Thursday, August 21, 2025

“Waxaad meteshaa Dad miisaankoodii siyaasadeed maqan yahay..” Qoraal C/raxman C/shakur u diray Ra’iisal Wasaaraha cusub

-

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa farriin qoraal ah u diray Ra’iisal wasaaraha cusub ee la magacaabay Maxamed Xuseen Roobe, wuxuuna kula taliyey arrimo badan oo ku saabsan sida ay tahay inuu xilkiisa u guto, isagoo uga digay rabitaanka Madaxweynaha soo magacaabay ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Qoraalka C/raxmaan C/shakuur oo ah mid xasaasi ah oo taabanaya waxa laga rabo iyo xaaladda uu ku soo beegmay Ra’iisal wasaare Rooble ayaa u qornaa sida soo socota:


Waxaan soo dhoweynayaa Raysalwasaaraha cusub Injineer Maxamed Xuseen Rooble oo ah nin aan muddo aqaannay, kuna bartay dadnimo iyo wanaag, waxaan Ilaaheey uga baryeynaa in uu la garab galo xilka iyo masuuliyadda uu Soomaali u qaaday. Mudane RW waxaad ku soo aadday xilli adag, xasaasina ah oo ay maalmo kooban ka harsantahay muddo xileedkii dowladda, laguna heshiiyey hannaankii doorashada oo heer Federaal ah.

Mudane, waqti badan ma haysatid, waxaadse heli kartaa fursad aad ku reebto raad togan iyo taariikh toolmoon, halbeegga hawshaaduna waa in aad dalka si nabad ah uga talaabisid xilliga kala-guurka ah ee shiidaadiisu badantahay . Waxaad ku soo beegantay xilli dadkii la kala irdheeyey, saamilaydii siyaasadeedna kala aamin baxeen, culayska ugu wayn ee aad wajahayso waa in aad ur u bixiso siyaasadda cakiran, is fahamna ka dhex abuurto siyaasiyiinta kala dhintay.

Madaxweynuhu wuxuu kaa rabaa in aad hormuud u noqoto ololahiisa doorashada, inta kalana waxey kaa rabtaa in aad u dhaxeyso oo aadan dhinacna u dheelliyin, meelmariso fulinta heshiiska doorashada kana fogaato wax kasta oo shaki abuuri kara ama dib u dhac keeni kara, kalana tashato saamilayda siyaasadeed dejinta jadwalka doorashada iyo dhismaha guddiyada.

Inkastoo xil qaran lagu magacaabay, haddana waxaad meteshaa dad miisaankoodii siyaasadeed maqanyahay iyo deegaan dhibteysan, taasina waxay kaaga baahantahay in aad muuqaal Raysalwasaare iyo mataalad siyaasadeed yeelato, kana feejignaato in aad asxaabtaada iyo dadkaada ka cararto, si aadan beri cidla u soo dhicin.

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

AKHRISO: Liiska Magacyada Xildhibaannada Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Dowlada Federaalka Soomaaliya magacawday ayaa soo saaray Liiska rasmiga ah ee Golaha...

Natiijada Imtixaanka Dowladda Fasalka 8aad ee Dugsiyada G/Banaadir 2025 (Halkan ka Akhriso)

Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir...

Puntland oo beenisay inay ciidankeeda qabsadeen Markabka Hubka sida ee MV Sea World, baaqna u dirtay DFS iyo Turkiga

Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa war cusub kasoo saaray markabkii hubka siday ee MV Sea World, iyadoo shaacisay inuu markabkaas weli ku socdo baaritaan. War-saxaafadeedka oo...

Fahad Yaasiin oo Siciid Deni ku dhaliilay Markabka Hubka ee Puntland qabsatay, lana saftay Dowladda Federaalka

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan markabka hubka sida ciidamada Puntland ay qabsadeen, kaasoo xiisad cusub...

Dowladda Somaliya oo Digniin u dirtay Puntland, kana dalbatay inay sii deyso Markabka hubka ee ay qabsatay

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Markabka ay qabsatay Puntland, waxaana warsaaxafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta DFS lagu sheegay in markabka hubka...

FAAHFAAHIN: Qarrax is-miidaamin ah oo AS ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Saraakiil Caddaan ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.Qaraxa oo uu fuliyay...

Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka isku xira Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Wado cusub iyo Buundo laga dhisayo jidka 26-ka Juun...

XOGAHA QARSOON

XOG: Is-faham laga gaaray wadadal toos ah oo dhex Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Wadahadallo si hoose ugu socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Madasha Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.Ilo...

XOG: Sababta dhalisay in xilka laga qaado Agaasimihii Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Xog hoir leh ayaa laga helayaa sababta xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).Agaasime Sanbalooshe ayaa xilka...

XOG: Wararkii ugu danbeeyay ee Xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe

Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa...

XOG: Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luminayo taageerada Mareykanka?

Waxaa dhowaan baraha bulshada iyo qaar ka mida Warbaahinta Soomaalida lagu faafiyay Wararka ku saabsan in Aqalka Cad ee Mareykanka uu si weyn uga...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you