madaxda dawlad goboleedyadu in ay boobsiiyaan doorashada!? Haddii odayga hadaladiisii hore oo dhan uusan ka dhabayn, sidee lagu aaminayaa kuwiisa cusub ee marin-habaabinta u badan, midda kale sow ma oga in aan mar kale dadka la indha-sarcaadin karin.

- Advertisement -

Odayga xalay wuxuu u ekaa nin la soo qasbay oo dhibban, nin hadalkiisa ay soo qoreen kuwo caalam kale ku nool, nin ay la taliyaal u yihiin kuwo god iyo haadaan ka sii tuuraya, nin u afduuban kuwo aan ka naxayn oo ka faa’idaysanaya go’doonka siyaasadeed ee ay galiyeen!Duqa haloo gurmado haddii tolnimo jirto!

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Alshabaab oo soo bandhigtay Gaashaanle lagu dilay Buulo-mareer iyo Amiirkooda oo hoggaaminaya..

Alshabaab ayaa baahisay muuqaal hordhac ah oo ku saabsan Weerarkii Buulomareer, iyadoo uu kasoo muuqday Amiirka Alshabaab oo la sheegay inuu ballan ka qaaday...

Wado loogu magac daray Madaxweyne Cali Mahdi oo laga dhisayo magaalada Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho maanta laga dhagax dhigay Wado loogu magac daray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Cali Mahdi Maxamed. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf...

Sarkaalkii ugu sareeyay SSC oo ka goostay Somaliland, laguna soo dhoweeyay Laascanood

Taliye ku-xigeenkii Ciidamada Somaliland Jeneraal Suleymaan Barre Geesood ayaa ka goostay Maamulka Somailand, isagoo ku biiray ciidamada degaanka ee beeshiisa oo dagaalka kula jira...

Madaxweynaha Uganda oo shaaciyey tirada Ciidamada Uganda looga dilay weerarkii Buulomareer

Madaxweynaha Uganda Yoweri shaaciyay tirada ciidamada Uganda looga dilay weerarkii kooxda Al-Shabaab ku qabsatay saldhigoogdii degaanka Buulomareer ee Koonfurta Soomaaliya. Museveni ayaaa sheegay in 54...

Askar ka mida Taraafikada Muqdisho oo la xiray kadib Muuqaal CCTV ah oo laga baahiyay

Taliska ciidamada Booliska ayaa war kasoo saaray askar ka tirsan ciidamada nabadgelyada Wadooyinka oo muquaal qarsoodi ah laga baahiyey iyadoo ku xadgudbaya oo garacaaya...

Odowaa, C/raxman C/shakur, C/qaadir Cosoble iyo xildhibaanno diiday Muddo kororsiga..

Dood culus ayaa hareysay fadhigii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, kadib markii guddoonku hor keenay Mooshin wax looga bedelayo qoddobo ka mida Dastuurka KMG...

Xildhibaanno Sharci-darro ku tilmaamay Muddo kordhinta Madaxweynaha iyo Labada Aqal

Kalfadhigii saddexaad, fadhigiisii koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa la hor keenay mooshin muddo kordhinta Madaxweynaha iyo Labada aqal ee Baarlamaanka oo...

XOGAHA QARSOON

Madaxweyne Musaveni: “800 Alshabaab ah ayaa galay Saldhigga Buulomareer..” (Xog Cusub)

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Musaveni ayaa ka hadlay weerarkii Jimcihii 26-ka May ku qaadeen saldhigga ciidamada dalkiisa ee ka tirsan ATMIS, magaalada Buulomareer ee...

Maxay yihiin Ciidamada cusub (Special force) ee Imaaraadku u soo tababaray Somaliya..?

Waxaa dhowaan dalka Uganda tababar loogu soo xiray ciidamo cusub oo ka mida kumanaanka askari oo dowladda Imaaraadka Carabta aya taageereyso. Ciidamadan ayuu sheegay Wasiirka...

XOG: Dowladda Somalia oo Qandaraas u saxiixday Shirkad hubineysa Shixnadaha la keeno Dalka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la gashay shirkad Ajnabi ah oo qaabilsan hubinta Shixnadaha la keeno dalka, Qandaraaskaasi oo shalay lagu saxiixay magaalada Muqdisho....

Madaxda iyo Mas’uuliyiinta Dowladda oo lagu soo rogay DHAAR looga hortegayo Musuqmaasuqa

Golaha wasiirada xukuumadda Federaalka ayaa soo saaray Qaraar la sheegay in lagu maamulayo Maaliyadda dalka, loogana hortegayo Musuqmaasuqa ka dhex jira dowladda Federaalka. Qaraarkan oo...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you

error: Content is protected !!